HomeDabargoynta Gaajada: Yoolka Labaad ee Horumarka Aduunka 15ka Sano ee soo socda

Dabargoynta Gaajada: Yoolka Labaad ee Horumarka Aduunka 15ka Sano ee soo socda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Yoolkan labaad ee hiigsiga caalamka oo ka mid ah 17ka yool ee ay soo saartey qaramada midoobay 27kii bishii 9aalaad ee sannadkan 2015ka oo ahaa helitaanka koritaan iyo horumar sugan oo Aduunyadu gaadho sannadda 2030ka ayaa ah  dabar goynta saboolnimada, iyadoo looga golleeyahay xaqiijinta sugnaanshaha cunto iyadoo la beegsanaayo sugnaanshaha wax soo saarka Beeraha. wuxuu leeyahay yoolkani 8 bartilmaamood oo la rabo in la gaadho si loo hubiyo xaqiijinta gaadhitaanka yoolkan, waxaanay kala yihiin:

Dhammaadka 2030ka waa in la dabar jaro gaajada iyadoo la hubinaayo in dhammaan dadka hadda saboolka ah iyo kuwa nuguliba helaan cunto ku filan oo nafaqo ahaanna isu dheelitiran sannadka oo dhan.

2030ka waa in laga qalinjebiyaa noocyada nafaqo darrada oo dhan iyadoo la beegsanaayo dhamaadka 2025kana bartilmaameedkii caalamiga ahaa ee yareynta caruurta  da’doodu 5ta sano ka yartahay ee u dhimata nafaqo darradda iyadoo loo maraayo xoojinta nafaqada hooyada uurka leh iyo ta nuujinaysa iyo weliba dadka da’da ah.

dhammaadka 2030 waa in la laba jibbaaro waxsoosaarka beeraha siiba dakhliga dadka leh beeraha yaryar, gaar ahaan Dumarka, xoolo dhaqatada iyo kalluumaysatada iyadoo la xaqiijinaayo helitaanka iyo u sinnaanta lahaanshaha dhulka, maalgelinta iyo daymaha ku habboon dadka saboolka ah.

waa in dhammaadka 2030ka la meeleeyo koritaanka wax soo saarka beeraha iyadoo la dhisaayo awoodda iyo u adkeysiga beeralayda is bedelka iyo doorsoonka cimilada; sida daadadka xad dhaafka ah iyo masiibooyinka kale ee caqabadda ku ah horumarinta dhul beereedka iyo tayada carrada.

Wixii loo gaadho 2020ka waa in la gaadho joogteynta kala duwanaanta hiddaha ee abuurto midhaha, dhirta, iyo xoolaha iyo sidoo kale degel joogta (xayawaanka rabbaysan), iyadoo loo maraayo abuur si wanaagsan loo maamuley oo heer qaran, heer gobol iyo heer caalamiba ah, loona sinaado faa’iidada abuurka hiddaha san ee midhaha iyo xoolaha sida caalamku ku heshiiyey

in la kordhiyo maalgashiga ama maalgelinta wax soo saarka iyadoo loo maraayo isu kaashiga caalamka ee horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee baadiyaha, cilmi baadhista beeraha iyo horumarinta tiknolojiyadda si loo keydiyo hiddo sidaha xoolaha iyo dhirta (DNA); si ay qayb uga qaadato horumarinta kartida wax soo saarka beeraha ee wadamada soo koraaya; iyo gaar ahaan kuwa horumarkoodu luudaayo (liito).

Waa in la saxaa, lana hagaajiyaa caqabadaha ganacsi ee haysta wax soo saarka caalamka, iyadoo sidoo kale meesha laga saarayo, dhamaan noocyada kabitaanka dhaqaale ee ay wadama horumary ku kabaan beeraleydooda si ay suuqa u soo geliyaan badeecad jaban oo tartami karta, waana in meesha laga saaraa arrintaa si ay u sinnaadaan beeraleyda caalamku, fursadna u helaan beeralayda wadama soo korayaa, sidii lagu heshiiyey shirkii Dooxa (Qadar) ee 2001dii

waa in la meel mariyaa qawaaniin lagu hubinaayo u sinaanta badeecadaha ee suuqyada caalamka, iyadoo la fududeynaayo usinaanta xogta suuqa; iyo in  la dhiiriyo keydinta cuntada si loo yareeyo sare u kaca qiimaha cuntada ee caalamka.

 

Waxaa turjumay oo isku howlay

Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com

+252 63 4009009

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories