HomeCusbitaalka Dhimirka ee Sahan oo tartan-ciyaareed dhiiri-gelin ah u Qabtay Dadka ku...

Cusbitaalka Dhimirka ee Sahan oo tartan-ciyaareed dhiiri-gelin ah u Qabtay Dadka ku jira iyo Masuuliyiin ka Qayb-galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Tartan Kubadda cagta ah oo dhiiri-gelin ah ayaa loo qabtay lix Kooxood oo laga soo xulay Dadka dhimirka ka xannuunsanaya ee ku jira Xarunta Dhaqan-celinta iyo daaweynta Sahan ee Magaalada Hargeysa.

blankTartankan oo ka dhacay Garoonka jimicsiga iyo kubbada cagta ee ku yaalla X, ayey Kooxaha ka qaybgalay ku soo bandhigeen ciyaar-wanaag heer sare ah, taasoo soo jiidatay dadkii daawanayey oo ay kamid ahaayeen masuuliyiin ka tirsan laamaha dawladda, maamulka iyo howlwadeenada Cisbitaalkaasi.

Munaasibad xarunta Cisbitaalka loogu qabtay gebagebadii tartankan ayaa waxa abaal-marinno lagu guddoonsiiyey kooxihii ku guulaystay kaalmaha hore tartankaasi, waxaana xafladaasi ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Maamulka Cisbitaalka Sahan iyo marti-sharaf kale oo isugu jiray masuuliyiin dawladdeed iyo haldoorka bulshada.

blankGuddoomiyaha Xarunta Sahan Bashiir Maxamed Jaamac oo ugu horayn munaasibada ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada ay tartankan ugu qabteen dadka daryeelka caafimaad ugu jira Cisbitaalka, isagoo tilmaamay talaabo dhiiri-gelin iyo caafimaadin looga gol leeyahay.

“Ujeeddada tartan-ciyaareedkan laga leeyahay waa in ay marka hore dhiiri-gelin noqoto, waxa kale oo loogu talogalay in kor loogu qaado dadka ku jira xaruntan, si ay ula mid noqdaan dadka kale ee ku ciyaara kubbada Magaalada. Maskax ahaan ayaa lagu kobcinaya, caqli ahaan ayaa lagu kobcinayaa, caafimaad ahaan ayaa lagu kobcinayaa oo dhamaantayo sidaasaanu u kobcaynaa,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Bashiir.

Cisbitaalka Sahan ka sekow daaweynta iyo daryeelka nololeed, waxa uu dadka dhimirka ka xanuunsanaya ee ku jira u fidiyaa xirfado gacmeed ay ku shaqaystaan marka ay caafimaadaan, iyadoo sanad walba ka soo baxaan dad aqoon iyo daryeel caafimaad loogu fidiyey, waxaanu guddoomiyaha Cisbitaalkaasi sheegay isagoo ka hadlayey waxyaabaha kale ee bukaanka loo fidiyo.

“Xirfado badan ayaa halkan ka jira oo dadka la baraa, waxa kamida dhaqan-celintii, Jimicsigii Jidhka, farsamadii gacanta ayaa lagu baraa dadka, waxa kale oo jirta macalin ayaa loo qabtay oo xagga diinta, Salaada iyo xagga cibaadadda ka caawiya, sidaas darteed ciyaartanina waxay ka mid tahay waxyaabaha kor loogu qaadayo Dadkaas”, ayuu yidhi Bashiir Maxamed Jaamac.

blankAgaasimihii hore Cisbitaalka Dhimirka ee Hargeysa Mustafe Xuseen, Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka musuqmaasuqa Liibaan Ismaaciil Buraale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruur oo munaasibadaasi hadallo ka jeediyey, ayaa si isku mida u bogaadiyey hindisaha maamulka Cisbitaalku kor ugu qaadayo hab-nololeedka iyo caafimaadka dadka halkaasi ugu jira daryeelka caafimaad.

“Waa wax lagu farxo dadkii xannuunsanayey oo maanta kubbad ciyaaraya, dedaalka halkaa ka sii wada waxaan jecelahay inaad ka qaybgashaan Ciyaaraha gobollada iyo degmooyinka”ayuu yidhi Mustafe Xuseen oo ah agaasimihii hore ee Cisbitaalka xannuunada Maskaxda ee Hargeysa oo sidoo kale ah khabiir takhasuus u leh dhaqan-celinta Dadka ka bukooda Maskaxda, wakhti dheerna maamulayey Cisbitaalka guud ee Hargeysa qaybta qaabilsan dhimirka.

blankGuddoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud, ayaa isna Wasaaradda Ciyaaraha u jeediyey in ay qorshaha tartamada Ciyaaraha ka qaybgeliso Kooxaha ka soo baxay Cisbitaalka Sahan, waxaanu si gaar ah u dalbay in tartan u gaar ah loogu qabto garoonka Kubadda cagta ee Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdilaahi Siciid oo gebagebadii ka hadlay munaasibada xidhitaanka tartan-ciyaareedkan loo qabtay dadka ku jira Cisbitaalka Dhimirka ee Sahan, ayaa isna dhankiisa bogaadiyey tacabka kala duwan ee la geliyey dadka Cisbitaalkan ku jira, waxaanu tilmaamay “Ciyaarta kubbadu waxay kamid tahay Daawada ay qaadanayaan ee loogu talogalay in qofku uu ka helo caafimaad jimicsigaa uu samaynayo iyo Orodkaasi. runtii aadbaan ugu bogaadinayaa maamulka Cisbitaalkan Sahan in ay qayb ka noqoto Kubbadu waxyaabaha halkan lagu barto”ayuu yidhi Agaasimuhu.

blankAgaasime Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu balanqaaday in ay wada-shaqayn dhow la yeellan doonaan xarunta Sahan, kana caawin doonaan waxyaabaha la xidhiidha daryeelka maskaxeed ee dadka ay gacanta ku hayaan. “Xarunta Sahan waxaanu ka caawin doonaa wixii farsamo ah ee ay nooga baahdaan,” ayuu yidhi Agaasimuhu, isagoo intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aanu balan qaadaynaa in maalintaad u soo diyaar garowdaan aanu idiin banayno garoonka Kubbada cagta ee Hargeysa ee weyn, iyadoo garsooreyaashii iyo wixii kale ee shaqaale ahba la idiin balamin doono”.

blankAgaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa gebagebadii xaflada isaga iyo masuuliyiinta kale abaal-marino kala duwan guddoonsiiyeen Kooxdii ku guulaysatay tartankaasi oo la siiyey Koob iyo agab kale oo iyo kooxdii kaalinta labaad gashay oo iyagana la abaal-mariyey.

blank blank blank blank blank blank blank

 

DAAWO MUUQAALKA WARKAN

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories