HomeDabley Aan Haybtooda la Aqoonsan oo Caawa Nin ku Dilay Badhtamaha magaalada...

Dabley Aan Haybtooda la Aqoonsan oo Caawa Nin ku Dilay Badhtamaha magaalada Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Koox Dabley oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa caawa abbaaro 8:30-kii Cawaysnimo badhtamaha Burco ku dilay Marxuum magaalada qariib ku ahaa.

breaking-newsMarxuumka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Mustafe Cabdisamad Carte (Dhako) oo Xirfadda Dillaalnimada kaga shaqayn jiray Sayladda Xoolaha ee magaalada Burco, ayaa koox dabley ah oo baaskoolado ku hubaysan u galeen jidka isaga oo ku sii jeeda Guriga uu magaalada ka galo, waxaana la sheegay in madaxa dhowr xabbadood madaxa lagaga dhuftay, isla markaana uu isla goobtaas naftu kaga baxday.

“Marxuum oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe Cabdisamad Carte oo lagu naaneysi jiray Dhako. 8:30kii Fiidnimo isaga oo maraya Iskuulka Qasabka ayaa baaskoolad madaxa lagaga dhuftay. Waxa la ii sheegay inuu magaalada Joogay todoba bilood,” sidaa waxa shabakadda Somaliland u sheegay qof ku sugan magaalada Burco.

Dableyda dilka geystay oo markii ay hawl-galka fuliyeen ka baxsaday goobta, ayaan xaqiijin karin sababtay ay u beegsadeen ninkan oo magaalada Burco ku sugnaa muddo todoba bilood ah, isaga oo markii hore la sheegay inuu ka yimi dhinaca degmada Dhagax-buur ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada ammaanka magaalada Burco, ayaa isla markiiba gaadhay goobta dilku ka dhacay, iyaga oo bilaabay baadhitaanno ay ku raadinayaan cidda dilka fulisay.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories