HomeDaacadnimadu Waa Saldhigga Guusha - W/Q: Axmed Iid Aadan

Daacadnimadu Waa Saldhigga Guusha – W/Q: Axmed Iid Aadan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa nin oday ah. Waxa uu ku nool yahay mid ka mid ah dalalka Aasiya. Waxa uu muddo dheer oo gaadhayso 30 sannadood u shaqaynayey xafiis booseed oo ku yaalla magaalada uu deggan yahay. Imika waa hawlgab, hase yeesho ee waxa caado u ahayd, imikana u ah, in uu maqaallo qoro oo uu mid ka mid ah tifaftirayaasha wargeys uu akhristo u gudbiyo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ninkan odayga ahi u baahday qalimaan uu wax ku qoro. Dabadeed inan (wiil) uu dhalay oo maalmahaa shaqo helay ayuu u sheegay in uu laba qalin u soo iibiyo marka uu shaqada ka soo baxo ee uu guriga ku soo socdo. Inankii ayaa aabbihii u keenay qalimaan ka badan intii loo diray, waxana dhex maray hadalladan:

Odaygii oo faraxsan ayaa inankii weydiiyey, “Maxaad waxan oo qalimaan ah u soo iibisay, laba keliya ayaan u baahnaaye?” Inankii oo degganaani ka muuqato isla markaasna dhoolla-caddaynaya ayaa yidhi, “Maan soo iibin ee waxay ka mid ahaayeen alaab-xafiiseed badan oo la ii keenay. Alaabtaas oo haddii aan si walba u adeegsado sannadka oo dhan aanan badhkeedna dhammayn karayn.”

Halkaa markii uu hadalku marayey odaygii wejigiisii waa uu isbeddelay, farxaddiina waa ay ka tagtay, waxanu isaga oo magaciisii ku dhawaaqaya inankii si toos ah ugu sheegay:

-Ma qaadanayo alaabtan maaddaama ay tahay qayb ka mid ah hantidii xafiiskaaga. Waxa loogu tala-galay in aad hawlaha xafiiska u adeegsato oo keliya. Fadlan ku celi halkii aad ka soo qaadday!

-Ma waxay kula tahay in aan khalad sameeyey ama aan alaabta soo xaday?

-Haa waa sidaa. Sida aanay arrintaa hore sax u ahayn ayaanay weydiintaadan dambena sax u ahayn!

Inankii waxa uu si dhab ah u gartay wixii uu aabbihii u sheegayey. Waxa uu aabbihii uga tegay talooyin badan oo fiican oo arrimaha nolosha wax uga taray intii uu noolaa oo dhan. Laakiin dhacdadaa isaga iyo aabbihii maalintaa dhexmartay mar kasta oo uu soo xasuusto waa uu murugoodaa. Markii uu alaabtii xafiiskii ku celiyey isaga oo doonaya isla maalmahaas in uu fuliyo dalabkii aabbihii ee soo-iibinta qalimaanta ahaa ayuu aabbihii dhintay.

Ninkaa odayga ahi, sida sheekada ka muuqata, waxa uu ahaa nin fiican oo daacad ah, wiilkiisiina daacadnimo baray. Daacadnimadu waa wax aad iyo aad u qiima badan oo dadnimada qofka wax weyn ku kordhisa, la’aanteedna uu qofka qiima weyni ka maqnaanayo. Dadkeennu waxa ay rumaysan yihiin in aanu qofka daacadda ahi marnaba wanaag waayeyn. Doodda caynkaas ah waxa xoojin karta maahmaahda ah “Daacadi ma hungowdo”.

Dhanka kalena daacadnimadu waxay ka mid tahay sifooyinka wanwanaagsan ee in uu qofku arrimaha nolosha ku guulaysto suurta-gelin kara. Qof aan daacadnimo ku sifoobini malaha guul ma haybsan karo, haddii uu haybsadona guushaasi waa kumeelgaadh! Murti qalaad ayuu macnaheedu ahaa “Daacadnimadu waa cutubka ugu horreeya ee dhiganaha (buugga) murtida”.

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories