HomeDaawo:-Wafti uu Hogaaminayo Musharax Muuse Biixi Oo Soo Dhawayn Diiran Kula Kulmay...

Daawo:-Wafti uu Hogaaminayo Musharax Muuse Biixi Oo Soo Dhawayn Diiran Kula Kulmay Saylac iyo Lughaya

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Saylac (SLpost)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaamiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobolka Selel, gaar ahaan Saylac ilaa Lowyacado oo ku taalla xuduudka dalalka Somaliland iyo Jabuuti.

Weftiga oo xalay [Habeennimada 14/02/2016] u hoyday magaalada Saylac ayaa xaflad si weyn loo agaasimay oo soo dhaweyn ah loogu sameeyey magaaladaas, taas oo ay isugu yimaaddeen madaxda heer Degmo ilaa Gobol iyo boqollaal dadweyne ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo soo bandhigay taageerada ballaadhan oo Dadka reer Saylac iyo guud ahaan Gobolka Salal u hayaan murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ciyaaro-dhaqameedka uu caanka ku yahay gobolku ee Sayliciga iyo Wilwilada farxad iyo damaashaad looga dhigay.

Badhasaabka Gobolka Salal Md. Farxaan Xasan Cabdi, Maayarka Degmada Saylac Md. Xuseen Iidle Barkhadle, Badhasaabkii hore ee Gobolka Salal Md. Maxamed Muuse Bucul, Hooyo Khadiija Maxamuud Xergeeye oo ka caan ka ah Deegaanka iyo Madax-dhaqameed isugu jiray Cuqaal, Odayaal, Waxgarad iyo dad kale oo qeybaha kala duwan ee Bulshada kala matelayey, ayaa hadallo ay ka jeediyeen munaasibadda soo dhawaynta ah ku ahayd ku caddeeyey inay taageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE, gaar ahaana Murrashaxa jagada Madaxweynaha loo xulay oo ay ku tilmaameen nin waayo-aragnimo iyo aqoon fiican u leh qabashada talada dalka oo aanay jirin cid kaga habbooni, isla markaana aanay jirin cid kale oo ku doorsaneyn, iyaga oo xusay waxqabadka hore ee xukuumadda KULMIYE galiyey Gobolka, waxa dhimmana ay aaminsan yihiin inuu xisbigani dhammeystiri doono marka uu marlabaad ku guuleysto hoggaaminta talad dalka haddii Ilaahay yidhaah.

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirrada Wasaaradaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha & Xidhiidhka Golayaasha – Cabdillaahi Faarax Maydhane iyo Cali Xaamud Jibriil, Xildhibaan Axmed Weysa-cadde iyo Siyaasiga Axmed Cabdi Dheere iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa iyaguna uga mahad-celiyey Reer Saylac soo-dhaweynta iyo martigelinta ay u sameeyeen weftigooda, waxayna uga warrameen ujeeddada socdaalkooda oo ay ku sheegeen inay la xidhiidho wacyigelinta qaadashada kaadhka diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland, sidii dadku uga wada qeybqaadan lahaa.

Ugu dembeyntii, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibadda soo dhaweynta ah kalmado kooban oo mahad-naq ah kaga dareen-celiyey qaabilaadda shacabka ku dhaqan Gobollada Salal iyo Awdal, isaga oo dadweynaha ku dhiirrigeliyey inay u midoobaan qaadashada kaadhka codbixinta diiwaangelinta doorashooyinka, si ay u midho-dhasho taageerada ballaadhan ee ay u muujiyeen xisbigiisa.

Sidoo kale, weftigu waxa taageero kale oo baaxad leh kala kulmay deegaannada xidhiidhiya Saylac ilaa Lowyacada oo ku taalla xuduudka dalalka Somaliland iyo Jabuuti, iyadoo bulshada ku dhaqan deegaannadaas oo ay ka mid tahay Tuulada Toqoshi kaga hortageen gaadiid fara badan oo lagu shaqlay, kana dul babanayeen calanka KULMIYE, waxay weftiga u galbiyeen badhtamaha magaalada Lawyacado oo goob fagaare ah khudbado uga jeediyey, isla markaana ku booriyey inay si buuxda uga qeybqaataan qaadashada kaadhka diiwaangelinta codbixiyaha doorashooyinka Somaliland.

Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isla magaalada Lawyacado kulan kooban kula qaatay muwaadiniin ka mid ah Jaaliyadda dalka Somaliland ee ku dhawan waddanka Jabuuti oo u badnaa dumar, kuwaasoo halkaas u yimi isu-diiwaangelinta qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland ee u qorsheysan horraanta sannadka 2017-ka, waxanu uga mahad-naqay Muuse Biixi Cabdi tallaabadaas dhiirrigelinta leh ee ay qaadeen muwaadiniintaas qurbo-joogga ah.

 

      

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories