Home - Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Khaarajiga Turkiga Ahmed...

[DAAWO VIDEO] – Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Khaarajiga Turkiga Ahmed Davutoglu

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Ankara (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibada dalka Turkey, Ahmet Davutoglu, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbiley Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu Hoggaaminayo ee socdaalka ku jooga dalkaasi.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Debedda Turkiga (2)

Wasiirka Arrimaha dibada Turkiga Ahmet Davutoglu oo madaxweynaha iyo weftigiisa qado-sharaf ugu sameeyey xafiiskiisa, waxa uu kulan gaar ah oo ay Md Axmed Siilaanyo wada yeesheen ku sheegay in dawladiisu ay si niyadsami ah u soo dhawaynayso socdaalka weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu tilmaamay inay ahmiyad weyn siinayaan inay iskaashi adag la yeeshaan Somaliland.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Debedda TurkigaAhmet Davutoglu, waxa uu kulankaasi kaga dhawaaqay in dawladda Turkigu ay kordhisay mucaawimadda ay Siiso Somaliland, isla markaana ay ka fulin doonto Mashaariic waaweyn oo saacidaya horumarka Waxbarashadda, Caafimaadka, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiirku waxa uu sheegay in dalkiisu xafiis ka furan doono dhawaan Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo door weyn ka qaadan doona horumarinta cilaaqaadka labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dawladda Turkiga uga mahad celiyayay siday ugu soo dhaweeyeen dalkaasi,. Waxaanu uga mahad celiyay mucaawimadda ay kordhiyeen ee ay siinayaan Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu wasiirka Khaarajiga Turkiga tafaasiil ka siiyay fursadaha maal-gashi ee ka jira Somaliland, waxaanu ku booriyay inay Turkigu sii xoojiyaan iskaashiga iyo wax wada qabsiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada ummadood.

Kulankan waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka kala socday Hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta iyo mucaawimadda dibada ee (TIKA) Turkish International Cooperation and Development Agency iyo hay’addo kale oo ka mid ah kuwa aan dawliga ahayn ee dalka Turkiga.

Wasiirka Khaarajiga iyo Madaxweynaha Somaliland waxay iska xog waraysteen xaaladda guud ee mandaqadda Geeska Afrika.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxa xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha dibadda, Macdanta iyo biyaha, Madaxtooyadda, dib u dejinta, Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya iyo marwada koowaad ee Somaliland, waxaanu socdaalkoodu ka dhashay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Raysal wasaaraha wadankaasi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories