HomeDAAWO MUUQAAL - Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Raysal Wasaare Ku-xigeenka Turkiga

DAAWO MUUQAAL – Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Raysal Wasaare Ku-xigeenka Turkiga

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Ankara (SLpost)-Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag, ayaa maanta xafiiskiisa  ku qaabilay Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ee socdaalka ku jooga dalkaasi, waxaana kulankaasi lagu faaqiday qodobo la xidhiidha wax wada qabsiga  labada qaran.

Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga ayaa madaxweyne Siilaanyo  ku soo dhaweeyay niyadsamaan, waxaanu kaga hor yimid xafiiskiisa hortiisa.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed  Cabdilaahi Cumar, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay dulucda qodobadii lagu falan-qeeyay kulankii dhex maray Raysal Wasaare Ku xigeenka Turkiga iyo Weftigii Madaxweyne Siilaanyo.

 “Arrimaha  Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa, in kor loo qaado iskaashiga iyo xidhiidhka labada wadan, isla markaana kor loo qaado kaalmadda ay dawladda Turkigu siiso Somaliland,”ayuu yidhi  Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray  “Waxa kale oo aad looga hadlay arrimaha labada dal iska kaashan doonaan waxa ugu horeeya dhinaca tacliinta, khaasatan dhinaca waxbarashadda farsamada gacanta iyo dhinaca caafimaadka  oo aanu weydiisanay inay dawlada Turkigu ay cisbitaalo casri ah ka hirgeliso Somaliland.”

 “Waxa kale oo kulankan la isla qaatay in diyaarada Turkish Airlines oo imika meelo ka mid ah Geeska Afrika  timaada inay  duulimaadyadeeda  ku soo darto Hargeysa, iyadoo ay bilaabi doonto duulimaadkaasi marka Bisha lixaad ee sanadkan la dhamaystiro dayactirka iyo casriyaynta madaarka Hargeysa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu, waxaanu isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Waxa kale oo horeba miiska u taalay booqasho aanu doonaynay in madaxda sare ee dalkaTurkigu ay ku timaado Somaliland, waxaanan rajaynaynaa inay booqashadani noqon doonto sanadkan 2013-ka gudihiisa.”

Dhinaca kalena, madaxweynaha Somaliland  iyo weftigiisa waxa quraac sharaf ku soor-yeeyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo  ayaa Wasiirka Tamarta ee Turkiga uga xog waramay khayraadka ku dihin ee dalka iyo sida ay xukuumadiisu u soo dhaweynayso maal-gashadeyaasha caalamiga ah.

Wasiirka Macdanta, biyaha iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) ayaa saxaafada tafaasiil ka siiyay qodobadii Madaxweyne Siilaanyo u bandhigay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

 “Waxa noo suurto-galay inaanu u bandhignay  mashaariicda tamarta ah ee dalkeena ka socda,khaasatan shirkadda  Genel Energy ee Turkish-ka ahi  ka wado. Aad iyo aadna way ugu riyaaqeen  hawshaasi,”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu u soo bandhignay  fursadaha maal-gashiga  ee u banaan sharaa’iga Turkiga eek u hawlan mashaariicda koronto dhaliska oo dalkeenu daciif ku yahay. Markaa arrintaasna way soo dhaweeyeen oo waxay balan qaadeen inay sharaa’ig khaas ah oo qabta shaqada tamar dhalista ay dhakhso ugu   soo diri doonaan Somaliland si ay u soo indho indheeyaan wadanka.”

Geesta kalena, Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxay isla maanta kulan la yeesheen Masuuliyiinta Ha’yadda horumarinta u qaabilsan Turkiga, waxaanay ka wada hadleen dhinacyada horumarinta waxbarashadda, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha  Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxa kale u qorshaysan inay la kulmaan Raysal wasaaraha Turkiga Rajab Tayyib Ordugan oo isagu marti-qaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka soo gaadhay Magaaladda Ankara, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaaladda Istanbul, waxaana madaxweynaha loo dhigay darmada cas (ama rooga cas) oo lagu muuneeyay weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxa kale oo madaxweynaha  iyo weftigiisa ka soo galbiyay Gaadiidka khaaska u ah wufuuda caalamiga ah ee dalkaasi booqashada ku yimaadda.

Weftiga Madaxweynaha ee socdaalka ku jooga dalka Turkiga waxa ku weheliya Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, macdanta iyo Biyaha, waxbarashadda, dib u dejinta, Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya  iyo Marwadda koowaad ee Somaliland.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories