HomeDABAALDEGA 18KA MAY WAA LABALAAB – W/Q: Maxamed Cali

DABAALDEGA 18KA MAY WAA LABALAAB – W/Q: Maxamed Cali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laba arimoodba waa in la xusaa; Somaliland oo la soo noqotay dowladnimadeedii laga afduubay iyo iyada oo lagu sii xuujiyay diidmo qayaxan – Dhiibimayno Somaliland. Waxaa la wada ogsoonyahay in Somaliland gobanimadeeda qaadatay June 26keedii, 1960kii, laakiin la afdoobay afar cisho dabadeed, July 1deedii, 1960kii, iyada oo an wax gorgortan ah lala gelin Somaalida Konforeed. Hadii siyaasiintii waqtigaas afduubay Somaliland ay maanta joogilahaayeen ama cidi ka nooshahay waxay  garowsan lahaayeen oo maanta isku ciilkaanbiyi lahaayeen oo ay raali ka bixin lahaayeen danbigii ay ka galeen Somaliland. Waayo, laguma arag, lagumana  hayo aduunka laba wadan oo isku biiray oo an xeer kala quran. Waxay ka dhigeen Somaliland wadan isdhiibay oo xuug lagu muquunshay.

Isdhiibidaasi waxay keentay ixtiraam la’aan, qadarin la’aan, quudhsi, kufsi, dhimasho,  hanti boob, xuquuq la’aan, cadaalad la’aan, iyo in Somaliland oo noqotay wadan la hasyto. Intii ka horeysay 1960kii ee go’maysigu haystay Somaliland lama arag lamina maqal dhibaato la  mid ah ama u dhow tan soo maraty waqtiyadii ka dambeeyey 1960kii. Nimanka ogolaaday in Somalialand oo wadan ah laga dhigo Gobolka Waqooyi waxay dhaxalsiiyeen Somaliland Gumasigii ugu xumaa ee abidkeed soo mara.

Hadaba waxa ixtiraam iyo xusidba mudan dadkii xureeyey Somaliland ee u soo celiyey gobanimadii iyo xuquuqdii ay lahayd. Waxa kale oo iyaguna xusid mudan kuwa xukunka maanta haya ee diiday mu’aamaraadka loo maleegaayey Somaliland ee la doonaayey in gumaysigii dib loogu celiyo. Waxa markhaati madoon ah in Somaliland maanta waqti kasta oo soo maray ay ka fiicantahay. Waxa kale oo in la ogaado ah in dadka reer Somaliland faraq badan u dhaxeynin ee ay u baahan yihiin in si miisaaman wax loo qaybsado oo laga baxo langadhaynta. Qof kasta oo Somaliland ka mid ihi uu ogyahay in Somalida Konforeed ayna waligood dagynin sababtoo ah qabiilakastiba waxay rabtaa in ay iyadu somaaloodhan maamusho. Waxa in la iswaydiiya ah, maxay Somaliland ka ahayd Somalia?  Waxay ka ahayd dhibic biyo ah oo ku dhacday badwayn waayo wadan ahaan looma xeerin, waxa laga dhigay Gobol Waqooyi.  Hadda waxa Konfor lagu kari laayahay in la isku horfadhiisto Somalia iyo Somaliland oo laga wada hadalo mustaqbal Somaliyeed.  Maanta shalay maaha, shalyna maanta maaha. Shalay taariikhbay noqotay, maantana dowlad baa jirta, barinna lama hubo. Ummada reer Somaliland midho gacantooda ku jira in ay u tuuraan kuwa geed saaran maaha.  Caqliga wanaagsani wuxuu sheegayaa in reer Somaliland adkeeyaan xuriyadooda oo ay miisaan laga wada raaliyahay ku dhisaan. Ilaahay misaanka iyo sinaanta aadbuu ugu adkeeyey umadiisa.  Dowladnimada, xuriyada, nabada, iyo dimoqraadiyado kuma timaado misaan la’aan iyo wadjir la’aan.

Hadal wuxuu ku dhan gooni u joog Somaliland wax u dhaami majiro.  Dowladu way dadaashay markii ay tidhi kuma noqonayno Somalia, hase yeeshe, howluhu ma dhadhawa.  In kasta oo heshiis ka dheeryahay Konforta Somalia kudaheeda, haddana geed sare iyo ku hoosaba waa loo soo fuuli doonaa Somaliland. Shisheeye iyo sukeeyaba waa loo soo mari doona. Waxa markaas qof kasta oo Somaliland ka mid ah ku waajiba in u iswaydiiyo wixii horey u seegay iyo waxa seegi doona iyo heerka u maanta joogo iyo heerkii shalay. Somaliland jiritaankeedo kuma xidhna oo kaliya in la diido in lagu noqdo qaladkii hore iyo in laga raadiyo aqoonsi debeda, laakiin waxa  ugu horeeya oo lagama maarmaan ah in lagu sii dadaalo wadajir, cadaalad, nabadoo la adkeeyo, dowlad iyo baarlaman miisaaman, iyo wada tashi.

 

By: Mohammed Ali Muuse ( CANADA )

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories