HomeCusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo Adeegyadiisa la gaadhsiinayo Heerarka Caalamka

Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo Adeegyadiisa la gaadhsiinayo Heerarka Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa noqdo Cusbitaal caalami ah oo la mid ah kuwa dunida horumartay ka jira adeeg ahaan iyo tayo ahaan.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey furitaanka Mashaariic dhismayaal ah oo lagu kordhiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo Laba Baabuur oo Ambalaas ah oo ay Hay’adda Health Poverty Action oo arrimaha caafimaadka Somaliland kala shaqaysaa ugu deeqday Wasaaradda, iyadoo dhismayaashaasna Hay’addu samaysay dhismahaas oo shalay xadhigga uu Wasiirku ka jaray. Waxaanu Wasiirku labadaa Gaadhi ku wareejiyey Cusbitaalka guud ee Hareysa oo uu sheegay inay rabaan inuu noqdo Cusbitaal caalami ah.

wasiir-Xaglo-toosiyeKulanka lagu furayey Dhismayaasha lagu kordhiyey Cusbitaalka iyo laguna guddoomayey labada Gaadhi ee Ambalaaska ah, waxa Wasiirka ka hor ka hadlay Agaasimaha Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Ambalaasyada iyo Dhismayaasha ay Hay’adda Health Poverty Action ugu deeqday Cusbitaalka oo uu sheegay inay wax badan ka qaban doonaan adeegyada caafimaad ee Cusbitaalka iyo sidii Hooyooyinka iyo dhallaanka loo soo gaadhsiin lahaa Cusbitaalka.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Masuuliyiin ka socday Hay’adda arrimaha wax-ka-qabashada iyo horumarinta Caafimaadka kala shaqaysa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Health  Poverty Action, kuwaasoo sheegay inay Baabuurtan Ambalaasyada ah ugu talo-galeen in loogu gargaaro Hooyooyinka Ummulaya ee loo baahan yahay in si deg-deg ah loo soo gaadhsiiyo Cusbitaalka iyo u adeegidda dhallaanka xanuunsanaya.

Gebo-gabadii Kulankaas waxaa Dhismayaashaa xadhigga ka jaray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo labadaa Baabuur-na ku wareejiyey Agaasinka Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isagoo halkaa uga mahad-celiyey Hay’adda hawshaa ka caawisay.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa cid kasta oo ka qayb-qaadatay hirgelinta qaybaha kala geddisan ee aynu maanta furayno, waxaan aad ugu mahad-naqayaa Hay’adda HPA oo hirgelisay Dhismahan, isla markaana ku deeqday laba Ambalaas oo muhiim ah oo runtii wax wayn ka tari doona, soona gudbin doona Ummulaha iyo Hooyooyinka dhalaya ee deg-deg in Cusbitaalka loo soo gaadhsiiyo ay tahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan-Xaglo-toosiye oo ka hadlayey heerka dhinaca horumarka ee ay la rabaan inuu gaadho Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Waxa naga go’an Cusbitaalkani inuu noqdo Cusbitaal caalami ah, waxa naga go’an Cusbitaalkani inuu daboolo dhammaanba adeegyada caafimaad ee dadkeennu dibedaha ay u tagaan, ama kharash badani uu kaga soo baxo meelo fog-fog-na ay u tagaan.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories