HomeDACWAD ka dhan ah Safaaradda Turkiga oo la Horgeeyey Golaha Wakiillada Somaliland...

DACWAD ka dhan ah Safaaradda Turkiga oo la Horgeeyey Golaha Wakiillada Somaliland & Magacyada Xildhibaannada Gudbiyey

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Iyadoo uu dhawaan furmay Kalfadhiga Golaha Wakillada Somaliland isla markaana mudaneyaashu maalin walba isugu yimaaddaan Kulan-maalmeedkooda oo ay kaga doodaan Xeerar wax-ka-beddel lagu samaynayo iyo Xaaladaha ka taagan dalka, waxa fadhigii maanta la horkeenay oo xildhibaannadu soo bandhigeen Dacwad ka dhan ah Qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Hargeysa.

blank
Qaar ka mid ah Xildhibaannada arrintan ka ka jeediyey fadhigii Golaha ee maanta

Mudaneyaal ka tirsan Golaha, ayaa dooddii fadhiga maanta ku soo gudbiyey dacwad ka dhan ah Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa oo ay ku eedeeyeen hadimooyin iyo dhibaato ay ku hayso madaxda dalka iyo Shacabka, iyagoo sheegay in xildhibaannada qaarkood ay sharaf-dil iyo bah-dilaad kala kulmeen shaqaalaha ka hawl-gala Qunsuliyadda, sidaas awgeed loo baahan yahay in Shir-guddoonka Goluhu uu wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyo qoraal lagaga dalbanayo wax-ka-qabashada arrintan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, ayaa sharraxaad ka bixiyey wax uu ku tilmaamay Bah-dilaad oo masuuliyiinta qaranka oo Mudaneyaasha Wakiilladu u horreeyaan kala kulmaan Qunsuliyadda Turkiga, waxaanu shir-guddoonka Golaha u soo jeediyey in sida ugu dhakhsaha badan looga hawl-galo wax-ka-qabashada arrinkan.

blank
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

“Waxyaabaha ka socda waddanka waxa ka mida; waxa immika inala joogta Qunsuliyad Turki ah. Qaabka ay ula dhaqmayso madaxda iyo xildhibaannada, wax loo adkaysan karo maaha, bah-dilaad bay ku sameeyaan, waa inaynu ku baraarugsanaano waxa meesha ka dhacaya. Xildhibaanku sharaftii umadda ayuu huwan yahay, waa dambi in karraani yar oo Turki ahi askari u dhiibo oo eryo ku idhaahdo,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Guddoomiye waa inaad arrintaas tallaabo ka qaaddaan oo warqad u qortaan wasaaradda Arrimaha gudaha oo Turkiga ogeysiisaan inaanay waxani meesha ka socon karin, meesha ganacsi baa ka bilaabmay”.

blank
Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo isaguna qodobkan ka hadlay, ayaa yidhi, “Waa in loo tagaa ninkaas meesha ka masuulka ah oo loo sheego inuu halkan ku joogo sharciyeynta goluhu siiyey oo imtixaamkeeda uu siiyo. Waxay ila tahay in Guddiga joogtadu u yeedho”.

Waxa kale oo Xildhibaannada Golaha horkeenay dacwadda Qunsuliyada Turkiga ka mid ahaa Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki) oo yidhi, “Sidii ay sheegeen xildhibaannadii iga horreeyey, waxaan qabaa inay ka jirto safaaradda Turkiga ee Hargeysa waxyaabo badan oo dalka dhib ku ah ama sharafta iyo karaamada dadkaba wax yeellaya lagula dhaqmo hadday tahay masuuliyiin qaran, hadday tahay xildhibaanno iyo dadka shacabka ahba. Markaa waa in wasaaradda arrimaha gudaha loo gudbiyaa si loogu yeedho oo dhibaatooyinkaas wax looga qabto”.

blank
Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki)

Xildhibaan Cabdiraxmaan Muuse Jaamac oo isaguna arrintan ka hadlay, waxa uu ku dooday, “Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibaddaba arrimo waaweyn baa ku xidhan sida safaaradda Turkiga oo dhibaato weyn ku haysa Shacabka iyo masuuliyiintaba”, sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.

blank
Xildhibaan Cabdiraxmaan Muuse Jaamac

Sidoo kale, waxa arrintan dooddeeda Golaha ka hor-jeediyey Xildhibaanno ay ka mid yihiin Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdulle, Xildhibaan Maxamuud Dhunkaal Guutaale, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan iyo Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, kuwaas oo dhammaantood isaga marag-kacay jiritaanka dhibaatooyin iyo gabbood-fallo qunsuliyadda Turkigu ku hayso Madaxda iyo Shacabkaba, waxaanay ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan tallaabada ku habboon looga qaado masuuliyiinta ay khuseyso.

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net  

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories