HomeDAAWO: Badheedhaha Daahir Rayaale iyo Cali Waran-cadde oo Isu-jawaabay (Anigaa burburiyey UDUB)

DAAWO: Badheedhaha Daahir Rayaale iyo Cali Waran-cadde oo Isu-jawaabay (Anigaa burburiyey UDUB)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

warancadeHargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo maanta socdaal ku yimi magaalada dalka, kaddib markii uu ka yimi magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa, ayaa burburkii ku yimi Xisbigii UDUB ee uu hoggaaminayey masuuliyaddiisa dusha ka saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, Cali Maxamed Waran-cadde oo uu ku eedeeyey inuu burburiyey Xisbigii UDUB.

Cali Warancadde oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu cad-cadayd Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo xisbiga UDUB, ayaa xilligaas la wareegay hoggaaminta talada Xisbiga, kaddib markii uu sheegay inuu isu-taagayo Murashax madaxweyne oo Xisbiga UDUB. Haseyeeshee, Cali Waran-cadde, ayaa gacantiisa ku burburiyey Xisbigaas kaddib markii khilaaf laba garab u qeybiyey soo kala dhex-galay siyaasiyiintii iyo Taageerayaashii Xisbiga, sidaasna uu ku bur-buray Xisbigaasi.

Cali Waran-cadde oo markii loo dhiibay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Siilaanyo kaddib warbaahinta wax ka weydiisay sababtii keentay burburkii xisbigii UDUB, waxa uu ku faanay inuu shakhsi ahaan gacantiisa ku burburisay xisbiga, isagoo ku dooday in sababta uu sidaas u sameeyey ahayd badbaadada qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Haddaba, Daahir Rayaale Kaahin oo maanta la hadlayey war-fidiyeennada, waxa uu Cali Waran-cadde ku tilmaamay siyaasi hankiisu aanu dhaafsisanayn Derejo Wasiir, isaga oo taas uga jeeday inuu Xilka wasiirnimo ee uu hayo ku beddeshay jiritaanka Xisbigii ugu horreeyey ee Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, waxa uu raalli-gelin siiyey Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo murashaxa madaxweyne ku-xigeenka Cabdirashiid Cali Mataan oo xilligaas u soo bandhigay Daahir Rayaale iyo bahweyntii UDUB in lagu wareejiyo murashaxnimada iyo hoggaanka Xisbiga.

Haddaba, waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa, Cali Waran-cadde oo ku faanaya inuu gacantiisa ku burburiyey Xisbigii UDUB iyo Dhaliisha Madaxweyne Daahir Rayaale maanta u jeediyey.

HALKAN KA DAAWO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories