Home"Dadkii Sow Tan Haadkiyo, Haanraawe Boobeen" ... Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

“Dadkii Sow Tan Haadkiyo, Haanraawe Boobeen” … Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hoos aan u sii dego. Golihii Wakiillada ayaa laalay takaaliiftii baadda iyo boobka ahayd ee baabuurta soo degaysa la saaray.BOOBE-YUUSUF-DUCAAALE.

“Ujeeddiyo haatan,

Rag waa hal-adayg e;,

Heddeyda wedkayga,

In aan hambalyeeyo,

Tubaa halaq-yaalka,

Hog layga qaniinay,

Ku-si hiddiwaaska,

Ka-haarri agtiisa,

Ayaa ka hagaagsan,”

Maansada Hambabber ee Hadraawi, 1982kii, Muqdisho,

Tubaa Halaq-yaal

Xaaji Af-qallooc, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, waxa laga hayaa oo laga guntay maansadii halkudheggeedu ahaa: “Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa.” Ma mooddaa in uu sii arkayay waayahan cakiran ee ay Somaliland badeen Haaddan iyo Haanraawahan ku habsaday, Ilaahay ha ka dul qaado e’. In uu Eebbeheen baryada inaga aqbalo, Aammiinta igu dara. Ma igu darteen?
Ha samaato oo ha la helo. Intaasi waa duco iyo arar dadab-galkeedii.

Hoos aan u sii dego. Golihii Wakiillada ayaa laalay takaaliiftii baadda iyo boobka ahayd ee baabuurta soo degaysa la saaray. Hadda waxaan ka hadlayaa boobkii iyo dhacii aan geedna loogu soo gabban ee ajnabiga aan haybtooda la garanayn loo soo kaxaystay. Sida aan ka halacsaday dood habeen dhaweyd lagu qabtay HCTV xataa nimankaa dabinka laga dhigtay ee doollarka aan haybta lahayn hololobinaya caafimaadkooda lama baadhin. AIDS, Hargab-shinbireed iyo Hargab-doofaar midna lagama baadhin. Xataa bir-libaaxda yar ee ay sitaan baabuurta oo dhan ma laasinto ama ma wada gashaba, MOT dhanna ma aha. Sida aan ka bowsaday looga-qaateenka baaddaa bixiyay nimankan Baakistaaniyiinta lagu sheegayaa waxay sitaan bir-libaax yar oo aan waxba sheegayn. La-ye lacagta Wasaaradda Maaliyaddu ma qaadi jirin ee nimankan ajnabiga ah ayaa juwanka dadka u jarayay oo lacagtana qaadanayay. Raalli iga ahaada, ma ay qaadan jirin ee cid ayay u qaadi jireen ay Xukuumaddeennan baas ka war qabto oo ay og tahay oo lagu naas-nuujiyo iyada oo ay dan-yartii beerka u jiifto diifta iyo diihaalka ay qabaan.

Daliilkeedu wuxu yahay hadalkii sida weyn loo baahiyay ee uu Wasiirka Hawlaha Guud ku sheegay shirkii jaraa’id ee uu qabtay. Miyaanu odhan waanu qaadannay Go’aankii Golaha Wakiillada sidiisiina waanu u fulinaynaa. Wuxu intaa ku daray Baadhistii Tayada Baabuurtu sideedii ayay u socnaysaa, lacagtana dadka baabuurta leh laga qaadi maayo e’, dawladda ayaa bixinaysa. Miyaanay yaab iyo lama arag ahayn? Yaa lacagta la siinayaa? Yaa se laga qaadayaa? Haa……Waa sidii aynu aamminsanayn oo kol haddii aanay Maaliyaddu xerayn jirin lacagta cid kale ayaa qaadan jirtay. Wasiirka Hawlaha Guud wuxu sheegay in Dawladdu bixinayso. Laakiin Wasiirku ma caddayn cidda qaadan jirtay ee loo roon yahay ee immikana la siinayo. Miyaad garateen ciddan loo roon yahay ee lagula dhici la’ yahay lacagtan baabuurta laga qaadaa waa xaaraan. Cabdi Iidaan Faarax ayaa isaga oo sarriiganaya si fiican u sheegi yaqaannay oo tan oo kale odhan jiray: “Anuu daaha kama rogin, dadku se waa yaqaannaa.”

Bal ciddaasi ha inoo joogto e’, Wasiirkeennan amran ee deeqsiga ahi lacagtan uu Baakistaaniyiinta siinayo xaggee ayuu ka keenayaa. Xaalkii Xukuumaddeennan Kacaan-ka-dari ma wuxu noqday: “Demmen wayska huruddaa, Docda bari ka laba- gura.”

Waa guulaha ma-guuraanka ah ee ay soo hoysay Xukuumaddeenna is-ma og ee sacabka ha loo tumo, si uu saarku uga soo degona iyada oo la taagan yahay oo ‘Maxallal qiyaam’ lagu jiro, ha loo qaado hees-baastii suuxdinta u ahayd ee “Dhulkeenna……… nimcaa fadhida, Dhulkeenna………. nimcaa fadhida.””

Marka geel darka loo horo, ayay Xukuumaddeenna faan-jecel Gorayo u heestaa. Dadkii ayaa wax la cuno ama jidiinkaa uu mariyo la’, markaas ayay iyaduna Wareegto Madaxweyne ka soo saaraysaa Bacaha oo ay Magacaabaysaa Guddoomiyaha Qurbo-joogga iyo wax la mid ah oo qofaf aan qarankan u soo dhaamin lagu raalli-gelinayo. Waa Xukuumad u dhisan dad aan qarankan ehel u ahayn oo dhiirri-gelinaysa tahriibka iyo in ay da’ yarteennu Saxaaraha iyo Badaha ku idlaato.

Bacda in la joojiyo ma aanu diidin oo waa guddoon, bal se xilkii laga qaaday iyo kaalintii ay ku jirtay maxaa buuxinaya? Tii hore ee dhulka aafaysay maxaa laga yeelayaa? Qashinka ha la guro mooyaan e’, maxaa Xukuumaddeenna u diiday Qashinka ha la maareeyo! Guryaheennuu waa nadiif oo intaa in le’eg oo qashin ah uma oggolin. Qashinku wuxu buuxiyay meelihii inaga dhexeeyay. Sow ma aha oo keliya in aynu dibaddana wada yeelanno sida aynu guryaheenna u leenahay oo qashinka u diidno. Waxaynu ka dhimanaynaa waa intaas. Dadka se miyaynu qancin karaynaa, haddii aanay Xukuumaddeennii dan guudba u jeedin ee ay Xafiisyadii iyo Xarumihii ka dhigatay dabinno lagu qadhaabto oo dadweynuhu u yaqaanniin: “Tubaa Halaq-yaal.”

Dhanka kale Xukuumaddeennii wax-ma-tara, waxa ka soo hadhay cashuur la guro iyo dakhli la kordhiyo. La-ye cashuurtii Berriga ha la soo guro. Xukuumaddeennii fadhiidka ahayd ee ammaan-jecel waxay ka hadlaysaa maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa oo ‘Seminaarro’ ayay qabanaysaa. Maxaynu tu’ walba arkaynaa!

Xukuumaddeennii heeryadeed-cuna waxa ka soo hadhay cashuur. Codkeedu waa cashuur. Cabaadka waa cashuur. Waxay cuntaaba waa cashuur. Waxay calaalisaaba waa cashuur. Waxay cantuugtaaba waa cashuur. Waxay ku ciirtaaba waa cashuur. Waxay curisaaba waa cashuur. Waxay culayska saartaaba waa cashuur. Waxay cutisaaba waa cashuur. Waxay ka cabbir-qaadataaba waa cashuur. Waxay caal ka qaaddaaba waa cashuur. Waxay ku cashidaaba waa cashuur. Waxay cir-bixisaaba waa cashuur. Waxay calashataaba waa cashuur. Waxay cuurataaba waa cashuur. Waxay cel-celisaaba waa cashuur.  Canaanteedu waa cashuur. Cugashadeedu waa cashuur.  Cuwaafteedu waa cashuur. Callaafteedu waa cashuur. Carigsigeedu waa cashuur. Ciil-baxeedu waa cashuur. Curaarteedu waa cashuur. Calaacalkeedu waa cashuur.

Xukuumaddeennu haddii ay ku tidhaahdo: “Ii cug,” oo aad ugu jawaabi weydo: “Cashuur,” waa ay ku cunaysaa, haddii aanay ku calaashanba. Maansha e’, Cige Aw Cali yidhi:

“Calankii yimaaddaba wax baa, lagu cashuuraaye,

Sow waxay dawladui cuntaa, cuud nin kale maaha,”

Hadda cashuurta cidi ma diiddana oo dalka iyo dadkuba waa ay ku dhismaan. Bal se mararka ay Haadda iyo Haanraawayaashu dalalka ama ummadahaba ku habsadaan, waxay noqotaa wax loo adeegsado sidii dadka midiidin looga dhigan lahaa ee wixii ummadda ka dhexeeyay qof ahaan, qoys ahaan iyo koox ahaanba loogu danaysan lahaa. Waxa la diiddan yahay cashuurtan iyo hantidan ummadda ee sida gaarka ah loogu danaysanayo ee lagu iibsanayo daarahan dhaadheer ee daruuraha ransanaya ee War-baahinta Ijtimaaciga ah ka bixi la’ ee maqal iyo muuqaalba lagu soo bandhigayo.

Bal ka warrama dee sheekooyinkan dhaafi la’: Dubai Port Bebera, Balore, Block 26aad ama 27aad ama kaleba, Bir-libaaxda Baadhista Baabuurta, Badinta Cashuurta Berriga iwm. Bal u fiirsada Xukuumaddeenna. Miyaan doogsin-cararkii iyo daan-la-roorkii Dubai loogu qamaamin oo aan loo dillaal tegin. Sow taa daasadaha madhan lala meeraysanayo.

Xukuumaddeennu indhahan ay Doollarka badda hoosteeda ku jira ku arkayso, maxay ugu arki weyday Boodhkan ay ku taallo ama ku qoran tahayba: “Waaxda Kastamadda” ee Xarunta cashuuraha ee Taar Dheer u dhow ku yaal. Xukuumaddeennu ma waxay qori garan weyday: “Waaxda Kastammada.” Ma’daa laban-laaban ee Da’du ma laban-laabna. Qoraalka afka Soomaaliga miyaanu xil ka saarnayn? Mise isaguna dalkaba ma laha ee waa ku marti! Bal adba!

Intaa haddana, “Guray waa warramayaa, guulna wuu akhriyayaa.”

Sow tii Macallin Gaarriye lahaa:

“Dhurwaaga ciyayaaya,

Cabaadku naf weeye,

Cadceed galabeedku,

Godkay cidhif joogto,

Dan bay ugu ciiri,”

Astaamihii yar yaraa iyo astaamihii waaweynaa (minor and major signs) ee galbashada nidaam is-nuugay waa ay muuqdaan, godkuna sidaa Gaarriye sheegay waa lama-huraan.

Dhammaad, waana inoo Sabtida dambe haddii Eebbe idmo

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories