HomeDAAWO: Ciidamada Ammaanka oo Xabsiga u Taxaabay Suxufiyiin Bannaan-bax Salmi kaga dhigay...

DAAWO: Ciidamada Ammaanka oo Xabsiga u Taxaabay Suxufiyiin Bannaan-bax Salmi kaga dhigay Cadaalad-darro lagula Kacay Mid ka mid ah Warbaahinta Dalka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Afar Wariye oo ka mid ahaa koox Suxufiyiin ah oo maanta sameeyay bannaan-bax salmi ah oo ay kaga cabanayeen caddaalad-darro Wargeyska Hubaal ka tirsaday xukuumadda, ka dib markii sida la sheegay la siidaayay nin u xidhnaa weerar sannadkan horaantiisii lagu qaaday xarunta Wargeyska ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagu dhaawacay Guddoomiyaha Hubaal Media Group.

Afarta Wariye oo ka kala tirsan hay’adaha Warbaahinta Madaxa-banaan ee ka hawl-gala Magaalada Hargeysa, ayaa lagu xidhay saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.

xadhiggaWariyayaasha oo hadda ku xidhan saldhiga dhexe, ayaa la diiday in eheladoodu ay u geeyaan Qadadii ama arkaan, iyada oo aan la garanayn sababta ciidamada amaanku sidaasi ugu cadaadinayaan.

Mudaharaadka salmiga ah ee Wariyayaasha loo xidhay, ayaa waxa soo abaabulay Wargeyska Hubaal oo gacan ka helaya ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo ururrada xuquuqal iinsaanka u dooda qaarkood.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Weriyeyaashan maanta la xidhay, ayaa tirada Suxufiyiinta Somaliland lagu xidhay intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay tan iyo 27 July 2010, ka dhigaysa tiro lagu qiyaasay ilaa 123 Wariye iyada oo intii ay Xukuumaddani jirtay markii ugu horreysay dil toos ah Kooxo hubaysani ku fuliyeen magaalada Laascaanood Weriye ka tirsanaa Telefishanka xaruntiisu tahay magaalada London ee Universal.

Weerarka lagu qaaday Wargeyska Hubaal Bishii Afraad ee Sannadkan, ayaa waxa fuliyey Laba Nin oo ka tirsanaa Booliska Somaliland kuwaas oo wakhti habeennimo ah iyaga oo hubaysan Xarunta Wargeyska ugu galay Maamulka iyo Shaqaalaha, isla markaana halkaa dhaawac ugu geystay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo ay Gacan ka jabiyeen, waxaanay shaqaalaha Xaruntaasi ku guulaysteen inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah labada nin ee weerarka fuliyey isla makaana ay gacanta u geliyeen Ciidamada Booliska, kaasoo xidhnaa ilaa wakhtigaas balse sabab la’aan ay Xukuumaddu ku sii daysay iyada oo aan kiiskiisa wax Maxkamad ah loo gudbin.

Xukuumaddu dhawr bilood ka hor ayay Xayiraad ay ku soo rogtay Wargeyska Hubaal ka qaadday, ka dib waanwaan iyo wadahadal ka dambeeyey Xadhig iyo Ganaax ay kula kaceen Maareeyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Hubaal Xasan Keefkeef iyo Maxamed Caloolay, ka dib markii uu Wargeysku muddo saddex bilood ku dhaw xayirnaa.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo xilligii ay mucaaradka ahaayeen ku faani-jiray inay u dabran yihiin ilaalinta Xuquuqda Suxufiga iyo Xorriyadda Saxaafadda, ayaa wakhtigan u muuqata inay u badheedhay cabudhinta saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka oo iyadu  madaxweyne Siilaanyo halgan kula soo gashay Hanashada hoggaanka dalka.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories