HomeDAAWO: Madaxweyne Siilaanyo oo laga talaalay Xannuunka DABAYSHA oo markii u horreysay...

DAAWO: Madaxweyne Siilaanyo oo laga talaalay Xannuunka DABAYSHA oo markii u horreysay carruur ilaa Cirroole laga Siman yahay qaadashada Dhibcaha lagaga hortago Faafistiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo Marwadiisa ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaatay dhibcihii u horreeyay ee Tallaalka dabaysha oo doorkan la siinayo dadka waaweyn iyo carruurtaba, ka dib markii sida la sheegay dalalka dariska lagu arkay dad waaweyn oo uu ku dhacay xanuunka dabayshu.

Tallaalkan ayaa Axadda Beri ka bilaabmi doona guud ahaan Somaliland oo dhan kaasi oo socon doona muddo 7 maalmood ah.

Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa markuu qaatay talaalkii lagaga hortegayey cudurka dabaysha u soo jeediyey bulshada reer Somaliland inay ka wada qeybqaataan inay qaataan talaalkan. “Talaalkan oo faa’iido u leh dadka iyo dalka aad ayey muhiim u tahay in la qaato, maadama uu caafimaadka dadka ahmiyad weyn u leh. Waxaan ku guubaabinayaa dadka uguna baaqayaa inay qaataan talaalkan. Waxaan ilaahay uga rajeynayaa inuu caafimaad inna wada siiyo, oo faa’iido iyo kheyr ka helo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Xaflad wasaarada Caafimaadku soo qabanqaabisay oo ku saabsanaa bilowga talaalka Dabaysha oo shalay ka dhacday hotel Maansoor oo ka qeybgaleen Madaxweyne-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Saylici, xubno ka tirsan golaha wasiirada, masuuliyiin ka socday hay’adaha la shaqeeya Caafimaadka iyo marti sharaf kale ayaa lagu sheegay in talaalkan maanta ka bilaabmaya dalka ee dabayshu yahay mid lagu talaalayo guud ahaan shacabka Somaliland yar iyo weynba.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay maanta farxad u tahay maadama aan weligii hore loo talaalin, halkaana uu ku qaatay talaalkii, “Anniga weligay la ima talaalin, hadii dadkii waaweynaa lagu daray waan soo dhoweynayaa.”

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa sheegay in maanta guud ahaan ka bilaabi doonto Somaliland talaalka cudurka Dabaysha oo saamaynaya qof weyn iyo qof yar-ba, si looga dabarjaro Somaliland. Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay inay ka qeybqaadan doonaan 1670 kooxood oo min laba qof ka kooban, socona doono 7 maalmood.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan C/lahi Saylici oo xafladaa soo xidhay ayaa bulshada Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fursadan talaalka lagu dabarjarayo cudurka dabaysha, si caafimaadka dadkeenu u wanaagsanaado. Masuuliyiin kala duwan oo ka socotay hay’adaha wada shaqeynta ay leeyahiin wasaaradda Caafimaadka, sida UNICEF, WHO oo fudueeyey helitaanka talaalkan, qaar ka tirsan culimaa’udiinka Somaliland, ururka dhakhaatiirta Somaliland ayaa dhamaantood ummada Somaliland ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan talaalka ka hortaga cudurka Dabaysha, caruur iyo ciroolena la qaato talaalka.

Talaalka Siilaanyo

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkan hoos ka daawo

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories