HomeDaawo:-“Qaraxii Diyaaradda Daallo Airlines mid argagixiso ayuu ahaa” Wasiirka Duulista Somaliya

Daawo:-“Qaraxii Diyaaradda Daallo Airlines mid argagixiso ayuu ahaa” Wasiirka Duulista Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Muqdisho(SLpost)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac ayaa maanta saxaafadda kula hadley magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in qaraxii ka dhacay diyaaraddii Daallo Airlines aysan sababin cilad farsamo ee uu ahaa ula kac argagixiso ah oo la doonaayey in lagu dilo dhamaan rakaabka saaran.

Wasiir Jengeli waxaa shir saxaafadeedkiisa ku weheliyey Taliyaha ciidanka Booliska Gen. Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.Qaraxa waxa sababey ayuu sheegay in uu ahaa bom, kaas oo weli baaritaankiisu socdo. Wasdiirku si rasmi ah uma sheegin in bomka lagu xirey Laptop, sida warar hordhac ah oo ku saabsan baaritaanka ay sheegayaan.

“…..Baaritaan dheeraad ah oo ay sameeyeen khubaro Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, ayaa lagu ogaadey in qaraxa ka dhacay diyaaradda Daallo Airlines, uusan ahayn mid ka dhashey cilad farsamo, ee uu ahaa mid lagu waxyeeleeyo diyaaradda iyo rakaabka saarnaa….”Wasiirka ayaa sheegay inlagu wargelinaayo shacabka ka dhoofa garoonka Adan Cadde in garoonka lagu soo kordhin doono tallaabooyin cusub ee lagu adkeynaayo amniga.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Cali Axmed Jengeli ayaa sheegey in ilaa hadda dhawr qof loo xirey kuwaas kiiska qaraxa oo uu galay tuhun la xiriira qaraxa diyaaradda.

Cali Jengeli ayaa sheegay in baaritaanku weli socdo, isla markaana ay ka qayb-qaadanayaan khubaro caalami ah. Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtey in koox yar oo ka tirsan FBI ay maalintii shalay gaareen Muqdisho.Taliyaha Ciidanka Booliska oo isaguna ka hadley shirkii saxaafadda loogu soo bandhigey natiijo hordhac ah ayaa sheegay in ay adkeeyeen amaanka Garoonka, Boolisku ay ka samaysteen saldhig cusub.

Dowladda Federaalka ayaa maalintii u horeysey ee qaraxu dhacay sheegtey in uu ahaa cilad farsamo oo ay sababtey Oxygen-ka iyo cadaadis kale.Hal qof ayaa ku geeriyoodey laba kalena waa ku dhaawacmeen qaraxa Daallo Ka dhacay.Ma jirto ilaa hadda cid sheegatey weerarkan argagixiso ee dhicisoobey.

https://youtu.be/esUYOnR4wgQ

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories