HomeCuntooyin u Wanaagsan Caafimaadka iyo Quruxda Maqaarka Bani’aadamka

Cuntooyin u Wanaagsan Caafimaadka iyo Quruxda Maqaarka Bani’aadamka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Inta badan haweenku waxay hanti badan ku bixiyaan sidii maqaarkoodu u noqon lahaa mid qurxoon oo soo jiidasho leh, balse waxa u fududayn kara cuntooyinka dabiiciga ah qaar ka mid ah haddii ay cunaan.

 

Cuntooyinkan oo ay ku badan yihiin faytamiinno, macdan iyo nafaqo oo ka caawin kara qofka in maqaarkiisu haddii dhaawac ku dhaco uu si degdeg ah u bogsado, muuqaal ahaanna noqdo mid soo jiidasho leh, coodh coodhkuna ku yar yahay.

Warbixin caafimaad oo lagu daabacay mareegta Healthista, isla markaana uu qoray khabiir nafaqada ku takhasusay oo la yidhaa Rik Hay, ayaa bedka soo dhigtay sababaha cuntooyinka khudaarta ah qaarkood u fiican yihiin, gaar ahaan ugu fiican yihiin maqaarka, waxaanna ka mid ah;

 

Xab-xabka

Sida warbixinta lagu sheegay, xab-xabka waxa aad ugu badan faytamiin C oo caawiya booratiinka la yidhaa Kolajiin (Collagen) oo maqaarka u qaabilsan inuu ka soo kabto amma ka bogsado dhaawacyada gudaha iyo kuwa dibadeedba.

 

Sidoo kale, xab-xabka waxa ku jira maadooyinka Karotenod laycobiin (Carotenoid Lycopene) oo maqaarka ka caawiya in dhiiggu soo gaadho si uu u noqdo mid ifaya oo muuqaal ahaan qurux badan, waxaannu xabxabku u fiican yahay dhiigga wareejiya iyo kelyaha qofka sida lagu fitiimiyey cilmi-baadhis lagu daabacay jariirada Nutrition la yidhaa waxa uu caawiya hab-dhiska difaaca cudurrada ee bani’aadamka si aanay ugu dhicin cudurro badan, iyadoo ay fiican tahay in qofku toddobaadkii laba amma saddex koob oo xab-xab ah shiito amma sidiisa ku cuno.

 

Rummaanka

Rummaanka (Pomegranate) waxa uu ka kooban yahay aysiidh la yidhaa Allajik Aysidh (Allagic acid) iyo maadada loo yaqaan Bunikalagin (Punicalagin) oo laf ahaantoodu booratiinka Kolajin (collagen) ka caawiya inuu ka hortago waxyaabaha jidhka dhaawaca u geysanaya amma haddii gudaha maqaarku dhaawac noqdo.

Daraasad lagu daabacay jariirada la ydihaa caafimaadka ka faalloota oo la yidhaa (Evidence-Based Complementary and Alternative Medicine Journal), ayaa lagu ogaaday in rummaanku dawo u yahay maqaarka oo uu ka difaaco in dhaawacyo fudud soo gaadhaan, hadday soo gaadhaana uu u saamaxo in si degdeg ah maqaarku u soo kabto amma u bogsado.

 

Sidoo kale, waxa rummaanka aad ugu badan faytamiin C, booratiino iyo macdano u fiican maqaarku inuu ka bogsado dhaawacyada soo gaadha.

Geesta kale, rummaanka oo uu ku badan yahay isha (Fibre) waxa ay keentaa in hab-dhiska dheefshiidka cuntadu si fiican u shaqeeyo, beerkana wuxuu u saamaxaa inuu jidhka ka saaro dhammaan wixii sun ah. Waxa kaloo jira khudaar iyo cuntooyin badan oo aan qormo kaliya lagu soo koobi karin oo faa’iido u leh maqaarka qofka.

 

Saliidda la yidhaa Olif (Olive Oil) ama saliid saytuun

Saliiddan oo inta badan laga miiro geed ka baxa dalalka dhaca badweynta Mediterranean balse adduunka meel kasta gaadha waxa ku badan maado la yidhaa Omega-3n-fatty Acid, taasoo faa’iido u leh in ay timaha soo saarto, maqaarkana ka ilaaliso dhaawacyda, cidiyaha qofka nafaqo siisa, sidoo kalena dhiigga gaadhsiisa maqaarka si uu u helo qoyaan ka ilaaliya qalaylka ku keeni kara in maqaarka qofku dildilaaco.

 

Saliidan waa mid duxdeedu keento in mqaarku aannu yeelan cuncun iyo finan keeni kara in maqaarku bukoodo. Geedka saliiddan laga sameeyo (Olive fruit) ee saytuunka waxa uu ka kooban yahay maado la yidhaa fenolik (Phenolic) oo ay ku sii jiraan maadooyinka la yidhaa Oliropiin (Oleuropein) amma Oleekantal (Oleocanthal) oo ka mid ah ugu fiican ee difaaca maqaarka qofka.

Cilmi-baadhis ay samaysay Jaamacadda Deakin University, gaar ahaan kulliyadeeda nafaqada ayaa soo saartay in saliidan maqaarka ka ilaaliso cuncunka iyo xannuuno badan oo kale in ay ku dhacaan.

 

Sidoo kale, dadka quuta waxa ay iska difacaan xannuunada halista ah ee ay ka midka yihiin dhiig karka, faaliga iyo wadno-xannuun qofka soo asiibo. Waa saliid cuntada lagu darsado, lana marsado.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories