HomeDadku Waa Isku Mide, Ma kadaynaa Kala Qaadka? – W/Q: Saddam Xusseen...

Dadku Waa Isku Mide, Ma kadaynaa Kala Qaadka? – W/Q: Saddam Xusseen Carab

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankHorayso iyo Dambayso isku dar oo hakala reebin,inta ku abtirsata ama ku aroorta hurinta Ilma Nabi Aadam iskuwada dar oo waa mid qudha hayb ahaan,  intay doonaan ha  iskala qaad qaadaan, reer hebel iyo reer hebel  ha is yidhaahdaan  anagaa laandheere ah iyo laangaabaad tahay adigu, qaarkood haloo awood sheegto qaarna faan  ha isbadeen fooqna ha isa saareen, kuwo la liicsaday waa siday u eegtahay ee afka hakaga dhawaaqaa waa nalaga awood, tiro iyo tayo batay, kuwa isbiday inay toobiyaha kuwaa hore cagta u saareen oo ka talaabsadeen, kuwo dig digta haya oo durbaanadana isku tumay,  dhamaantood ha socdeen oo halkan soke ha  isla dhaafeen,  hore ha u socdaan, Halkay gaadhsiiyaan hala eego bal inay kala leexdaan iyo inkale.

Reer hebel baribay wax sameeyeen, kuwo kale waxbay iyaguna sameeyeen, Kuwani ilbax may ahayn, Anagaa u talin jirnay, kuwaasi waligoodba way nahoos joogeen, anagaa ka hanti badan, iyagaa naga hagardaamo badnaa, saw kuwii sidan iyo sidaa ahaa, oo idinkuba sawtaad sidaa iyo sidaaba ahaydeen, afmiishaarsanidaa Adigu maxaad ahayd, Dadkale waxooda ayuunbaad ka sheekaysaa oo aad sheegataa, dadkale wax ay sameeyeen ayuunbaad igu dul tuurtaa, ma aniga mise kaa hore ee tagay, ma diga mise kaa hore ee tagay, soo daadag oo dibada inoo saar, is cadee oo isbarax, anigu waa ikan oo kanbaan ahay intaas aad aragtay ee aad maqashay waan guday waanan galay, Adigu maxaad tartaa maxaad se tiirisaa.

Inaga daa waxan oo faan iyo is afuufida, ina mari wadada cagta inoo saar oo bal raadkeenii aan dib gurno, socono oo ka sal gaadhno, halkan soke hadii tiraabtaadu aanay dhaafayn adigu horta ha isdhaafin ee iska bilow, is sheeeg oo ha is sheelin, haday fogaan iyo shisheyn noqotana waynaga soconay oo safarkaa aad arkaysid soo marnay, fogaa….. dhamaad uunbaa jira oo waynagaa imika soo gaadhnay bal dhan uun ciida iyo dhoobada inoo dhaafi anigu garan waayey dhako kale’e.

Kuye intaa horeba aqoon waan  u lahaa..!! Oo hadaa maxaad isku waalaysaa ood isla waax waaxaysaa? Maxaad isku kibrinaysaa ood isugu sacabo tumaysaa? Maxaad la santaagaysaa ood iskula qanacsantay?

Imisaa guuldaraystay oo gabasho iyo gabood kadhiganaya ‘Anaga oo Reer Hebel ah’, imisaa fashilmay oo dhufays ka dhiganaya ‘Hadaanu Reer Hebel Nahay’, imisaa Meel daran istaagay oo Mar marsiiyo ka dhiganaysa, Awowgay sidaasuu ahaa, awowgay awowgiina sidanbuu ahaa, Wanaagsanaayaa awoowgaa, aadbaan ugu diirsaday warkiisa, laakiin adigu maxaad awowgaa oo kale u noqon wayday ama awowgaa awowgii, ileen sidaad sheegtay iyagaa ahaa adigu ma tihide? Xataa Qabiil iyo reer  inuu wax u tarayuu muujisanaya se waa sida ay dantiisu tahay qabiilka laftiisa waxba uguma fadhiyo oo wax kale daaye waligii sakaaro harag ugama saarin.

Ma balaayaduunbay indhahagu qabtaan oo dabadeed aad reer cuskataa, haday kaa dhabtahay in aad lexejeclo u hayso maxaad marka hore waanaaga ugu boorin wayday , xumaatadana intaanay dhicin uga baraarujin wayday?  Haday dad jacayl iyo qaraabo xidhiidhin aad ku daba dhuumanayso miyaad dantooda iyo doonistooda wax ka dabooshid ileem qof wax kusoo dari kara ayaad tahaye?

Hadal iyo Hawraartoona laguma soo koobi karo sifooyinka iyo raadadka sirgacan ee qabyaaladu ku hayso bulshada soomaaliyeed, Taas oo gabi ahaanba ka dhufaantay xubnihii ay bulshadu ka tarmi lahayd, kan tusmaysan lahayd umadaha kale ee horumaray, Way fududahay in la tirtiro oo laga talaabsadaa hadii loo tafaxayto, way se kakantay oo soo kadooloob xumaan doontaa inta la kool koolinayo.

Waqtiga aan kuu dhowro, Weedhaydanna soo afjaro, Waxaan Jeclaystay inaan kusoo gabagabeeyo geeraarkii lamagacbaxay ‘Reer Saxardiid’ ee uu tiriyay Qabyaalad Diidihii Waynaa Abwaan Cabdilaahi Suldaan Maxamed ‘Timacade’, Wuxuu si toos ah u tusmaynayaa una tilmaamayaa inta bulshadu reer wax ku qiimaynayso, kuna qadarinayso, inta qabyaalad iyo qudhun dhexdooda dhoobanyihiin in aanay bulsho iyo ummad meel ku dhaqani waligood horumar gaadhayn horukacna aanay samaynayn wuxuu yidhi:

Intaad Reer Saxardiidiyo
Reer Sarreeye Dubeeyiyo
Reer Samaale tihiin ee
Suldaan Caarshe ogaa iyo
Cuqaashii San Qalloociyo

Subax kiina casheeyaa
idin seexinayaan
Sallaan aad ka baxdaaniyo
Salka meel aad dhigtaan
sacabkoo tima yeeshiyo
saabuun xoor laga waayiyo
waa dameer san madowoo
sina loo arki maayoo
waanay suurta gelayn (Timacade IHUN)

Ilaahay Xaqqa Ha Ina Garansiiyo.

Dadku Waa Mide Ma kadaynaa Kala Qaadka?

Qalinkii: Saddam Xusseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeisa – Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories