HomeDadweynaha Reer Berbera Oo Soo Dhawayn Layaab Leh Ku Qaabiley Wefti Uu...

Dadweynaha Reer Berbera Oo Soo Dhawayn Layaab Leh Ku Qaabiley Wefti Uu Hogaaminayey Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Dadweynaha ku nool magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa maanta si layaab leh u soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hogaaminayay guddoomiyaha urursiyaasadeedka WADANI, isla markaana waxa magaalada laga furay laba xafiis oo ururku ka hawlgeli doono.

blankSoo dhawaynta ay ku qaabileen reer Berbera weftiga WADANI, ayaa guud ahaan laga dareemay magaalada iyadoo dadweyne aad u fara badan oo gaadiid wataa ay guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga hortegeen kaantaroolka magaalada.

blankGuddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cadbiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] oo markii ay guda magaalada soo galeen xadhiga ka jiray xarunta ururka ee Berbera iyo xafiiska kale, ayaa halkaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa uga jeediyey dadkii faraha badnaa ee soo dhaweeyey isaga oo si weyn ugu macahadceliyey dadweynaha reer Berbera ee si labaabka leh u qaabilay.

blank“Ururka WADANi waa hanti ay wada leeyihiin dadka reer Somaliland, waana urur isu sharciyeeyey dawlad wanaag, toosin iyo wax-qabad inuu ku soo kordhiyo Somaliland. Ururka WADANi inay Somaliland wada leedahay waxa markhaati ka ah markii la diwaangelinayey degmo iyo gobol cid ka maqnayd midna muu jirin.” Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

blankWaxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Markii lacagta diwaangelinta la bixinayey dhammaan dadka reer Somaliland way ka wada qayb-qaateen. Waana markhaati ka ah waa ururkii ugu horreeyey ee si sharci ah isu diwaangeliyo. Lacagtaa la wada bixyey qayb kasta oo bulshada ka mid ahi waxbay ku lahayd.”

blankWaxa uu guddoomiyuhu ka hadlay waxa uu mustaqbalka qaban doono ururka WADANI, isaga oo xusay inuu wax badan ka qaban doono baahiyaha asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka, isla markaana waxa uu si gaar ah u tilmaamay in WADANI xoogga saari doono sidii Somaliland ku heli lahayd ictiraaf caalami ah.

blankWaxa uu sheegay Guddoomiyuhu in xilligan Somaliland u baahan tahay siyaasiyiin muddakar ah oo ka dhabayn kara hilimilada Somaliland, isaga oo ugu baaqay dadka ku loolamaya saaxadda siyaasadda inay ilaaliyaan dishbiliinka iyo sharcigga tartanka xorka ah.

blankGuddoomiye Cirro waxa kale oo uu dadweynaha reer Berbera ka codsaday inay codkooda ku taageeraan WADANI si ay ugu guulaystaan tartanka lagu soo baxayo ee xisbinimo.

blankWaxa isaguna halkaa ka hadlay Dr. Idiris Xaaji Nuur oo dadweynaha reer Berbera u soo jeediyey inay si buuxda u taageeraan urur-siyaasadeedka WADANI, isaga oo tibaaxay in ururkani haddii uu soo baxo inuu wax badan ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee la raagiyey dadweynaha ku nool deegaanka Berbera.

blankDhinaca kale Wafti uu hogaaminaayo Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka WADANI ayaa khudbado kala duwan u jeediyay dad weynaha ku dhaqan Magalada Dacar budhuq   ee Degmada Laas-geel iyo Magaalada Abdaal ee Degmada Mandheera.

blankDadweyne aad u badnaa oo ruxayay calanka iyo calamada Ururka Wadani oo safaf u taagnaa wadooyinka magaalooyinkaas ayaa ugu horayn wafti waxay khudbad kooban dad weynaha meel fagaare ah uga jeediyeen Guddoomiye Ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay sida diiran ee aad u soo dhawayseen Waftiga Urur Siyaasadeedka Wadani, waxanan idin sheegayaa inaan Degmada Laas-geel igu cusbeen ee ay tahay Magaladaydii, Ururkan aanu wadaana waa mid dadku wada leyahay.” Sidaas waxa yidhi Guddomiye Cirro, sido kale waxa halkaas ka hadlay mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Laas-geel “Hadaanu nahay Odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo wax-garadka Degmada Laas-geel waxaanu si diiran u soo dhawaynaynaa Ururkan Wadani ee halkan lagu soo bookhday, halkaasna ka sii wada, anaguna waanu idin garab taaganay.”

blankSidoo kale Magadalada Abdaal ee Degmada Mandheera ayuu waftigu khudbado kooban u jeediyay “Dadweynaha reer Abdaal waxaan u sheegayaa inaan idiinku maqnaa  sahan, sahankiina waxaan idiinku soo helay  Ururka Wadani, markaas waxaanu idinka rajaynaynaa sidaas aad noo soo dhawayseen inaad noola shaqayn doontaa insha ALLAH.” Sidaas waxaa yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro.) waxaa kaloo halkaas khudbad kooban ka jeediyay Dr Idiris Xaaji Nuur “Horta aniga waad igaranaysaan waxaan ahay dhakhtarkii Dawada idiin keeni jiray ee caruurta idiin daweynjiray maantana waxaan idin wadaa Ururkan Wadani oo aan hubo inuu xaga caafimaadka idinka taageeri doono iyo dhinac walba.”

SLpost News Desk

Yaasiin_29@rocketmail.com

Daawo Sawirro

blank

blank

blankblankblankblankblank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories