HomeDAAWO SAWIRRADA 28 Qof oo Kooxda Al-Shabaab ku Dishay Gudaha Kenya iyo...

DAAWO SAWIRRADA 28 Qof oo Kooxda Al-Shabaab ku Dishay Gudaha Kenya iyo Qaabkii Weerarku u dhacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalkaasi Soomaaliya, ayaa sheegay masuuliyadda weerar shalay subaxnimadii gudaha dalka Kenya loogu geystay dad shacab, kaas oo lagu ilay 28 qof Rakaab ah oo saarnaa bas u ku sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi Kenya.

tMalleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday bas ay saarnaayeen dad rakaab ah oo ka tagay magaalada Mandheera ee gobolka Woqooyi-Bari Kenya ee Soomaalidu ku dhaqan tahay, kaas oo sida la sheegay kooxo hubaysani ka leexiyeen jidkii uu marayey, ka dibna dadkii ay u kala saareen Muslim iyo kuwo aan muslim ahayn, dabadeedna toogasho ku billaabay kuwii aan muslimka ahayn, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliska Kenya.

Sida lagu baahiyey warbaahinta xidhiidhka la leh kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere, ayaa lagu sheegay inay dagaal-yahannadoodu fuliyeen weerarka dadka badan lagu laayey oo uu ku micneeyey mid ay ugu aar-gudayeen dhibaatada dadka muslimiinta ah loogu geysanayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

aWeerarkan ayaa ku soo beegmay xilli dawladda Kenya hawl-gallo dad muslimiin ah dhibaatooyin loogu geystay ka fulisay masaajiddo ku yaala magaalada Mombasa, kuwaas oo ay sheegtay in laga soo abaabulo falal ka dhan ammaanka dalkooda.

Weerarka kooxda Al-Shabaab ku dishay muwaadiniinta u dhashay Kenya, ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cumar Jilicow oo masaafo ahaan 30 KM dhinaca Bari ka beegan magaalada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Sarkaal u hadlay ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegay in 28 qof lagu dilay weerarkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo dadkii buska saarnaa intooda badan macallimiin wax ka dhiga iskuullada magaalada Nairobi.

b2Saraakiil ka tirsan dawladda Kenya hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka ay geysteen dabley soddomeeyo qof ku dhow oo aad u hubeysan, kuwaas oo dadkii saarnaa gaadhiga ay kala sooceen dadka muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimka ahayn, iyadoo rakaabka ka dalbanayay inay akhriyaan Aaydaha Qur’aanka oo ay ku kala saarayeen kuwa Muslimiinta ah iyo kuwa kale.

Weerarkan, ayaa noqonayaa kii labaad ee ugu khasaaraha badnaa weerarro kooxda Al-Shabaab ka fulisay gudaha dalka Kenya labadii sanno ee u dambeeyey, ka dib markii sannadkii 2011 cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaasi Soomaaliya, kuwaas oo ilaa wakhtigaas ku sugnaa deegaamo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

b3Sannadihii u dambeeyey waxa gudaha dalka Kenya ku soo badanayey wareerada qorsheysan oo lagu eedeyo inay ka dambeyaan xoogagga Al-Shabaabka ee ka dagaallamo Somaliya kadib markii 16- October- 2011, ay ciidamda dowlada Kenya gudaha u galeen Somaliya. Waxaana weeraradaas ka mid ahaa Weerarkii lagu qaaday Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi 21-dii September 2013 oo ay ku dhinteen 71 qof, kuna dhaawac-meen dad ka badan 175 qof.

d r b

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories