HomeDadka Maraykanka Oo Ay ku Soo Xoogaysanayso Necbaanshaha Ay U Qabaan Muslimiinta...

Dadka Maraykanka Oo Ay ku Soo Xoogaysanayso Necbaanshaha Ay U Qabaan Muslimiinta iyo Daraasad Laga Sameeyay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

US(SLpost)-Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa muujineysa farqi weyn oo u dhaxeeya dadka dimoqraadiga iyo jamhuuriga Mareykanka, taasi oo ku saabsan sida madaxweynaha xiga ee Mareykanka uu uga hadli lahaa xagjirnimada islaamiga ah.

Daraasadda oo ay sameysay xarunta daraasadka ee Pew ayaa muujineysa in 65 boqolkiiba dadka Jamhuuriga ah, ama dhankooda u janjeera ay doonayaan in madaxweynaha beddelaya Obama, uu si cad uga hadlo xagjirnimada Islaamiga ah, xittaa haddii ay taas dhib ku tahay guud ahaan Islaamka.

Si kastaba, 70 boqolkiiba dadka Dimoqraadiga ah, ama dhankooda u janjeera ayaa doonaya in madaxweynaha xiga uu si taxaddar leh uga hadlo arrintan.

Guud ahaan, bar ka mid ah dadka Mareykanka ayaan dooneyn in madaxweynaha xiga uu cambaareeyo diinta Islaamka oo idil, marka uu ka hadlayo xagjirnimada Islaamiga ah.

Daraasadda oo la sameeyey bishii tagtay ayaa lagu ogaaday in bar ka mid ah dadka Mareykanka ay aaminsan yihiin in qaar ka mid ah muslimiinta Mareykanka ay qabaan fikrado ka dhan ah Mareykanka. 11 boqolkiiba ayaa aaminsan in “Dhammaan” ama “Ku dhowaad dhammaan” dadka muslimiinta Mareykanka ah ay qabaan fikrado ka dhan ah Mareykanka.

Laba meelood saddex meel dadka Mareykanka, ayaa isku raacsan in dhibaatada ugu weyn ay tahay in diinta Islaamka ay dad rabshado jecel u adeegsanayaan inay ugu cudur daaraan ficilladooda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories