HomeCuqaal, Guurti, Culimaa’u-diin, Aqoonyahan iyo Wagaradka Degmada Ceel-Afweyn Oo Jawaabo Kulul Ka...

Cuqaal, Guurti, Culimaa’u-diin, Aqoonyahan iyo Wagaradka Degmada Ceel-Afweyn Oo Jawaabo Kulul Ka Bixiyey Hadallo Warbaahinta Qaarkeed Lagu Qoray

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Ceerigaabo (SLpost)- Cuqaal, Guurti, Culimaa’u-diin, Aqoonyahan, iyo Wagarad tiro badan oo kazoo jeeda degaanka Degmada Ceel-Afweyn ayaa iyagoo halkaas ku sugan Waxay si kulul uga jawaabeen hadallo warbaahnta qaarkeed soo bandhigtay oo qaar ka mid ah madax-dhaqameedka degaankaasi ku sheegeen in ay degaannadaas ka jirto xaalad nabadgelyo xumo oo qarka u saran dagaal sokeeye oo dhex mara qaar ka mid ah beelaha degaannadaas ku dhaqan. Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqeen in degaankaasi yahay carri nabdoon cd hubka isu guranaysaana aanay jirin iyagoo taliyaha qaybta boliiska gobolka Sanaag (Xasan Ismaaciil “Gacmayare) isagana ku ammaanay sida uu uga hawlgalay shaqaaqooyin dhowaan dhexmaray qaar ka mid ah beelaha degaankaas.

Sidoo kale, waxa uu waxba kama jiraan ku sheegeen eedo la xidhiidha musuqmaasuq wax-is-daba-marin iyo qabyaaad oo madax-dhaqameedkaasi warbaahinta u mariyeen madaxa hay’ad (DRC) halkaas ka hawl gasha iyo guddi degaankaas ah oo wada-shaqayn hay’addan ka dhexayso.

“Waxannu Leenahay Ceel-afweyn manta maalin ay ka wanaagsan tahay xagga nabadgelyada iyo horumarka kale toonna majirto wayaabahaas Halbeeg lagu qorayna waxba kama jiraan Labada oday ee ka hadlayna Abokor Xasan Dhunkaal iyo Maxamuud Nuux waxannu leenahay oo horena qaabka horumarka degmada wax baa looga tirnayeye waa inay ka waantoobaan arrimaha dhaleecaynta iyo khal-khalgelinta degmada Annagu Abokor Xasan Dhunkaal Sagaal bilood degmada ma iman Burco iyo Hargeysa buu wax ka qorqorayaa”. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Caaqil-Xuseen Digaale. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Waannu kaloo leenahay hay’adda ay sheegayaan (DRC) Waa hooyada Ceel-afweyn guud ahaanna bulshadu waa ku kalsoon tahay waxqabadkeeduna degaanka waa ka muuqdaan”. “Arrinta dil dhowaan degaan degmadan ah ka dhacayna waayeel iyo xidhibaanno iyo waxgarad kaleba waa la isu tegey taliyaha qaybta boliiskuna si weyn buu uga hawlgalay labadii beeloodna waa ka ballansan yihiin muddadiina weli ma dhammaan wax dhibaato oo ka taagan iyo cid hub isu urursanaysa toonnin ma jirto”. Isagoo ka hadlaya arrinta guddida hay’addan wada-shaqaynta la lehna wuu yidhi Guddida aan ka midka ahayna annaga waxa keliya oo aannu ka shaqaynaa waa nabadgelyada hay’adduna nama abuurine maammukii kan jira ka horreeyey baannu la shaqaynayney welina sidii baannu ula shaqaynaa waannuna isugu jirnaa cuqaal, culimaa’u-diin, boliis, garsoor, dhallinyaro, iyo aqoonyahan, meel kastoo dhibaato ka jirtona ilaa aannu maammulka la socodsiinno kama hawlgalno hay’addanina wada-shaqayn wanaagsan baa naga dhexaysa waannuna isku tiirsan nahay”.

Caaqil-Ismaaciill Aadan Cabdi kana mid ah guddida xallinta khilaafaadka degmdaas ayaa isagoo si gaar ah xukuumadda Somaliland ku ammaanay waqabadka dhinacyada nabadgelyada iyo horumarinta ay ka mid yihiin hay’ado degaankaas ka hawlgala oo DRC ka mid tahay waxa hadalladiisii kale ka mid ahaa “Waayeelkayaga halkan fadhinaa waxannu nahay dad isku dhaf ah oo raba wanaagga degmadan wax kastoo xumaanteeda ahna waannu diiddan nahay wax dhibaato iyo khilaaf nabadgelyo xumo toonnina kama jirto”.

PIC_1030Sheikh-Isaxaaq Sheikh-Jaamac Warsame Guddoomiyaha Awqaafta Degmada Ceel-afweyn ayaa isaguna wuxu yidhi “Waxannu nahay 20 oday Hadalka labada caaqil jaraa’idka ku qoreen iyo hadalka ah waa la is dilayaa waxannu leenahay waxaas annagu ma hayno wax is dilaya iyo wax qoryo isu sita iyo wax kala qaxaya toonnina ma jiraan hay’adihii dawladdaana u qaybsan oo gacanta ku haya oo xataa haddeer taliyihii qaybtu xaggan hoose kazoo galay”. “ Anigu si badan baan u war hayaa DRC haddii aanay degmadan joogin dad badan baa lumi lahaa caddaaladdeedana waxa kaaga filan 15-ka jiidood ee raashinka loo qaybiyo 4 jiidood bay qolada Sacad Yoonis leeyihiin inta kalena annagaa leh 400 beerood oo biyo leh oo wax la siiyona hal mid bay ku leeyihiin markaa sidee caddaalad darro aannu ugaga caban karnaa waayeelkaasna (Abokor yo Maxamuud) waxannu leenahay horaannu degmada wax ugaga tirinayneye ha ka waantoobeen wayaabahaas cid kastana waannu soo dhowaynaynaa xukuumaddana mucaarid kuma nihn annagu”.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Caaqil-Aadan Jaamac faarax Caaqil-Cismaan Ducaale Xasan Wakiil Caaqil-Yaasiin Cabdi cabdulle Oday Jaamac Warsame Cabdi Aqoonyahan Yuusuf Xasan Cumar iyo Aqoonyahan Axmed Mursal Askar Kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah sheegeen in ay ka xun yihiin waxyaabaha warbaahinta lagu qoray ayna waxba kama jiraan yihiin wax cabsi nabadgelyo xumo iyo colaad toonnina aanay degaankaas ka jirin sidoo kalena waxay dhalliileen madax-dhaqameedyada warbaahinta wax ku qoray iyagoo hay’addan DRC-na meesha ka saaray inay ku kacdo musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin toonna.

Cabdilaahi Xuseen Darwiish/Ceerigaabo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories