HomeDabley Hubaysan oo Weerar ku qaadday Saldhigga Booliska Boorama iyo tirada Rag...

Dabley Hubaysan oo Weerar ku qaadday Saldhigga Booliska Boorama iyo tirada Rag la qab-qabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama (SLpost)- Dabley aan la aqoonsan oo ku hubaysan hubka noocayadii kala duwan, ayaa Saqdii Dhexe ee Jicmihii Xalay weerar ku qaaday saldhigga Booliska ee magaalada Boorama.

Dhawaaqa iyo Dayanka Rasaasta hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa Saqdii Dhexe laga maqlay gudaha magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, taas oo hurdada ka kicisay inta badan dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama, gaar ahaan nawaaxiga Saldhigga booliska ee magaalada Boorama.

Boorama-00Ilaa hadda ma jiro war sugan oo ka soo baxay maamulka heer gobol ama degmo iyo ciidamada Ammaanka oo ku saabsan cidda ay yihiin kooxaha weerarka ku qaaday saldhigga booliska iyo khasaaraha ka dhashay, haseyeeshee sida ay Somalilandpost u sheegeen dhowr qof oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay, koox Dablayda ah oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa weerar ku hujuum ah ku qaaday Saldhigga Booliska ee magaalada, isla markaana ay dhawaaqa rasaastu sii xoogaysatay kaddib markii ay ciidamada Boolisku u jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.

“ILaa kowdii bay saacaddu ku beegnayd markaanu maqallay guuxa xabad aan is-idhi qoryo waaweynbaa laga ridayey, markiiba waxaan gartay inay ka dhacayso xagga saldhigga dhexe, laakiin markii dambe way sii xoogaysatay,” sidaas waxa yidhi nin magaciisa aanu ku soo koobnay Cabdirashiid oo khadka telefonka ugu warramay weriye ka tirsan Somalilandpost.

Warku waxa uu intaas ku daray in ciidamada booliska iyo kooxda Dableyda ahi in muddo ah is-weydaarsanayeen rasaasta oo dadweynaha caasimadda gobolka Awdal hurdada ka kicisay, isla markaana ay markii dambe baxsadeen kooxdii Dableyda ahayd.

Warar aan la xaqiijin jirtaankooda, ayaa sheegaya in ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen laba ka mid ah Kooxda Dableyda ah.

Dhinaca kale, maamulka gobolka iyo degmada oo aanu kala xidhiidhnay telefoonnadooda gacanta, ayaa noo suurta-galin inaanu helo, kaddib markii ay telefoonadooda naga qaban-waayeen, maadaama oo ay xilli dambe ahayd.

Weerarka xalay lagu soo qaaday saldhigga booliska ee Boorama, ayaa ku soo beegmaya iyada oo duleedka magaalada Boorama uu ka socdo shir-weyne ay isugu yimaaddeen Beelaha Samaroon, kaas oo noqonaya shirkii ugu horreyey ee beelahaasi isugu yimaaddaan.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha…………..

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories