HomeDadweynaha Dalka Masar oo maanta u dareeray Goobaha Codbixinta si ay Madaxwene...

Dadweynaha Dalka Masar oo maanta u dareeray Goobaha Codbixinta si ay Madaxwene Cusub u doortaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cairo (SLpost)- Dadweynaha dalka Masar ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta, si ay u soo doortaan Madaxweyne cusub, iyadoo doorashadani  ay noqonayso   tii ugu horaysay ee madaxweyne-nimo ee dalkaasi ka qabsoonta  tan iyo markii xukunka laga tuuray  madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarik.

blankDoorashadan haatan waxaa u taagan oo ku loolamaya ilaa Saddex iyo toban musharax, waxaana  la saadaalinayaa   suura galnimada  in wareega kowaad ee doorashada ay isugu soo hadhi karaan shan ilaa afar murashax,

Doorashadan madaxtinimada ee maanta ka bilaabantay dalka Masar waxa codkooda ka dhiibanaya ilaa 50 malyuun oo ruux , kuwaasi oo codkooda ka dhiibanaya todoba iyo labaatan gobol oo  Qaahiri ugu dad badan tahay.

blankCod bixinta doorashada ayaa waxa ay dalkaasi ka socon doontaa  Maanta iyo burrito , iyada oo  natiijada doorashadana lagu wado inay  soo baxdo  sagaal iyo labaatanka bishan May oo ah waqtiga ay u xadideen  inay natiijadu soo baxdo guddiga sare ee doorashooyinku. Hadiise murashaxiinta doorashada ku loolamaya midkoodna gaadhi waayo inuu helo 50% codadka la dhiibtay,waxay noqonaysaa in wareeg labaad   la qabto, taasi oo loo qorsheeyey in dadka  Masaarida ah ee dibadaha ku nooli ay wareega labaad codeeyaan  saddexda ilaa sagaalka bisha Juun,  dadweynaha  Masaarida ee dalka gudihiisa  joogaana ay codayn doonaan 16 ilaa 17- isla bisha Juun.

SLpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories