HomeDacwad salka ku haysa Been-Abuur Heshiisyada Shidaal-Baadhista dalka ah Oo Ka Socota...

Dacwad salka ku haysa Been-Abuur Heshiisyada Shidaal-Baadhista dalka ah Oo Ka Socota Maxkamadda Gobolka Maroodijeex

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Xogo muujinaya cida dacwadu ku socoto iyo waxyaabaha ay salka ku hayaan eedaha maxkamadda loo gudbiyey

Hargeysa (SLpost) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, ayaa bilwaday dhegeysiga dacwad ciqaab ah (criminal case) oo xeer-ilaalintu ku soo oogtay   Mr. Cabdiwahaab Axmed Yaasiin Gabayxadi, kaasoo masuul ka ah shirkad lagu magacaabo Minsom Assets.

Somaliland-Oil-BlocksSida ilo-wareeedyo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya shalay, masuulkan ayaa lagu eedeeyey inuu qaab been abuur ah u sheegtay in shirkadiisa Minsom Assets ay saami dhan 2% ku leedahay balooga Oodweyne (Oodweyne block), isla markaana ay dhukumanti arrintaas la xidhiidha u gudbiyeen Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta u gudbisay dukumanti arrintaas muujinaya.

Xogaha la helay ayaa tibaaxay in Maxkamaddu guda gashay dhegeysiga dacwadan maalintii Khamiista ee taariikhdu ahayd 9 October 2014, kadib markii xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex ku oogay Mr. Cabdiwahaab Axmed Yaasiin eedo la xidhiidha been-abuur (forgery) ku sameeyay dukomentiyo khuseeya heshiisyada shidaal baadhista ee Balooga Odweyne ee bariga dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxkamadda Gobolka ayaa hore u xidhay Mr. Cabdiwahaab Axmed Yaasiin, kadib markii ay sidaa ka codsatay Qaybta Baadhista Dambiyada si loogu soo oogo dacwadda uu ku eedaysan yahay eek u qotoma been-abuurka dhukumantiyo kala duwan oo la xidhiidha goobaha shidaalka laga baadhayo.

Dhegeysiga dacwadan ayaa ah mid dadweynaha u furan, isla markaana waxa la filayaa in fadhiyada dambe ee Maxkamaddu maalmaha soo socda halkaa ka sii socon doonaan.

Waa markii ugu horreysay ee Maxkamadaha dalka la hor keeno dacwad la xidhiidha eedayn been-abuur lagu sameeyay arrimo ku saabsan heshiisyada shidaal baadhista ee Somaliland kula jirto shirkadaha caalamiga ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories