HomeDagaal afka ah oo uu Mareykanku ku qaaday Ruushka oo magangeliyay...

Dagaal afka ah oo uu Mareykanku ku qaaday Ruushka oo magangeliyay ninka fashiliyay sirta badan iyo noocyada macluumaadka uu bixiyay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

London (SLpost) Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u qiimayn ku samayn doono xidhiidhka uu dalkiisa la leeyahay Ruushka.Barack Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo eega in xidhiidhka Ruushka ay la leeyihiin uu shaqeynayo iyo in kale.Waxaa uu cambaareeyay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo uu sheegay inuu u fakaraya sidii berigii dagaalka qabaw.Obama ayaa ku eedeeyay Putin inuu caqabad ku yahay in horumar laga gaadho arrimaha waaweyn ee u dhexeeya labada dal.Maraykanka ayaa ka cadhooday magangelyada ay Ruushku siiyeen Edward Snowden, oo ah ninkii kashifay barnaamij sir ahaa oo Maraynkanku ku dabagalayeen malaayiin ruux oo dunida ku kala nool.Barnaamijkaas ayaa lagu dhagaysanayay telefoonnda, waxaa kale oo loo adeegsanayay in lagula socda farriimaha internetka ee malaayin ruux.Madaxweyne Obama ayaa joojiyay booqasha uu ku tegi lahaa dalka Ruushka kaddib go’aanka Ruushaka ay magangelya ku siiyeen Edward Snowden.

Warbixinada sirta Maraykanka ee la daabacayWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya daabacadii kumanyaal warbixino dimlomaasiyiinta maraykanka ay leeyihiin oo sir ah ee lagu daabaxcay barta internetka ee Wiki Leaks.Warbixinada lagu daabacay barta internetka ayaa waxaa ka mid ah in Boqor Cabdalla ee Sacuudi Carabiya uu ku guubaabiyay Maraykanka inuu weeraro saldhjiga nucliyeerka ee Iran.Warbixinada la daabacay waxaa ka mid ah, meel ay Israel ugu sheegayso masuuliyiinta Maraykanka inay Israel la tashadeen Masar iyo dowladda falastiiniyiinta intaanay Gaza weerarin sanadkii 2008da dhamaadkiisii.Warbixinada waxaa ka mid ah mid sheegaysa sida uu Maraykanka uga walwal san yahay musuqmaasuqa ka jira Afganistaan.Warbixinta ayaa sheegaysa, in hayadda ka hortaga daraaga ee Maraykanka ay heshay madaxweyne ku xigeenka Afganistaan oo lacag dhan konton iyo laba million oo dollar ay boorso ama shandad ay ugu jirto.Dalka Afganistaan, Masuul Maraykan ah ayaa wuxuu qoray in Madaxweyne Hamid Karzai walaalkii Axmed Wali Karzai, in lagu yaqaano inuu sameeyo musuqmaasuq, kana ganacsada Daraaga.

obama

Warbixinada lagu daabacay barta internetka ayaa waxay sheegayaan in Maraykanka uu si qarsoodi ah u baarayo dadka u shaqeeya Qaramada Midoobay.Warbixinada oo sidoo kale lagu daabacay wargayska Guardian ee ka soo baxa Britain, David Leigh oo ka tirsan wargayska Guardian ayaa BBCda u sheegayy in warbixinadan ay dadka u baahan yihiin si ay u ogaadaan sida ay dowladaha u fikiraan. Ninka bixiyay sirta sirdoonka MaraykankaEdward Snowden, oo horey ula shaqeyn jiray hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, ayaa sheegay in uu gudbiyay warar sir ah oo ay leeyihiin sirdoonka Maraykanka si uu u ilaaliyo xorriyadda aadamahaLabo wargeys oo laga leeyahay dalka Britain iyo Maraykanka, the Guardian iyo the Washington Post, ayaa bannaanka soo dhigay ninkan oo u soo gudbiyay xog la xidhiidha barnaamij dadka lagu dabagalo, oo aan horey loo ogayn.Snowden ayaa sheegay in CIA-du ay caqabad ku tahay awoodda dowladda, oo ayna halis ku tahay hannaanka dimuqraadiyadda.

Barnaamijka uu kashifay Snowden ayaa lagu dabagalayay malaayiin ruux oo ku kala sugan dunida, iyadoo la dhagaysanayay telefoonnadooda isla markaana la akhrinayay farriimahooda bogga internet-ka.Wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegaysa in ay billawday baadhitaanno la xidhiidha macluumaadka sirdoonka ee amar la’aanta la bixiyay.Dowladda Britain ayay soo food saartay dhaleeceyn la xidhiidha in ay adeegsatay warbixinno ay curiyeen sirdoonka Maraykanka, si ay u garab maraan sharciyada u yaalla dalka Britain ee la ku saabsan dabagalka dadka.Ras’iisalwasaaraha Britan David Cameron ayaa sheegay in sirdoonka Britain ay u howl galaan si waafaqsan sharciga.

Somalilandpost.net

London

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories