HomeDacar Muuq Dahabiya leh - W/Q: Guuleed Cumar Madar.

Dacar Muuq Dahabiya leh – W/Q: Guuleed Cumar Madar.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

guuleed cumar MadarSabool ama Faqiir waa qof aan waxba haysanin.Dadka faqiirka ah ee caalamka ku nooli waa malaayiiin, meelkastana way ku noolyihiin.wadamada ugu faqiirsan caalamka waxay u badanyihiin Afrika iyo aasiya.Jamciyada quruumaha kadhaxaysaa waxa ay faqri ku tilmaamtaa dawlada aan sanadkii qofku helin lacag gaadhaysa 600 oo Dollar.

Saboolnimo waa waxa inta aadame adduunkan ku nooli ay la dagaalamayaan , waa cadaw soo jireen ah oo loo samaystay faashash af waawayn , qoryo caaro dhuuban , ceelal qaad wayn ,sanaaduuq qufullo kuus-kuusan.

Qofna ma jecla in uu ku noolaado nolo cidhiidhi ah oo aan farxad lahayn oo dad ka sarreeyaan oo uu hiigsanayo dabaqad ka awood badan.

Qaboobe iyo kulayle waxa uu dhex muquuranayaa oo dhex jibaaxayaa noole kastaaba si uu u farxo , nasto una raaxaysto.

Haddaad ku daashay ood ku dhitootay gaadhitaanka farxada nolosha iyo aayatiinka raaxadeeda! Miyaanad ogsoonayn in aad macaanka dhabta ah ka daydayayso dacar muuq dahabiya leh.

Kaliyaata waxa ay ahayd in aad u hoggaan sanaato hadalka alle (S.W.T) iyo sunnaha rasuulka (N.N.K.H) oo ay ku dhantahay tilmaamnta suubani.

Dacartan muuqa dahabiga ah leh waa Aduunyadan aynu moodnay in aynu ku waaraynee ! waa ayaamo tiro ah .Haddaad xusuus ku mirato intii aad soo dhaaftay , waxa aad dhab ahaan ogaanaysaa in aanad wax macno leh noolayn , Oonad wax la taaban karo taransan.

Haa waa runteen marba dhinac haddaynu ka istaagno waynu isla garanaynaa inaynaan abaal badan u hayn aduunka .

Inteenna maalqabeenada ah , Salaadiinta ah , Madaxda ah, Fannaaniinta ah, Xilalka u haya umadda, Abwaaniinta ah , Dhakhaatiirta ah , Farshaxannada ah , Suxufiyiinta ah , Looga qaateenka ah , Caamada ah , Ciyaalka xaafada ah. waxaynu raadinaynaa oo aynu ka simannahay Nagaasho iyo nolo raaxo leh oo isku lamaan.

Intiina saboolka ah waxaad malaysaan inta maalqabeenada ah in ay gaadheen waxa aad raadinaysaan ! Jawaabtu se waa maya iyaguba way raadinayaan.

Inta wadamadooda ku nooli waxa ay u maleeyaan inta Qurbe ka jirtaa in ay gaadheen farxada iyo nagaashaha nolosha u saaxiibka ah ! Maya iyaguna idinka ayay idiin maleeyaan inaad ka hodansantihiin.

Kuwa aqoonta maadiga ah lihi waxa ay tuhmayaan inta aan waqtiba siin waxbarasho ee cilmi dhagoodka uun leh , Inta cilmi dhagoodka uun taqaannaana waxa ay tuhmayaan inta aqoonta maadiga ah baratay in ay gaadheen nolosha gunteedii farxadeedii iyo ran-raynteedii.

Badhba badhkii kale ayuu quudayaa oo uu hayaa wadadii uu ku gaadhi lahaa . Shaydaan ayaa u qurxiyay oo ku yidhi nolosha macaankeedii kuwanaa muudsaday.

Hadday aduunyadu ilaahay agtiisa baal kaneeco wax u dhigma ka ahaan lahayd , Koob shaaha Gaal kamuu cabeen.

Taasaad bursataa ood u saamo layshay oo kabuhu kaaga kululaadeen, Ood mararka qaarkood wax aanad xaq u lahay masaakiinta duudsidaa , Miyaad ka joogtid ! Waa ayaanba ayaane. Duni aakhir sabaan. Nina hooyanayaa ninna hoysanayaa..

Ma dhama noloshu oo markasta waxbaa kaa dhiman , Haayoo in aad ku sahwido iyada maba aha dantii uu alle (S.W.T) kuu abuuray.

Dhaaxaan rogrogay in aan bal naftayda oo kaliya dareemo dhandhanka nolosha farxadda iyo raynraynta u saaxiibka ah , Balse anuu waan ku daalay oo waxa aan Yaqiinsanahay in ay dambayso nolosha aan raadinayey.

Waa nolosha aakhiro ee Ilaahay (S.W.T) inooga waramay in ay tahay ta lagu nagaanayo , Mar walba waxaan Ilaahay (S.W.T) inooga baryaa in aynu jannada ku kulano dhamaanteen. waayo? Meel kale oo ina qancinaysa ma aan arko. Si aynu uugu kulanno dhamaanteen rayskaa qaboow waa inaynu u shaqaysannaa , Oo aynu ka xorawnaa afkaarta xun xun ee laciifka ah ee uu rabo shaydaanka ilaahay lacnaday in uu inagu hoggaamiyo.

Yay ku saamayn afkaarta falsafadaysan ee uu qummiyay caqliga laciifka ah ee laaluushka qaata rabana in uu aakhiro kaaga dhigu kutidhi ku teenka.

Haa anuu uuma dulqaato mana dhagaysto nin raba in uu caqligiisa kaliya igu qanciyo sida dad aan alle (S.W.T) rumaysnayni u noolyihiin inaan u noolaado , waayo? Hadafkayga ayaa ah in aan gaadho meesha uu alle (S.W.T) cidda uu ka raali yahay u diyaargareeyay in uu ku abaal mariyo.

Baadi doon oo ka bogo aqoonta ku duugan nolosha aakhiro iyo qaabka ay tahay iyo wadada lagu gaadhayo raali ahaanshaha alle (S.W.T).

Raad raac sunnihii rasuulka (N.N.K.H) Oo guntiga u giijiso in aad gaadho darajaduu inoo timaamay in loo huro waqti maal iyo dadaalba.

 

Qalinkii Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com

Germany

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories