HomeDaabacaaddii Labbaad ee Buugga HAL AAN TEBAYEY ee Baal-taariikheedkii Iyo Gabayadii Xaaji...

Daabacaaddii Labbaad ee Buugga HAL AAN TEBAYEY ee Baal-taariikheedkii Iyo Gabayadii Xaaji Aadan Afqalooc oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay.

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Hargaysa(SLpost)-Xaflad balaadhan oo lagu soo bandhigayey daabacadda labaad ee buugga “Hal aan tebayey” (Baal-taariikheedkii iyo gabayadii Xaaji Aadan Afqalooc)  oo uu qoray qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan ayaan xalay ka qabsoontay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 

Xafladda oo ay soo qabanqaabiyeen ururka qoreyaasha Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay dhallinyar aad u tiro badan, salaadiin, xildhibaanno, hal-abuur iyo suugaanyahan waawayn iyo hal-abuur kale oo da’ yar u badnaa.

 

Sidoo kale waxa ka soo qayb galay wasiiru dawlaha wasaaradda Macdanta, musharraxa madaxweyne ee xisbiga UCID iyo Xildhibaan Rayte oo ka socday Waddani.

 

Buugga “Hal aan tebayey” oo lagu ururiyey sooyaalkii qadhaadhka iyo macaanka lahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc, waxqabadyadiisii nololeed ee waafiga ahayd iyo awoodda iyo kartida uu u lahaa maamulka, samirka, adkaysiga, go’aan qaadashada, ku dhaca iyo geesinimada ayaa waxa qoray oo isku dubbariday qoraaga wayn ee Maxamed Baashe Xaaji Xasan. Buuggan oo hore loo daabacay ayaa mar kale uu soo saaray Qoraagu Daabiciddii labaad sannadkan, taas oo ahayd kolkii ugu horraysay ee Hargeysa lagu soo bandhigo.

 

Yuusuf Cismaan Cabdille Shaacir oo ka warramay sooyaalkii Xaajiga ayaa sidoo kale akhriyey qaar ka mid ah gabayadiisii. Waxa uu tilmaamay Abwaan Yuusuf in waayihii barigaa uu ka hadlayey Abwaanku Ilaa hadda in badan oo ka mid ahi taagantahay, sababtuna buu yidhi “Cajaladdeenna oo halkeedii taagan, oo aynaan horumar samayn”. Prof. Xujaale ayaa isna waxyar oo kooban ka taabtay kol uu arkay sanadkii 1977kii Xaaji Aadan iyo dardaaran uu siiyey.

 

Axmed Colaad Digaale oo ku magac dheer “Qorane” ayaa goobta ku luuqeeyay gabayga “Aar Gaboobay” oo ka mid ah gabayada dardaaranka ah ee Abwaan Aadan Af-qallooc leeyahay. Xuseen Nuur Axmed oo ay kulmeen intii uu noolaa Xaajigu ayaa isna tixo ka mid ah kuwii xaajiga akhriyey kana warramay shakhsiyaddii Alle ha u naxariistee Xaajiga.

 

Kol haddii suugaan iyo sooyaal laga hadlayey, cidda u badan ee intifaacsan doontaana tahay Jiilka da’yarta ah, waxa eray khuseeya goobta ka tidhi Dr. Saynab Cabdillaahi walaaleeye oo iftiimisay muhiimadda sooyaalka iyo suugaanta Xaajigu u leedahay da’ yarta.  Sidoo kale Sacdiya Muuse oo ka tirsan bahda Somali Pen ayaa ka xog warrantay muhiimadda ilaalinta Afka iyo doorka qoraalku ku leeyahay.

 

Jamaal Cali Xuseen, musharraxa madaxweyne ee xisbiga UCID ayaa ka warramay aqoonta ay isku leeyihiin qoraaga buugga iyo in uu ka warhayey soo bixiddii buugga ee daabiciddii hore. Jamaal waxa uu ku hambalyeeyay qoraaga buugga dedaalka uu wado.

hal aan tabayey j

Waxa isaguna madasha ka hadlay Xil. Rayte oo sheegay in xisbiga Waddani 25 buug qaateen so ay u dhiirigaliyaan qoraalka iyo waliba si looga faa’iidaysto shakhsiyadda Xaaji Aadan AHN.

 

Ugu dambayn waxa madasha soo xidhay wasiiru dawlaha macdanta iyo tamarka Maxamed Faarax oo ka sheekeeyay sida uu muhiim u yahay in wax laga barto noloshii iyo taariikhdii Xaaji Aadan Afqalooc, waxana uu  xidhitaankii barnaamijka ku dhawaaqay ka xukuumad iyo Kulmiye ahaanba in ay qaateen 100 buug oo ah ‘Hal aan tebayey’ daabiciddiisa labaad.

hal aan tabayey t

Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen dad shan boqol oo qof ku dhow ayaa ahayd mid ay martidu xiisaynayeen taas oo aan loo kala kicin jeer ay ka dhammaatay. Bandhiggan ayaa ah kii ugu horreeyay ee buuggan ah daabacadda labaad ee ‘Hal aan tabeyay” loogu sameeyo dalka gudihiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories