Home(DAAWO)- Raysalwasaaraha Ingiriiska oo Xafiiskiisa ku Qaabiley Madaxweynaha Somaliland iyo Nuxurka Waxyaabaha...

(DAAWO)- Raysalwasaaraha Ingiriiska oo Xafiiskiisa ku Qaabiley Madaxweynaha Somaliland iyo Nuxurka Waxyaabaha laga wada-hadley

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

London (SLpost)- Ralsal-wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameroon, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xubno Xukuumaddiisa ka tirsan oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay Dalka UK.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyeen Wasiirradiisa Arrimaha Debedda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Ambasador Cali Aadan Cawaale iyo Raysalwasaaraha Ingiriiska oo uu Weheliyo Wasiirkiisa Arrimaha Debedda William Hague, ayaa kulan ku yeeshay Xafiiska looga Arrimiyo Dalka Ingiriiska ee 10 Downing Street.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo nuxurka kulankan ku saabsan, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Raisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.

Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, hour-marka iyo dhaqaalaha.

David Cameron oo isma madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba,

Sidoo kale waxa uu raisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Somaliland iyo Somaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday raisal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.

Kulankan waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha JSL.

1. Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar

2.Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

3.Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale,

Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey

1.Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague

     ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories