HomeDadka Somaliland waa daacad dulqaad badan Burcose waxay noqotay mid ka duwan...

Dadka Somaliland waa daacad dulqaad badan Burcose waxay noqotay mid ka duwan tii hore – W/Q: Ahmed Suleiman

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waad salaamantihiin dhamaantiin, Waxaanse Maanta Qalinka u Qaatey in aan  Qoraalkan idiin soo Gudbiyo ,Markii aan arkey dad badan oo Mareegaha iyo War Sidayasha ku Qoraya Qoraalo aan ku habooneen Anshaxa iyo Asluubta Saxaafada ,Warar beena oo lagu qoray mareegaha Somaliland taas oo lagu eedaynaayo in xildhibaano degaanka Burco iyo dad cuqaala ay u hanjabeen badhasaabka G/Togdheer ayaanu eedeyn balaaran dusha uga tuureynaa kuwii soo malmaluuqay,isla-markaana waxaan isku dayaaya in aan wax ka idhahdo arintaasi.

Dadka reer Burco waxay isku raacsanyihiin inay aad uga xunyihiin qaabka ay u dhaqmayaan kuwa fidmada iyo qabyaalada kula dhexjira dadka walaalaha ah Somaliland.

Burco2014Waa been aan waxba ka jirin , wararka ku saabsan hanjaabada iyo hadalada aan xaqiiqada ahayn ee laga qoray arimahaa Badhasaabka G/Togdheer haddii aanu nahay reer Burco , waxaanu u soo dhaweynay si layaab leh oo xamaasad ku jirto, waxaana aanu haynaa kalgacal iyo inaan si fiican ula shaqeyno, aadna loo ixtiraamo waana caado ay Burco muddo badan caan ku ahayd

Waxaan idiin sheegayaa dadkaa hawlahaa ku dhex jira dhamaantiin Burco uma baahna fikir ku salaysan cadiifad qabyaalad qofka waa in lagu taageeraa wax qabadkiisa laguna mucaaradaa wixii uu leexiyo, dadka qaar waxaa jira ujeedadoodu ku salaysantahay  jifo yar iyo arimo siyaasadaysan uga faa,ideysanaya dano gaar ahaneed oo ka dhigan hadal ku ciilbax waar Burco maanta waxaa way ka koreen jifo yar iyo mid wayn midna ma yaqaan, arrin lagu saleeyo qabyaalad umadan beri hore ka soo gudubtay , waxay yaqaaniin Somaliland inay tahay hal wadan oo ay leedahay cadaw faro- badan .

Geela Guunoow Haddii aad gun tahay Gaabso Hadalkaaga

Googarad hadduu kuu Gashoo Gurada Aad jiifto

Ganbadiina uu kaa Furoo kugu Garaacaayo

Gafuur dhidare haddii uu ku geyo Gaabso Hadalkaaga

Gaashaan inaad tahay Gunoow Guurmar Hadalkaayga

Garoocnimo Ma fiicniyo inaad hoos u gurataaye

Gaagaabso hadalkaaga waryaan Gaadh lagaa qabane?

Qofkii waxa qabiil ah Burco kaga hadlaa inaga ma ah waana ceeb. kii ka hadloow reer Burco Iyo Somaliland ma tihid waxaad tahay qof xanuunsanaya ama Dayday weyn.

Waxaan ka digayaa in aan Somaliland arimaheeda qabiil loo isticmaalin, Dadka hadalada qabiilka is ticmaalaya, ka jooga hadaldaas aan faa’iidada lahayn.

Dadka S/land waa daacad dulqaad badan, Waa duul Rabi deeqay, Dulmi aan ogolaaneyn, Deris wanaag loogu deeqay ee Daa’imow danahooda, Iyo danta guud ee deegaanka, Adigu uga dhowr Dugaaga, Aan dad iyo duunyo daryeeleyn.

Dadka ahlu cilmiga ah waxaa lagu gartaa: Waxay kala saaraan afkaartooda kala duwan iyo danta guud ee dadka iyo deegaanka. Somalilanders waa isku dan meel kasta oo ay adduunka ka joogaan,, kuwa afka dheer ee dabadda laga riixayana ha loo caqli celiyo. Dawladnimo waa wax la isku darsaday

Ummad waliba waxaay ku faantaa oo ay ku dhaqanta Diintooda iyo Dhagaankood ,Inagu hadaynu nahay Somali dad ahaan waxaaynu nahay dad Islama 100% Dhinaca kalena waxaaynu leenahay Dhaqaan fiican oo soo jireena. Ummada Islaamku waxaay kaga duwan yihiin Ummada kale Wanaaga ayeeynu isku Sheegna.

Ummada wanaagsani waa tii waxa xun iska reebta wax wanaagsana isku dhiiri galiya waxaa la hadlaya bahda saxafada oo aan u sheegaya in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato iyo xumaan Abuuraya oo dadka walalaha ah kala fogeynaya mar walba waa in aad dhanka wanagsan wax ka eegtan taasi ,oo u fiicaan noloshaada iyo akhiiradadaba.

By,Axmed suleiman

siciidosman@rocketmail.com

xamse30@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories