HomeCuqaasha, Odayaasha iyo Wax-garadka beesha Ciise Muuse Bari oo Qaaddacay qabsoomidda Shirka...

Cuqaasha, Odayaasha iyo Wax-garadka beesha Ciise Muuse Bari oo Qaaddacay qabsoomidda Shirka Dubur, sababo awgood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ciise Muuse Bari

Hargeysa (SLpost)- Cuqaasha, Odayaasha iyo Wax-garadka Beesha Ciise Muuse Bari ayaa ku gacan-saydhay qabsoomidda shirka beesha u qoondaysan dhammaadka bishan, iyada oo isla markaana taageeray war-murtiyeed ay Cuqaasha iyo Odayaasha beesha Ciise Muuse Galbeed Shalay ka soo saareen magaalada Hargeysa kaas oo ay ku dedafaynayeen qabsoomidda Shirkaas.

Ciise Muuse Bari (4)

War-murtiyeed ay galabta soo saareen wax-garadka iyo odayaasha beeshu, waxay ku sababeeyeen joojinta shirka ka dib markii sida ay sheegeen ay arkeen in aanay beeshu u dhammayn go’aanka qabsoomida shirka. Waxaanay xukuumadda iyo cidkasta oo ay khusayso ugu baaqeen inaan magaca beesha cid aan loo dhammayni ku meteli karin.

Ciise Muuse Bari (2)

War-murtiyeedka ay beeshu ka soo saartay Go’aanka ku aaddan shirkan ayaa u dhignaa sidan:

 “Ka dib markii aanu galnay shirar lagu lafo-gurayay shirkii lagu baaqay ee Ciise Muuse ee lagu qaban lahaa Dubur ee degmada Sheekh ee Muddadiisa dib loo dhigay.

Mar labaad, waxaanu isla aragnay isla garanayna in shirka sidii lagu waday ka baaqsaday noqdayna shir aan qorshihii beeshu ugu talo-gashay waafaqsanayn, taasna ay nala aragtay beesha Ciise Muuse Galbeed, baaqna ay ka soo saareen, anaguna aanu baaqaa ku taageersanahay.

Hadaba, sababahaas dartood, waxaanu go’aansannay inaanu shirkaas joojinno markaanu aragnay inaan laysku waafaqsanyn. Cuqaasha, Odayaasha iyo wax-garadka beesha Ciise Muuse ay isku raacsan yihiin joojinta shirkaas.

Haddaba, waxaanu xukuumadda Somaliland u sheegaynaa inay qaadato go’aanka ka soo baxay cuqaasha iyo odayaasha beesha Ciise Muuse.

Waxaanu u sheegaynaa xukuumadda iyo cidaha ay khusaysaba inaan magaca beesha nin aan la igmani ku hadli karin, sidaasina ay waafaqsan tahay nabadgelyada, sharciga dhaqanka iyo ka Qaranka-ba.”

Xubnaha baaqa soo saaray ee Beesha Ciise Muuse Bari

  1. Chief-Caaqil Cumar Jaamac X. Cilmi
  2. Chief-Caaqil Cabdi Maxamed Siciid
  3. Chief-Caaqil Maxamed Kaahin Cawaale
  4. Chief-Caaqil Maxamed Cabdi Faarax
  5. Guddoomiyaha Awal Bari Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan
  6. Chief-Caaqil Axmed Ibraahim Il-bir
  7. Caaqil Sugaal Cabdilaahi Cajab
  8. Caaqil Cabdi Xirsi Dhuux-yare
  9. Caaqil Cali Yaasiin Maxamed
  10. Chief-Caaqil Xasan Shaqale Maxamuud
  11. Caaqil Cabdilaahi Cali Ismaaciil
  12. Caaqil Yuusuf Mire Cawaale
  13. Oday Jaamac Cabdi Ubaxle
  14. Caaqil Nuur Siciid Allaale
  15. Oday Axmed Maxamed Faarax
  16. Oday Sidiiq Axmed Galiixe
  17. Oday Keyse Cismaan Saleebaan
  18. Oday Axmed Cabdilaahi Maxamed
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories