Home(DAAWO)- Raysalwasaare ku-xigeenka Dalka Imaaraadka Carabta oo Qaabiley Madaxweyne Siilaanyo iyo Qodobbada...

(DAAWO)- Raysalwasaare ku-xigeenka Dalka Imaaraadka Carabta oo Qaabiley Madaxweyne Siilaanyo iyo Qodobbada laga wada hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Abu Dhabi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku gudo-jira Hawlaha shaqo ee Safarkii ay ku tageen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta la kulmay Ku-xigeenka Raysalwasaaraha ahna Wasiirka Madaxtooyada Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Maansoor Bin Zayed Al Nahyan.

Siilaanyo iyo wasiirka madaxtooyada UEA

Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka Carabtu waxa uu si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyay xafiiskiisii Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii balaadhnaa ee uu Hoggaaminayay, sida uu noo xaqiijiyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah xubnaha weftiga.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka carabta marti-qaadka rasmiga ah ee ay u fidiyeen weftigiisa, waxaanu si qoto dheer ugaga waramay qodobadda ay xukuumadda Somaliland danaynayso in dawladda Imaaraadka carabtu wax kala qabto, kuwaasi oo iskugu jira mashaariic horumarineed oo la xidhiidha dhinacyada waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii maal-qabeenadda Imaaraadka carabtu u maal gashan lahaayeen khayraadka dihin ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ka dalbaday dawladda Imaaraadka carabta inay dhamaystiraan ceelashii lagu balaadhinayay nidaamka biyaha ee Magaaladda Hargeysa oo ay dhuumihii biyaha soo qaadayay ku rakibaan ceelashii laga qoday xunbo weyne iyo jaleelo.

Waxa kale oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga ka codsaday inay wax kala qabtaan dhismaha jidka hal-bowlaha ah ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, isla markaana ay hirgeliyaan laba cisbitaal oo casri ah oo ay hore u balan qaadeen inay ka dhisi doonaan Somaliland.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo uu la soo qaaday Wasiirka Madaxtooyadda ee dalka Imaaraadka carabta inay Somaliland ka taageeraan hirgelinta dugsiyo cariya oo lagu barto farsamadda gacanta si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyaradda kala duwan ee dalka.

Geesta Kalena, Wasiirka Madaxtooyadda Sh. Mansuur Binu Saa’id oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku yimid dalkaasi waxaanu xusay in dawladiisu ay Somaliland ka saacidi doonto horumarinta adeegyadda aasaasiga ah. Waxaanu balan qaaday inay fulin doonaan qodobadda uu madaxweynuhu hor dhigay.

Waxa weftiga madaxweynaha xubno ka ah Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoolle, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir Ku Xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Sh. Maxamed Jirde.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories