HomeCuryaankii Kibraaniga Ahaa! - W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Curyaankii Kibraaniga Ahaa! – W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

daacadWaa maalintii labaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan,dadkuna waxay hadda uu si tartiib-tariib ah ula soo qabsanayaan hab-nololeedka cusub ee soonka,badidoodna waxay la riyaaqsan yihiin wakhtiga wanaagsan ee ILAAHAY  ugu beegay bishan ka soocan 11-ka bilood ee sanadka.dad badan oo soomani waxay ku han-weyn yihiin inuu Eebbe waafajiyo khayraadka iyo danbi-dhaafka ku duugan bishan Ramadaan,isla markaana uu ku beego sanaddo kale oo kan ay maanta joogan la mid ah,kana fursad iyo jaanis wanaagsan.

An-na waxaan ka mid ahaa uun dadkaas nasiibka u yeeshay inuu ILAAHAY ku simo bishan barakaysan ee Ramadaan.ka dib maalin Jimce ah oo iyana khayrkeedda lahayd waxa lasoo gaadhay xiliyaddii  loo diyaar-garoobayay Afurka.waxaan tagay Hudheel laga cunteeyo oo u dhawaa goobtaydda shaqo.wakhtigu wuu isa-sii gurayaa,qofkastaana waxa uu hore kasoo diyaarsadday Afurkiisii.dadka goobta ku sugani habab kala duwan ayay u wada socdaan.qaar baa koox koox u socda,qaarbaa labo labo u socda,qaar-na waaba kali kali sida aniga oo kale. Waxa aad ay dadku uga dhawr sanayaan hadladda deelqaafka ah iyo kuwa aan macnaha lahayn ee ay dadku kuwada sheekaystaan. Weedhaha goobtan cunto dhex-qaadayaa waa weedho iskugu jira wax-tusid iyo wax-sheegid. Ruux kastaaba waxa uu aad ugu dedaalayaa inuu Walaaladiisa kale la wadaago waxii uu Cilmi iyo Caqliba isl-leeyahay waad ku dhaantaa,si ugu yaraan ay Ajar iyo Xasanaad ugu kordhaan.waxa laysla wadaagayaa casharo badan oo ku saabsan waxay Diinteena suubani ka tidhi Muhiimadda Soonka iyo kaalinta uu kaga jiro  tiirarka lagama maarmaanka u ah Diinta Islaamka.dadka loo faa’iidaynayaana si dhugasho dheer ah ayay u dhegaysanayaan.qaar kalena waxay ku mashquulsan yihiin Duco iyo Alle-barri ay ILAAHAY u bandhiganayaan inuu baahiyahooda Aduunyo iyo Aakhiraba ka kaalmeeyo,isla markaana uu waxii ay danbi iyo deel-qaaf hore u gaysteen ka dhaafo,kuna suggo dariiqa toosan ee ay ku helayaan raali-ahaansha ILAAHAY.

Waxa intaas dheer  buuq iyo sawaxan madasha hadheeyay oo ku aadan dalabaadka cunto ee dadka Hudheelka kusoo qul-qulaya,waxaana dadka hudheelka ka shaqanaya haya Mashquul xoogan,iyaga oo si weyn iskaga xil-saaraya kala-horidda Macmiisha iyo raali-galintooddaba.

Dhinaca kalena,waxa hadda Afka lagu hayaa Eedaankii Saladda Maqrib,oo ruux kasta oo Maanta oo dhan Af-xidhnaa uu si weyn ugu dhegtaagayo.

Hadda waxa dhegaha  si toos ah ugu soo dhacaya dhawaqa Eedaanka,waxaana gabi-ahaanba is-bedelay jawigii goobta cunnto,qofkastaana waxa uu si farxad iyo waji-furnaani ku jirto u cunayaa Afurkiisii.

Waxa mid ka mid ah Al-baabadda Hudheelka kasoo galay Nin da’ahaan ilaa 50 Jir,una muuqaal eekaa Dadka Etobiyanka ah ee dalka sida aan qiyaasta lahayn ugu soo qul-qula.waxa uu soo dul-istaagay miis ay dad farabadani wax ku cunayeen isaga oo dadka weydiisanaya cunto uu cunno.balse waxa Isha ku dhuftay oo arkay Mulkiilihii Hudheelka,waxaana uu si deg deg uga saaray Hudheelkii,isaga oo u sheegay inuu yimaado markay dadku wax cunaan ka dib.

Markii uu ninkii Hudheelka lahaa kasoo laabtay dibadda,ayaa waxa uu Al-baab dhexe oo Hudheelku lahaa ku arkay Nin Kale oo  Ethopian ah,isla markaana curyaan ah oo dhulka yaala,waxaana uu ka dalbaday inuu Al-baabka dhinac uga turko  si aanay dadku markay soo baxayaan u jiidhin.maadaama ay goobtu tahay meel aad mashquul  u ah.balse hadalkii ayaa ka degi-waayay Ninkii Curyaanka ahaa,waxaana uu bilaabayo hadalo hanjabaad iyo af-lagaado iskugu jira,isaga oo dalbaday in laga soo badalo Cunatadda oo qof kale oo Macmiil ah ka jiidhay isaga oo dulmaraya.

Dadkii ayaaba arintii soo wada jiidatay,waxaanay u qaadan waayeen Xaalka uu Ninkani ku sugan yahay iyo sida uu u dhaqmayo oo ay u arkayeen labo aad u kala fog.

Waa laga yeelay dalabkiisii ahaa in Cuntadda laga soo badalo,isla markaana tu kale loo keeno.balse nasiib-darro muu joojin caydii iyo weedhihii qalafsanaa ee k u hadlayay.

“waar kani muu waalaanyahay…? Waar dalkay hadda inala yeesheenba. Waxii laga yeeli ahaa ayaa loo baahan yahay”. Waxay ahaayeen hadalo ay ku tiraabayeen dad badan oo madasha ku sugnaa oo uu u quudh-quudhsami waayay hab-dhaqanka gurcan ee Ninkan Curyaanka ah,isla markaana Ajaanibka ahi kula dhaqmayo Dadka Muwaadiniinta ah.waxii horeba sahal bay ahaayeen Ninkii hadana waxa uu dalbaday in loo soo celiyo Lacagtiisii,isaga oo Cuntdiina haysta.intaas wuu qaylinayaa oo wuu caytamayaa,dadkiina way la dhakafaar sanyihiin.

Ninka Mulkiilaha Hudheelka ah oo u muuqday Nin Dulqaad badan,ayaa hadana ka yeelay dalabkiisii,waxaana uu ninkii Maqalhayaha ahaa uga soo qaaday Lacagtii.Ninkii Curyaankaa ahaa markii uu Lacagtii jeebkiisa ku hubsaday  waxa uu si ay Kibraanimo ka muuqato u daadiyay Cuntadii  la rabay in laga celiyo,maadaama uu Lacagtii qaatay.

Ka sokow maamulkii Hudheelka,dadkii meesha joogay ayaa si weyn uga cadhooday falkaas,waxaanay qaarkood inyar kaga sikteen inay gacmaha saaraan.balse ninka waxan samaaynaya oo gabi-giisuba dhul-yaal ah awgeed candhuuftoodii ayay dib-u-liqeen.madashiina waxa laga dareeray iyada oo dadkii koox koox ugu sheekaysanayaan dhacdooyin kuwan la mid ah iyo qaar kasii fajac badan oo ay goobjoog u aahaayeen,isla markaana ay ku kaceen dadka dalka kaga soo qamaamay Dalka Ethopia ee Somaliland la deriska ah.

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Address; Daacad461@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories