HomeCuqaasha Buuhoodle Oo Cali Khaliif Ku Canbaareeyay Inuu Weeraray Dad Rayid Ah

Cuqaasha Buuhoodle Oo Cali Khaliif Ku Canbaareeyay Inuu Weeraray Dad Rayid Ah

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Buuhoodle(Slpost)-Cuqaasha iyo Odayaasha Gobolka Buuhoodle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa cambaareeyey falkii waxashnimada ahaa ee ay maleeshiyada Cali Khaliifmaalintii jimcahiiku xasuuqeen dad reer Guuraa ah oo ku sugnaa Deegaanka Carro-weyn oo isla gobolkaasi ah

Cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle oo tacsi u diray eheladii dadkii falkaa waxyeeladu ka soo gaadhay ayaa sidoo kale dhibaatadii halkaa ka dhacday dusha ka saaray Dagaal oogaha nabad diidka ee Cali khaliifoo hore uga tirsanaan jiray Baarlamaanka dalka aynu jaarka anahay ee Somaliya, mudooyinkii u dambeeyeyna hawlo xasilooni darro ka hurinayey meelo ka mid ah Gobolkaasi Buuhoodle

Chief Caaqil Maxamed Xaaji Axmed Aadan Xaad oo shir jaraa’idkaas ka hadlay ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii falkaa wax ku noqday, halka sidoo kalena uu cambaareeyey falkaa oo uu ku sheegay mid uu ka dambeeyey Cali khaliif galaydhwaxana hadaladiisii ka mid ahaa: ‘sida aad la socotaan waxa Tuulada Carro-weyn ka dhacay fal aad u xun oo aan lagu talogelin oo dadka deegaanku nadiif ka yihiin, sida la ogyahay dhibka halkaa ka dhacay waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya oo anaguna ku ognahay Cali khaliif galaydh’

Intaa ka bacdinaCaaqil Cali Dahable ayaa faahfaahin iyo caddaymo ku soo bandhigay shir jaraa’idkaasi kuwaasoo muujinaya sida uu dagaal ooge Cali khaliif u soo qorsheeyey weerarkaa maato-dooxa ah, waxana hadaladii caaqilka ka mid ahaa: ‘deegaanka Carro-weyn waxaa ka dhacay weerar duhur cad lagu qaaday dad aan waxba galabsan, waxana uu ahaa weerar qorshaysan oo raagay oo xilli hore la damacsanaa, weerarkaasi waxa uu dabo joogay oo lagu duminayey oo loola dan lahaa heshiiskii beeluhu ku gaadheen tuulada Coodanle dhowr bilood ka hor, sidoo kale weerarkaasi waxa uu u dan lahaa odayaashii reer Buuhoodle ee maalintii dhoweyd nabadda ku baaqay, waxana la fuliyey anaga oo dadka isu soo guuray ee is dhex degan wadajirkooda ka shaqaynayna‘

Caaqilka oo hadalkiisa sii wata ayaa falkaasi dusha ka saaray Cali Khaliif Galaydhwaxana uu yidhi“waxaanu cambaaraynaynaa dadkii ka dambeeyey weerarkaasi oo uusoo abaabulay Cali khaliif Galaydh, waana werar loola dan lahaa madax dhaqameedka, waxgaradka, nin garboodka iyo cid kasta oo nabadda ka shaqaynaysa, waxana aan mar labaadcaddaynayaa in Cali khaliif weerarkaa soo abaabulay oo fuliyey, waxaana caddaymo u ah hadalkiisii uu warbaahinta ka sheegay ee uu ku baaqayey inuu colaad maato doox ah ridayo’

 Caaqil Ismaaciil Cabdilaahi Xaaji Cumar Camey ayaa isna dhankiisa cambaareeyey falkaasi kuna baaqay in dhinac looga soo wada jeesto dadka caadaystay waxyeelaynta amniga iyo xasiloonida deegaanka, colaadana kala dhex dhigaya dadka isku oodda ah.’

Caaqil Saleebaan faarax dhuuhe oo halkaa ka hadlay ayaa ugu baaqay Dagaal ooge Cali Khaliif inuu Buuhoodle dhibta ka daayo, waxana uu yidhi sidan: ‘Cali Khaliif Buuhoodle ma laha waa nin reer Sool ah,tolkii waxa uu joogaa Laascaanood iyo kalabaydh,hadii aanu dhibka dadka ka daynaynha laqabto Gobolkiisa,Ilaahay haduu nabad ka doonayana yaanu Buuhoodle nagaga soo noqon,halkana anagaa leh dhib kama ogolin, waxyeelada deriska ma aqbalayno’.

Shir jaraa’idkaasi waxaa kaloo ka hadlay Cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Caaqil Maxamed Ismaaciil Gurux iyo Ganacsade Cabdicasiis Garaad Soofekuwaas oo dhammaantood cambaareeyey Falkaasi dadka lagu laayey iyo Dagaal ooge Cali khaliif oo ay ku caddeeyeen inuu ka dambeeyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories