HomeDacwad u dhaxaysa Hoggaanka Sare ee Xisbiga UDUB oo maanta ka furantay...

Dacwad u dhaxaysa Hoggaanka Sare ee Xisbiga UDUB oo maanta ka furantay Maxkamadda Sare ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Waxa maanta Maxkamadda Sare ee Somaliland ka bilaabmay kiis loogu garsoorayo laba garab oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, taas oo salka ku haysa khilaaf soo kala dhex-galay hoggaanka sare ee Xisbigan talada dalka hore uga arrimin jiray.

blankDhegaysiga Dacwadda kiiskan oo fadhigeeda uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa Salka ku haya khilaaf kala irdheeyey hoggaanka iyo xubnaha Xisbiga UDUB kadib markii la isku maandhaafay xubnaha mushraxnimada xisbiga u meteli doona Doorashooyinka soo socda.

Dhagaysiga dacwaddan oo socday mudo ka badan Shan saacadood oo xidhiidh ah ayaa ku bilaabantay jewi degan isla markaana ku soo gebo gabowday hab xasilooni iyo sareexadi ku dheehan tahay,iyadoo dhagaysiga dacwadan ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka socday labada dhinac ee khilaafka sharci u dhexeeyo oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Udub Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu maxkamada u gudbiyay dacwadan.

Intaas ka dib waxay Maxkamadu si toos ah u gudo gashay dhagaysiga dacwaddan, Dood dheer iyo su’aalo badan oo ay isweydaarsadeen labada garyaqaan ee u kala doodaya dhinacyada is haya oo qolo waliba dhinaceeda u soo bandhigtay aragtiyo marag u noqda doodooda , iyo go’aano hore oo ay isula gaadheen, ayaa gabo gabadii fadhigaas waxa uu guddoomiyaha Maxakamadda sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali shaaciyey in sida ugu dhakhsaha badan ay maxakamaddu go’aan uga soo saarayso khilaafka ka dhex aloosan xisbiga Udub.

Dhagaysiga dacwadu markii uu soo xidhmay ayaa labada dhinac ee Khilaafkani soo kala dhex galay waxay warbaahinta uga warameen dareenkooda ku aadan dacwadan uga bilaabantay maxkamada sare, Abiib Xasan Filfil oo taageersan garabka Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Udub ayaa sheegay in Qadiyada muranka keentay ay hortaalo maxkamada isla markaana ay sugayaan go’aanka ay ka soo saarto oo aanay ka hor dhacayn natiijadiisa.

Sidoo kale Cali Maxamed Warancade oo ka socday garabka uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Udub ayaa dhiniciisa sheegay inay soo dhawaynayaan Go’aan kasta oo xaq ah oo ka soo baxa Maxkamada Sare.

Maaha markii ugu horreysay ee Kiis noocan oo kale loogu garnaqo Maxkamadda Sare ee Somaliland, balse waxa ay ahayd dabayaaqada sannadkii hore oo maxkamadda Sare u garsoortay Masuuliyiintii ugu sarraysay Xisbiga UCID oo khilaaf ba’an u dhexeeyey, balse muddo ka dib ay maxkamaddu qaraar garsoor oo dhinac loogu xukumay ku soo gebo-gabaysay dacwaddaas.

Wakhitgan, waxa maxkamadda Sare laga sugayaa inay maalmaha soo socda ay ku dhawaaqdo go’aan sharci oo la filayo inuu kala saari doona dhinacyada Khilaafku u dhexeeyo ee xisbiga UDUB.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories