HomeDAAWO:Madaxweyne Siilaanyo oo Dhagax-dhigay Dhismaha Cusub oo Isku Xidhaysa magaalada Hargeisa iyo...

DAAWO:Madaxweyne Siilaanyo oo Dhagax-dhigay Dhismaha Cusub oo Isku Xidhaysa magaalada Hargeisa iyo Degmada Alleybaday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku guda jira maalintii labaad ee socdaal uu ku tagay Gobolka Gabilay, ayaa maanta gaadhay degmada Allaybaday ee Gobolkaasi,Ka dib markii uu Xarunta Gobolkaas ka furay Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey, Kuwa kalena dhagax-dhigay.

Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray laba waddo oo dawladda Hoose ee Gabilay ka hir-gelisay magaaladaas,isaga oo geesta kalena dhagax-dhigay xarun ballaadhan oo dawladda Hoose ku shaqayn doonto oo laga hir-gelinayo magaalada Gabilay.
Waxa kale oo Magaalada Gabilay Madaxweynuhu xadhiga ka jaray isticmaalka Gaadiid cusub oo ay soo iibsatay dawladda Hoose ee magaalada Gabilay, kuwaas oo isugu jira Cagaf-cagafyo iyo Dab-damisyo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa si weyn loogu soo dhoweeyey Degmada Alay-baday iyo degaamada hoos yimaada,halkaas oo ay ku qaabileen madaxda, wax-garadka iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay wado isku xidhaysa Allay-baday iyo Hargeysa waxaanu Warbixin ka dhegaystay Maamulka iyo Waxgaradka degmadaas oo ka dalbaday in Madaxweynuhu inuu gacan ka siiyo horumarinta degmadaas.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa dhankiisa ka sheegay in Xukuumadiisu aanay waxba kala hagran doonin intii awoodeeda ah wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee degmadaasi u jeelan tahay.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dadweynaha degmadda Allaybaday uga mahad celiyay sidii xamaasadda iyo waddaniyada lahayd ee ay u soo dhaweeyeen weftigiisa, waxaanu yidhi “Waxaan halkan aad iyo aad uga mahad celinayaa aniga iyo weftigayguba sida balaadhan ee aad noo soo dhawayseen ee sharafta iyo qiimaha leh, soo dhawayntana waa mid caado dhaqan idiin ah oo aad waligiinba samayn jirteen.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in wixii suurto gal ah ay wax ka qaban doonaan baahiyaha kala duwan ee degmadda Allay-baday iyo guud ahaanba gobolka Gabiley, waxaanu yidhi “Waxaan idinka balan qaadayaa haddii aanu dawladda nahay, waanu dhagaysanay cabashooyinkii halkan (Allay-baday) laga soo jeediyay, waanu ognahay, waanan la soconnaa baahiyaha gobolkan iyo dalkuba qabo. Waxaynu markii hore ahayn dawlad soo koraysa. Waxaanan balan qaadaynaa inaanu wax ka qabano cabashooyinka la soo jeediyay oo mid walba wixii aanu ka qaban karno aanu doorkayaga ka qaadano.:
Dalkeennu waa mid baahidiisu maalin walba kordhayso oo ay meel walba taallo. Dawladeenna waxa soo gala iyo baahida waxqabad ee dalkeenna ka jirtaa ma aha mid wada dabooli karaysa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu shacbiga ugu baaqay inay xukuumadiisa ka gacan siiyaan horumarinta adeegyadda bulshadda ee ay dedaalka gelisay. Waxaanu tilmaamay in iskaashi baaxad leh oo dhex mara shacbiga iyo xukuumadda lagaga midho dhalin karo sidii looga sal gaadhi lahaa horumarka bulshadu ku taamayso.

Weftigu waxaa hadhimo sharafeed loogu sameeyay degmada allay baday waxaanay markaas ka dib waxay Gaadheen Magaalada Wajaale oo si Mug leh loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Mudane Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu khudbad u jeediyay kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmada Wajaalle ee gobolka Gabiley, kuwaasi oo ku qaabilay qalbi samaan, isla markaana lulayay sawirkiisa, calanka Somaliland,waxaanay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ugu bandhigayeen iimaanka iyo kalsoonida ay ku qabaan hoggaamintiisa.

Madaxweynaha oo ku mabsuuday soo dhawaynta la yaabka lahayd ee loogu sameeyay Wajaalle ayaa waxa uu yidhi “Waxaan dadweynaha reer Wajaalle aad iyo aad uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen iyadoo mar walba sidan oo kale ayaa caadadiina ahayd oo aad ii soo dhawayn jirteen mar walba. Waxaan halkan mar kasta kala tagaa farxad iyo shucuur wanaagsan. Waxaan idiin balan qaadaynaa inaanu wixii aanu ka qaban karno ka qabano horumarinta adeegyadda bulshadda ee kala ah wadooyinka, garoomadda, biyaha. Waxaanan dhalinyarada u balan qaadaynaa in loo dhisi doono garoonkii kubadda ee ay ku ciyaari lahaayeen.”

Sidoo kale Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Beeraha ayaa balan-qaaday inay wasaaradahoodu Xafiisyo ka furan doonaan degmada Allay Baday iyagoo ka mahadceliyay sida diiran ee ay Weftiga Madaxweynaha u soo dhaweeyeen.

Weftiga madaxweynaha Somaliland galabta ayay dib ugu soo laabteen caasimadda Hargeysa markii uu soo dhamaystay socdaal qaatay muddo laba maalmood ah oo uu ku soo maray degmooyinka Gobolka Gabiley.

allaybaday

Hoos ka daawo


Somalilandpost.net
Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories