HomeDAAWO SAWIRRADA: Hormadii Labaad ee Soomaalida laga soo Tarxiilay Kenya oo Maanta...

DAAWO SAWIRRADA: Hormadii Labaad ee Soomaalida laga soo Tarxiilay Kenya oo Maanta laga dejiyey magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Muqdisho (SLpost)- Waxa maanta garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyey Hormadii Labaad ee Soomaali laga soo tarxiilay dalka Kenya, kuwaas oo qayb ka ahaa dadkii lagu qab-qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

somalidaDadka maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa tiradoodu dhammayd 91 qof oo muddo laba todobaad ku siman ku jiray xabsiyada dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, ka dib markii ay Ciidamada ammaannka Kenya hawl-gal ay ka sameeyeen Xaafadda Islii ku qab-qabteen Soomaali tira badan oo wakhtigan ku jira xabsiyada Kenya.

som3Todobaadkii hore ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu soo celiyey 82 Qof oo dadkaas ka mid ah, kuwaas oo magaalada Nairobi laga soo saaray diyaarad ay leedahay dawladda Kenya.

Shacabka Soomaaliyeed ee shalay loo soo tarxiilay caasimadda Dalkaasi Soomaaliya, ayaa sheegay inay tacaddiyo ka dhan xuquuqda bani’aadamka kala kulmeen muddadii ay xabsiyada ku jireen.

“Waxaan xabsi ku jiray in ka badan 11-maalmood, dhibaatooyin badan ayaana kala kulmay, waxaan ka mid ahaa dadkii laga soo qabtay xaafadda Islii, intii ay gacanta igu hayeen ciidamaduna waxaa la i geeyay shan xabsi oo kala duwan,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii saarnaa diyaaradda.

som33Dadka la soo tarxiilay waxa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabilay saraakiil ka tirsan Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya.

som343Xasbiyada dalka Kenya waxaa weli ku jira Soomaali tira-badan oo la doonayo in dib loogu celiyo Soomaaliya, kuwaas oo badankooda loo geystay tacaddiyo ka dhan ah bani’aadamnimada markii la qab-qabanayey iyo muddadii ay xabsiyada ku jireenba.

somm

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories