HomeDadka foqorada ah oo dalka Sudan kusoo kordhaya

Dadka foqorada ah oo dalka Sudan kusoo kordhaya

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Sundan (SLPOST) Bangiga adduunka ayaa warbixin cusub oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in dalka Sudan dad badan oo ku nool ay hadda ku nool heer ka hooseeya heerka faqrinimada.

povertyWarbixintaan waxaa lagu sheegay in dad aan tiro yareyn oo reer Sudan ah ay ku nool xaalad nololeed oo aad u hoosaysa qaarkoodna aaney heli karin nolol maalmeedka caadiga ah taasoo ka dhigan in kala badh dadka Sudan ay yihiin kuwo nool nolol hoose.

Agaasimaha Bangiga adduunka u qaabilsan wadamada labada Sudan iyo Soomaaliya haweeneyda la yidhaahdo Bella Bird ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay waxay ku sheegtay in dadka dalka Sudan ku nool badankood ay wajahayaan nolol faqri ah ama hoose waxaana suurto gal ah in badankood ay macaluul u geeriyoodaan.

Haweenaydan waxaa ay xustay in magaalada caasimada ah ee Khartuum ay dadka aan waxba heysan ee ku nool ay kordheen 2,dii sannadood ee lasoo dhaafay oo ay gaadheen 25%.

Bella Bird waxaa ay hadalkeeda ku sheegtay in dawlada Sudan ay ku guul daraysatay inay wax badan ka qabato dhaqaalaha wadanka oo hoos u socda.

Bird waxaa ay sidoo kale tilmaantay in dalka Sudan lagu bad baadin karo in loo helo dhaqaale fara badan oo uu Bangiga adduunka si amaah ahaan ah u siiyo taasoo la aaminsan yahay inay wax xoogaa caawin kareyso dadka Sudan.

Hadalkan Bangiga adduunka kasoo baxay waxaa durbaba iska beeniyay wasiirka dhaqaalaha dawlada Sudan Magdi Xasan Yaasiin oo sheegay in warkaa uu yahay mid been abuur ah sababtoo ah waxaa uu leeyahay dhaqaalaha Sudan waxaa uu kordhay 0.2% haddana inuu kor  ay u socto ayuu sheegay.

Wasiirku waxaa uu sheegay in dawlada Sudan ay ka mid tahay dawlada Africa ee awooda u leh inay maareeyaan caqabadaha dhaqaale ee qabsada waxaana uu intaa ku daray in xukuumadiisa aaney u dhutin doonin culeysyada dhaqaale ee xilliyadda qaar qabsada.

Dhaqaalaha Sudan ayaa la aaminsan yahay inuu hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo markii Sudanta koofureed ka go’day sababtuna waxaa ay tahay 75% ceelasha shidaalka waxay mareen dhanka dalka South Sudan.

Xigasho- Sudan Tribune

 

 

 

 

 

Somalilandpost.net

Somaliland/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories