HomeCunto-Kariyihii Ka Fekaday Xabsiga Mandheera

Cunto-Kariyihii Ka Fekaday Xabsiga Mandheera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankMudane, Douglas Basil Hall markii uu la wareegay maamulka xukunka talada dalka British Protectorate of Somaliland, taariikhdu markay ahayd 11 July 1959 illaa iyo 26 June 1960.

Wakhtigaas oo ay socotay dabaylihii xornimo doonka ay ku raadinayeen dalalkii ay guumeysanayeen wadamadii reer Yurub, wakhtigaas waxa jray cunto-kariye ka fakaday xabsiga mandheera, oo ahaa nin aamin ah, lagana dheehan karayey karti, hufnaan, firfircooni iyo deganaansho badan, kaasoo markii danbena shaqo ka hellay  xafiiska cunto karinta Qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Ingiriiska.

Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo gudanaaya hawl-maalmeedkiisii shaqo, waxa looga yeedhay xafiiskii ugu sareeyey ee uu fadhiyey Mudane. Douglas,  markii uu soo galay xafiiskaas waxa uu arkay cunto-kariyihii, mudane, Douglas oo taagan oo wajigiisa ay ka muuqato waji adag oo haddana dabacsanaa, waxaanu ku yidhi Douglas:- fadlan soo fadhiiso, isla markaana, waxa uu weydiiyey, waa maxay sababta keentay dhawaanahan in ay cuntadu wakhtigeedii ka daahdo iyo waxa sababay in dhadhanka cuntada is bedesho labadii todobaad ee ugu danbeeyey?.

Cunto kariyihii waxa uu ugu jawaabay,”- Meertada Nolosha Aadamuhu waxay soo martaa afar-nollolood oo lababa ay isku eeg yihiin hab-nololeedkoodu, waana  Nolosha uurka iyo Nolosha iilka (Barsakha), halka labada nololood ee kalena ay yihiin, Nolosha ifka iyo Nolosha ugu danbeysa ee Janada iyo Cadaabta , laakiinse, waxaan kale oo aan soo arkay laba nololood oo kale oo u eeg mid ka mid ah labadaa nololood ee ugu danbeeya, Labadaa nololood oo ah Cusbitaalada lagu daweeyo dadka caadeysta danbiyada (Xabsiyada) iyo Cusbitaalada kale ee lagu dabiibo dadka jiran ee Bukaan jiifka ah, labadaa nololood ee aan soo arkay xusuusashadoodu waxay igu reebeen raad igu keenay  xannuunka loo yaqaano Maqanaha-jooga.

Waxaan cunto kariye u ahaa xabsi ay ku jireen kumanaan kun oo maxaabiis ah, waxaan arkay kuwo caafimaad qabay markii xabsiga la keenay oo uu ku dhacay xannuunka afka-qalaad loogu yeedho, Post traumatic stress disorders (PTSD), kuwo maskaxda ka jiran, kuwo kale oo qaba cudurada la kala qaado iyo kuwo badan oo caafimaad qaba oo kuwada jira makhsin kaliyaata, marka ay hadlaana waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin wax loogu yeedho Jidh-diid, waxaana lagu abaal mariyaa ciqaab lagu ogolaysiinaayo qofkii qabay cudurkaas ee garab jiifay, waxaana ku dhaca xannuunada shakiga ee afka-qalaad loogu yeedho, “ Pathophobia, Mysophobi, ” .

Isagoo hadalkiisii wata waxa uu yidhi cunto-kariyihii,”  Marka aanu u qaybinayno cuntada maxaabiistaasi iyo marka ay xaajo qabatadaba waxay u gali jireen kayuu-dheer.

Mudane, Douglas, waxa uu yidhi:- kayuuyaa?

Waxa uu ugu jawaabay Cunto-kariyihii, iskaba daaba taasoo, markay ay afka galiyaan cuntadadaas way  tufi jireen, sababtoo ah waxa ka buuxay cuntadaas saxar iyo ciid.

Mudane, Douglas  ayaa mar-labaad yidhi:- Ciiddaa?

Waxa uu ugu jawaabay Cunto-kariyihii, iska daaba taasoo, marka mid ka mid ah maxaabiistaas ku timaado xaalad caafimaad daro ee loo geeyo dhakhtarka ku qoran goobtaas,  waxa uu yidhaahdaa ma kanbaa xannuunsanaya, ka dibna, laag ayuu ku dhuftaa, bukaankii oo dhagaha nabaya ayaa toos u gala makhsinkii laga soo saaray.

Mudane, Douglas Basil Hall  ayaa haddana yidhi:- Laaggaa ?

Waxa uu ugu jawaabay cunto kariyihii, iska daaba taasoo, marka mid ka mid ah maxaabiistaas ku timaado geeridu ee ay u soo galaan askartu, isla markiiba katiinad ayey ku xidhaan qofkii dhintay ee maydka ahaa.

Mudane, Douglas Basil Hall  ayaa haddana yidhi:- Katiinaddaa? waa in aan sameeyaa hayada kormeerka iyo  Illaalinta Xuquuqda Maxaabiista, iyo Hayada Kormeerka iyo Illaalinta Xquuqda Dadka Jiran, isla maalintii uu qorsheystay in uu la qadeeyo maxaabiista ku jirta xabsiyada, illeyn waa riyo-beenoo markaas uun baan soo baraarugay.

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

Hargeysa/ Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories