Home - Agaasimihii Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada (Cismaan Awr-Liqe) oo Iis...

[DAAWO] – Agaasimihii Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada (Cismaan Awr-Liqe) oo Iis casilay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimihii xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Cismaan Cabdi Cismaan (Cismaan Awr-Liqe) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay wasaaraddaas.

Cismaan Awr-Liqe oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay  magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ugu dhawaaqay inuu iska Casilay Xilkii uu hayay, isaga oo aan caddayn sababta wakhtigan ku soo beegtay inuu iskaga tago xilkii uu dawladda ka hayey, in kasta oo uu ballan-qaaday inuu wakhti kale faahfaahin ka bixin doono sababta Iscasilaaddiisa.

Cismaan Awr-Liqe oo waraaqda Iscasilaaddiisa u gudbiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, ayaa la ogeyn in la aqbalay is-casilaaddiisa.

Nuqulka warqadda iscasilaaddiisa oo uu u gudbiyey wasaaradda Madaxtooyada, ayaa u dhignayd sidan:

WASAARADDA MADAXTOOYADDA

Xafiiska siyaasadda xidhiidhka Golayaasha iyo Dadwaynaha .

waaxda xidhiidhka Dadwaynaha (Puclic Relation Office)

Ku:Wasiirka Madaxtooyada  Jamhuuriyad Somaliland

Og: Madxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland

Og: Dhamaan saxaafada madaxa Banaan

Ujeedo: Codsi shaqo ka tagis

Mudane Wasiir aniga oo aad kuugu mahad naqaya mudadii aynu wada shaqaynaynay,waxaan go,aansaday in laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 19/02/2013 aan joojiyey kana tagay shaqadii aan ka hayey madaxtooyada oo ahayd madaxa xafiiska madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha .

Sababaha aan uga tagay dib ayaan ka soo sheegidoona mar ay ku haboontahay .

FG: Waxaa jira Baabuur aan wato oo uu ku xidhan yahay Numberka gaadiidka dawladda oo ah GT 1217, kaas oo aan lacagtiisa lawada bixin, anigoo gacantana ku hayn doono ilaa lacagtiisa la bixinayo,  maxaa yeelay tu aan anigu leeyahay ayaa ku jirta .

Agaasimaha xafiiska Xidhiidhka dadwaynaha .

Cismaan Cabdi Cismaan .

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories