HomeDAAWO SAWIRRO - Israel oo Hawl-galkii Milatari ee ugu ballaadhnaa ku Qaadday...

DAAWO SAWIRRO – Israel oo Hawl-galkii Milatari ee ugu ballaadhnaa ku Qaadday Marinka Gaza iyo Xamaas oo ku Hanjabtay Waxyeello Dhabarka ka Jabisa Yuhuudda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

• Raysalwasaaraha Yuhuudda, Benjamin Netenyahu ayaa amray Hawl-gal dhulka ah oo ciidamadiisu ku galaan Gaza

• Hawl-galka Dhulka ah ayaa isugu jira Ciidamo Afantari ah, Duqeynta Madaafiicda iyo Baabuurta Gaashaaman oo taageero ka helaya Cirka iyo Badda

• Xamaas oo Israa’iil ugu Hanjabtay inay Ka Shalleyn doonto Hawl-galka Dhulka.

• Israel iyo Falestine ayaa muddo toban maalmood ah dagaal Duqeymo iyo Gantaallo isugu jira

• Tirada Dhimashada Falastiiniyiinta oo Heerkii u sarreeyey Marayso oo ay ku jiraan saddex Carruur ah oo shalay la dilay.

• Israel oo dib ugu yeedhay 48,000 oo Ciidamadeeda Keydka ah iyo 18,000 oomarkii dambe la amray

Israel_Gaza (11)

Cairo (SLpost)- Boqolaal ka mid Xoogga Difaaca Israel oo ay taageerayaan Tawaangida, Gawaadhida Gaashaaman, diyaarado ayaa gelinkii dambe ee Khamiista gudaha u galay Marinka Gaza ee Arlada Falastiiniyiinta, ka dib muddo toban maalmood ah diyaaradahoodu duqeymo xooggan ka fuliyeen.

Hawl-galkan ayaa bilaabmay Habeennimadii Khamiista, ka dib markii Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netayanyahu amray in tallaabo milatari lagu qaado si ay u joojiyaan Gantaalada Kooxda Hamas kaga ridayso marinka Gaza.

Israel_Gaza (10)Ciidamada Israaiil ayaa ka tallaabay Xuduudka Gaza abbaaro 10-kii Habeenimo ee Saacadda Gaza, waxaana barbar-socday Gantaalo magaalada Tel Aviv ee caasimadda Yuhuudda ay la bartilmaameedsanayeen kooxda Xamaas oo wacad ku martay in Israaiil cawaaqib xumo kala kulmi doonto hawl-gallada ciidamadeedu ku galeen Gaza.

Weerarka Milatari Israaiil ayaa ku soo beegmay xabbad-joojin muddo Shan saacadood socotay oo uga timi dalka Maraykanka, taas oo dawladda Israel uga digaysay inay weerar xagga dhulka ah ku qaadaan marinka Gaza si looga hortago waxyeello soo gaadha dadka Shacabka ah.

Israel_Gaza (12)“Raysalwasaaraha iyo Wasiirka Difaacu waxay amreen inay Xogga Difaacu bilaabaan hawl-gallo dhulka ah caawa to loo burburiyo marinnada dhulka hoostiisa ah ee isaga gudba Gaza iyo Israel,” sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Yuhuudda oo dalbaday in 18,000 oo ciidamada Keydka ah lagu biiriyo 48,000 oo hore loogu yeedhay.

Hawl-galka Milatari waxa uu isugu jira Afantari, gaadiidka gaashaaman, Madaafiic lagu garaacayo iyo Ciidamo Sirdoon oo ay wehelinayaan diyaarado dusha ka duqaynaya iyo Ciidamada Badda,” ayaa intaas ku daray qoraalka oo ka soo baxay milatariga Yuhuudda.

Muuqallo laga argagaxay oo habeennadii laga arkayey shaashada telefishannada, ayaa muujinayey Gacantaalo magaalada Gaza sida roobka ugu socday oo ay ridayeen Ciidamada Yuhuudda oo Madaafiicdooda ku rakibay Buur ku taala duleedka magaalada.

Israel_Gaza (11)“Xoogagayaga dhulka oo taageero ka helaya Duqeymo xagga cirka iyo badda ah iyo sirdoon, ayaa bartilmaameedsanaya goobo ka mid ah Gaza iyo marinnada dhulka hoostiisa iyo goobaha ay ka hawl-galaan,”sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay milatarigag Israel oo lagu magacaabo Gen. Motti Almoz.

Waxa uu shacabka ku dhaqan Gaza ugu baaqay inay ka xamaan-urursadaan goobaha ay ciidamadu ka hawl-galayaan, waxaanay digniintaasi u muuqataa in magaaladaas la gelinayo Ciidamo tiro badan.

Israel_Gaza (5)Sarkaal ka tirsan ciidamada Ammaanka ee Gaza, ayaa warbaahinta u sheegay in Taangiyada Israel ay duqeynta bilaabaan xilli hore oo habeenimadii Khamiista ahayd.

“Goobaha ku teedsan xuduudka waxa haysta duqeyn. Daqiiqad kasta waxa ku dhacaya madaafiicda laga ridayo taangiyo Israel oo taagan Xuduudka,” ayuu yidhi Sarkaalka oo ka gaabsada in magaciisa la xuso.

Israel_Gaza (9)“Waxa kale oo jirta duqeyn xagga badda ka socota oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha booliska,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in magaalada Woqooyiga Gaza ku taala ee Beit Lahiya lagu bilaabay duqeyn culus. “Mar kasta waxaanu maqlaynaa duqeynta taangiyada,”sidaa waxa yidhi Jamal Abu Samra oo ah 42-jir ka mid ah beeralayda Gaza. Waxa uu sheegay in xaaskiisa, Lix Carruur ah, Afar walaaladii ah iyo qoysaskoodu isku qarinayaan Dhisme laga sameeyey Gurigooda hoostiisa.

Israel_Gaza (13)“Ma haysano Koronto ilaa gelinkii dambe, waxaanu wararka kala soconna Radio baytariyo ku shaqaynaya,” ayuu yidhi. Jamaal.

Waxa uu sheegay inay ciidamada Israel dadka deegaanka u direen fariimo qoraal ah oo ku war-gelinayaan inay isaga baxaan goobaha. Abua Samra oo khadka telefonka kula hadlayey Al-Jaziira waxa uu sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay go’aansadeen inaanay gurigooda ka bixin, iyaga oo aaminsan in aanay jirin meel aan ahayn Gaza oo ay ku nabad-galayaan.

Israel_Gaza (1)In kasta oo aan la garan karin ilaa heerka ay gaadhsiisan tahay ujeeddada Israel ka leedahay weerarka, waxa jira culaysyo gudaha ah oo raysal-wasaare Benjamin Netenyahu ku khasbay inay tallaabo milatari oo dhulka ah ku soo gebo-gabeeyaan 10 maalmood oo duqeymo ay wadeen Gaza ku fashilmeen inay ku daciifiyaan gantaalada Xamaas la bartilmaameedsanaysay gudaha magaalooyinka Israel.

Israel_Gaza (7)Israel_Gaza (6)Dalka Yuhuudda ayaan xamili karin saamaynta kaga iman karta khasaaraha nololeed ee ay shacabka ugu geysan karaan magaalada Gaza oo ay qabsadaan, balse gudaha Israel waxa ka jira cadaadisyo dawladda kaga yimi shacabka Yuhuudda oo khaatiyaan ka joogsaday gantaalada Xamaas.

Israel_Gaza (2)Waxa jiray cadaadisyo dibadda ah oo xukuumadda Yuhuudda uga imanayay dadka shacabka ah ee duqeyntoodu ku dhintay, gaar ahaan ugu yaraan 13 carruur Falastiiniyiin ah, da’dooduna ka yartahay 12-jiro oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Israel.

Nin Falastiini ah oo Laba Carruur ah oo uu dhalatay ku dhinteen duqeynta diyaaradaha Yuhuudda
Nin Falastiini ah oo Laba Carruur ah oo uu dhalatay ku dhinteen duqeynta diyaaradaha Yuhuudda

Wararka laga helayo goobaha Caafimaadka iyo hay’adaha Ammaanka Falastiiniyiinta, ayaa sheegay in 240 qof ku dhinteen marinka Gaza, kuwaas oo ay ku jiraan todoba carruur ah oo maalintii Khamiis meel kaliya kuwada dhintay, halka dadka dhaawacyadu soo gaadheen lagu qiyaasay 1,800 oo qof. Halka wararka laga helayo Israel ay sheegeen in Hal qof kaga dhintay gantaalada Xamaas.

Israel_Gaza (3)Ka dib muddo dhowr saacadood oo xabbad-joojin ah, Israel iyo Xamaas waxa ay maalintii Khamiista sii amba-qaadeen dagaalkooda, waxaana ka mid ah weerar diyaaradeed oo galaafatay nolosha saddex carruur ah oo gurigooda hortiisa ku quudinayey shimbiro qoyskoodu leeyahay.

Duullaanka Milatari ee Israel ku qaadday Dhulka Falastiiniyiinta, ayaa noqonaya hawl-galkii ugu ballaadhnaa ee ay ka fuliyaan Marinka Gaza muddo dhowr sanno ah.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories