HomeCuntooyinka Shiilan Iyo Hilibka Xoolaha ee Solayga Ahi Waxa Ay Qofka Ku...

Cuntooyinka Shiilan Iyo Hilibka Xoolaha ee Solayga Ahi Waxa Ay Qofka Ku Keeni Karaan Wadne Xanuun

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in dadka jecel cunitaanka cuntooyinka shiilan iyo hilibka solayga ah oo ay ku cabbaan sharaab macaan in ay boqolkiiba 56 khatar u yihiin in uu ku dhaco wadne xanuun iyo guud ahaan cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga.

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Circulation oo ay soo saartay jimciyadda Maraykanka ee caafimaadka wadnaha ayaa la waday muddo lix sano ah oo tijaabooyin kala duwan lagu sameeyey dad ka badan 17 kun oo qof oo da’doodu ka weyn tahay 45 sano jir. Waxa aanay ku soo gabagabootay natiijada ah in dadka aad u cuna cuntooyinka ay ka mid yihiin, digaagga shiilan, tamaandhada akhtarka ah, baradhada shiilan, hilibka xoolaha, gaar ahaan marka uu solayga la qallajiyey yahay ay dadka kale ee dhiggooda ah ee aan cuntooyinkan cunin uga dhow yihiin wadne xanuunka iyo cudurrada la xidhiidha.

Cuntooyinka caafimaad ahaan fiican ee ay daraasaddu ku talisayna waxaa ka mid ah, khudradda cagaaran, cuntada galka leh (Midhaha ah, sida galleyda, digirta iwm), caanaha, kalluunka iyo digaaggu marka aanu shiilnayn.

Wadne xanuunnku waa sababta dhimasho ee ugu badan dunida maanta. Waxaana jirta qaylo dhaan la xidhiidha wadne xanuunka oo ay in badan khubaradu ka digayaan in dib looga fikiro noocyada cunto ee aynu cunno si looga badbaado cudurkan khatarta ah. Cuntooyinka ay sida adag uga digaanna waxaa ugu horreeya hilibka xoolaha.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories