HomeDacwad ka Dhalatay Sawir uu Danyeer Iska Qaaday oo aan Lagu Xusin...

Dacwad ka Dhalatay Sawir uu Danyeer Iska Qaaday oo aan Lagu Xusin Buug Lagu Daabacay iyo Go’aanka Laga Gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Garsoore u dhashay dalka Maraykanka, ayaa go’aan ka gaadhay dacwad ay keeneen koox xuquuqda xayawaanka u dooda oo la yidhaa PETA, kuwasaoo metelaayey daanyeer sawir kur ah iska qaaday oo aan la xusin inuu isagu leeyahay, waxaannu go’aamiyey in aanu xuquuq maskaxda iyo qoraalka (copy right) yeelan karin xayawaanka, maadaama aanu ahayn bani’aadam.

Kooxda xuquuqda xayawaanka u dooda e PETA (People for the Ethical Treatment of Animals) waxa ay kiiskan maxkamada keeneen September 2015, kadib markii danyeer 7 jir ah oo la yidhaa Naruto uu sawirqaade British u dhashay sawir uu danyeerku iska qaaday uu ku daabacay buug lagu kaydiyo sawirada xayawaanka (Wildlife book) isagoo aan xusin danyeerku inuu iska qaaday.

Danyeerka Naruto oo lagu xannaaneeyo dala Indoniisiya ayaa sawirkan iyo kuwo kale oo badan iska qaaday 2011-kii , isagoo isticmaalay kamar uu lahaa sawir-qaade la yidhaa Slater sida dacwada lagu caddeeyey.

Kooxda PETA, ayaa doonaayey in sawirka lagu xuso danyeerka, isla markaana la siiyo mag-dhaw xaqa hanta maskaxeedka lagaga xad-gudbay ah, iyagoo doonaayey in ay noqoto sharci aan laga leexan mustaqbalka oo xayawaanka xuquuqdooda lagu.

Inkastoo dalka Maraykanka ay barlamaanka iyo Madaxweynuhu leeyihiin awoodda ah in la kordhiyo ilaalinta xuquuqda xayawaanka.

Geesta kale, Garsoore Maxkamada Degmo oo la yidhaa William Orrick, ayaa sheegay in aan xayawaanku xuquuqda qoraalka iyo maskaxda lahayn (copy right).

“Ma jiro wax tilmaamaaya in ay ku jirto arrintan xeerka Copyright Act xaquuq qalinka,” ayuu idhi Garsooruhu, balse waxa uu intaa ku daray inuu kooxda PETA siin doono fursad ay wax kaga beddelaan hab dacwadeedkooda, waannu ku cceliyey.

Qareenka Guud ee kooxdan Mr. JeffKerr, ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee Reuters khamiistii toddobaadkan in kooxda ay dib-u-eegis ku samaynayaan dacwadooda, waxaannu yidhi; “Inkastoo aannu niyad-jabnay, haddana waxa aanu u dabbaaldgayna xaqiiqada ah in kiiskan noqday mid taariikhda gala. Waa markii ugu horraysay ee aan ku doodno in xayawaanku leeyihiin xuquuq hantiyoodkooda,” ayuu yidhi qareenku.

“Dacwada daanyeerku maaha sharci fiican,” ayuu yidhi garsooraha dacwadan ka garnaqaayey.

Xigasho Maankaab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories