HomeDadka maxaa ka dhaxeeya? (Kali-kali ilaa Koox-koox)

Dadka maxaa ka dhaxeeya? (Kali-kali ilaa Koox-koox)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dadka bilowgii soow keli-keli duurka uguma ay nooleeyn. Dabeedna, koox-koox, bulsho-bulsho ama beel-beel umay deggin. Bilowgii nolasha cid kaste, iskeed bay ugaadhsi iyo qabaadhsi ugu nooleeyd… Bulshada oo markaste sii kordhaaysay, kheeyraadkuna uu yahay isla kii, dadkii waxa mideeyey dantooda u weeyn oo aheeyd biyo iyo baad.

 

Tirada dadka oo markaste kordhaaysay waxa ay keentay in bulshada kala xigsato biyaha iyo baadka. Si loo kala ceshadana waxa sal (base) noqotay in intii biyo iyo baad ka dhaxeeyaanba is gaashaan-buureeystaan, si ay kheeyraadkooda u dufaacdaan. Kuwii kale ee baahnaana sidoo kale, waxa ay u midoobeen in ay kheeyraadka rabaaniga ah laga ceshan ee ay qeeybtooda dhacsadaan.

 

blank

Markaste oo dadku bato, waxa isna korayey wacdiga, fikirka, garaadka iyo hal-abuurka. Wax kaste oo la soo marayba waxa la gaadhay in ay dadku ka heshiiyaan waxa la wada yeelanayo iyo sida loo wada yeelanayo iyo aminta/xiliga la wadaagayo… Nolasho wax ay socotaba dadku wuxu gaadhay heer iyagoo kala beel iyo deegaan ah in ay is maamulaan, dawladdana sameeystaan.

 

Is riix-riix, is-fahan-waa iyo is-diidooyin kale oo badan, kuwaas oo xididkoodu yahay, kala badsashada xilalka, fursadaha iyo dhaqaalaha, dabeed wuxu xalku noqdey in dawladnimada ahaato mid bulshada ka wada muuqato, si sinaan ahna (Equity) wax loo qeeybsado, fursadaha dhaqan-dhaqaale iyo kuwa siyaasadeedna loo qeeybsado si isku jaan-go’an oo ka turjumaaysa qaabka bulshadaa nolasheedu iyo deegaankeedu yahay iyo waxa markaa lagu heshiiyey ee sharciga iyo xeerarku mus-danbeedka u yihiin. Iyada oo dulqaadka tanaasulku u yihiin biyaha waraabinaya waxa lagu heshiiyey.

 

Hadaba, sida an qabo, middan aan kor ku sheegnay baa ah ama qeeyb weeyn ka qaadatay in aduunku xasilooni iyo nabad ku wada noolaado, soona baxaan bulsho is ogal dhinacna u wada jeedda. Hadii tani ay dhacdeena jiritaanka iyo korniinka dunidu sida hada uu yahay wuu ka duwanaan lahaa.

 

Si kaste oo dadka loo dirqiyo, WAXA KA DHAXEEYANA loo kala badsado, qof kali ah ama koox kali ahi (afka aan ku balaadhshee ama “REER KALIYA”) dawladnimada isa siiyo, awood dhalanteed ahna is bido, dadka kalena la dhagaaysan waayo, la diido in lala fadhiisto, rabitaankoodana la tix-gallin waayo… Hadaba markaa waxa dhalanaya soow maaha cadho, xiqdi, ciil. Waxa kaliya ee ku xigayana soow maaha is abaabul iyo is urursi irbadda turqeeysaa tahay kacdoon bulsho heerka uu doonaba ha ahaadee, taasi oo ay hagaayso rabitaanka dadkii la dhagaaysan waayey.

 

Tusaale waxa inoogu filan Soomaalidii midoowday 1960kii ee kala tagtay 1991, waxa tusaale nool ah gu’gii carbeed oo ay ugu danbeeysay, siina qoyantahay tii Sudan. Waana dariiq xun oo shar-wadaayasha iyo kuwa “qaska” ku naaxaa ay ka faa’ideeysan karaan, oo wax kaste ku burburaan. Tusaale nool, waxa ah Libya iyo Yeman waxa ka socda.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim.

 

Cabdiraxmanmid@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories