HomeDaawo:-Madaxweynse Siilaanyo Oo U Anbabaxay Dalka Kuwayt Oo Uu Martiqaad Rasmi ah...

Daawo:-Madaxweynse Siilaanyo Oo U Anbabaxay Dalka Kuwayt Oo Uu Martiqaad Rasmi ah Ka Helay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta u duulay Dalka Kuwait oo uu boqasho rasmiya ka helay Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo Madaxweynaha u soo diray diyaarad gaara isaga iyo weftigiisaba.

Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax ) oo saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada safarka maaxweynaha ee maanta waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Aad iyo aad baan idiin salaamayaa hadaad tihiin Warbaahinta kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibediisaba ku sugan waxaa sharaf weyn ii ah inaan idiin cadeeyo oo aan idiin sheego kana waramo in Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayaa ay maanta u anba-bixi doonaan Boqortooyada Kuwait.

booqashadaasi waxay ka danbaysay martiqaad rasmiya oo Madaxweynaha iyo waftigiisuba ay ka heleen Boqorka Dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo diyaarad gaara u soo diray maaxweynaha iyo weftigiisa si ay booqasho ugu yimaadaan boqortooyada Kuwit.

martiqaadkaasi iyo casuumadaasi rasmigaa ee Madaxweynuhu ka helay Boqortooyada Kuwait ayaa ujeedadiisu tahay insha allaah sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan iyo wadashaqayntii awalba ka dhaxaysay labada dal.

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehelinaaya Marwada Madaxweynaha Qaranka Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi, Maareeyaha Dekeda Caalamigaa ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) iyo Xoghayaha gaarkaa ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, Waxaanan rajaynayaa in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay nabadgelyo ku baxaan, hadii Alle yidhaahdana ay nabadqab inoogu soo inoqdaan, waxaa la filayaa booqashadaasi inay qaadato ilaa todobaad”

Ugu danbayna Afhayeenku waxa uu u mahadnaqay saxaafada dalku sida fiican ee ay u soo dhawaysay intii uu xilka afhayeenimo hayey iyo weliba sida ay marwalba ula shaqeeyaan Qaranka iyo Wararka ka soo baxa Qasriga Madaxtooyada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories