HomeDAAWO: Madaxwayne Siilanyo Oo la Kulmay Garaadada iyo qaybaha bulshada Laascanod

DAAWO: Madaxwayne Siilanyo Oo la Kulmay Garaadada iyo qaybaha bulshada Laascanod

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(Somalilandpost.net)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Oo Ku guda jira socdaalkiisi Tabantaabo ayaa Habeenimadii Xalay ku hoyday Magaalo madaxda Sool, waxaanu kulamo muhiima la yeeshay madax dhaqameedka gobolka, iyadoo ay wehelinayaan gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiin kala duwan.

isimada1

Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh gobolka sool ayaa lagaga wada wadlay arrimo la xidhiidha abaarta baaxsan ee ku habsatay gobolada bariga Somaliland iyo arrinta amniga guud ee gobolka, waxaana halkaasi ka hadlay madaxda Isimada dhaqameed iyagoo ku dheeraaday xaalada baahsan ee abaarta iyo nabadgelyada gobolka.

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisa “Waxan idinka mahadnaqayaa sida sharafta iyo qiimaha leh ee la noogu soo dhaweeyey gobolkan iyo magaaladan laascaanood, waxa aanu u soconaa in aanu xogogaal u noqono dalkayaga iyo dadkayaga wuxuu qabo in aanu ogaano ayaanu u soconaa, wararkiiniina waanu dhegaysanay aadna waanu u dhuuxnay waana ku cimro qaadanaynaa oo waxna aanu ku qaadanaynaa waana aanu qoranaynaa waana aanu ku talo gelaynaa, wixii aanu qaban karnana waanu qabanaynaa annagoo Alle talo saaranayna. Ilaahayna waxa aanu ka baryaynaa inuu abaaraha inaga jabiyo, nabadgelyadana inoo xoojiyo, dhibaatadana inaga korqaado, dalkana in badan waanu soo marnay in badana waanu mari doonaa. Waanad dhegeysateen masuuliyiintii xukuumadayda ee halkan ka hadlay gudoomiyaha xisbiguna uu ugu dambeeyey markaa dedaal ayey inoo tahay, wada shaqayn ayey inoo tahay in aynu meel uga soo wada jeesano danta qaranka iyo danta umada ayey, in aynu u adkaysano wixii dhib inagu yimaada ayey tahay in aynu meel uga soo wada jeesano Ilaahayna madar khayr qaba cirka haynaga siiyo”.

madaxwayne-1

Kulankan ayaa noqonaaya kulankii ugu horeeyey ee Madaxweyne Somaliland ka socda ama Soomaaliba Soo maray uu goor habeenimo ah gobolka Sool gudihiisa inta uu u hoydo uu shirar la qaato qoorweynta ay talada dadka iyo gobolku ka godo, waxaanu shirkaasi ku dhamaaday mid is afgarad iyo wada shaqayn muuxda oo ay u balameen labada dhinac sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen waa xukuumada iyo Isimada dhaqanka soole.

Madaxweynuhu waxa uu guddida Abaaraha ku wareejiyey deeqo kala duwan oo isugu jira raashin, Lacag Cadaan ah, Biyo, Dhar kala duwan iyo Caws ama Bal ay gobolada galbeedku ugu deeqeen walaalahooda abaartu haleeshay, deeqdaas oo ay ka gudoomeen guddida abaaraha heer qaran, gudida gobolak Sool ee abaaraha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories