HomeCUMAR XASAN ROORAAYE: Fannaankii Ka Gudbay Xannibaaddii Kacaanka Iyo Xayiraaddii Idaacadda Dawladda -...

CUMAR XASAN ROORAAYE: Fannaankii Ka Gudbay Xannibaaddii Kacaanka Iyo Xayiraaddii Idaacadda Dawladda – Qormada 1aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa 22kii bishii Abriil  2023, oo maalintu ku beegnayd  Sabti,  waxa lagu jiray maalintii labaad ee Ciiddul Fidriga,  badiba sheekooyinka bulshada dhexdeeda marka laga yimaad warka iyo waayaha dunida waxaa  hadal-hayntu u badnayd faallada bishii barakaysnayd ee Ramadaan, qaybaha warbaahintana waxa aad uga socday salaamaha iyo hambalyada ciidda.

Heeso ku saabsan munaasabaddan oo maqalkoodu xusuus iyo waqti hore ku hor keenayaan ayaana meelo badan ka baxaayey.  Hase ahaatee   casarkii dheeraa ammin ku siman ilaa 4:00 Pm  war xumi dugsi ma fadhiyee

Waxaa  baraha bulshada  ku soo dhacay, dhambaal naxdin leh waa Geerida AHN Cumar Xasan Rooraaye,  oo kamid ahaa Heesaagii ugu magaca weynaa Fankii xariirta ahaa  ee  Afsoomaaliga,  wuxuu kamid ahaa xubnihii Magacoodu ka  dhex ifey Masrixiyadihii  sida weyn looga daba dhacay,  oo sheekooyinkooda iyo qisooyinkii ay xambaarsanaayeen,  intii usoo joogtay ilaa haatan ay ka sheekeeyaan.

Waxaa xus iyo xusuus iga mudan markii iigu horeysay ee aan indhaha saaro AHN Cumar-Rooraaye, waa sanadkii 1980kii iyo Magaaladii Garoowe, waxaanay wadeen Riwaayadii XORIYO.

Dhacdada  xiisaha gaarka ah lahayd waa Xaflad qado sharaf ah oo  madaxdii iyo masuuliyiintii Gobolka Nugaal ay u sameeyeen Hoboladii Waaberi ee Riwaayadaasi waday. Oo ka dhacday xaruntii Dalxiiska ee Garoowe.

Inkastoo da’ ahaan aan aad u yaraa, balse jawiga xafladaas sida  xaalkeedu ahaa iyo wejiyada akhyaarta madashaasi ku kulantay wax aan aad uga bogtay    Sawiro xusuus ah oo maalintaasi laga qaaday Fanaaniintaasi.

sawiradaas oo korjado dhan ka koobnaa waxay ooli jireen Gurigayaga inkastoo aanu dhowr Magaalo  u kala guurnay,  waxay soo gaadheen ilaa 1985kii.oo aanu deganayn Muqdisho.

Waxaan marar badan usoo joogay iyadoo la faalaynaayo  oo magacyadooda la sheegayo dadka sawiradaas ku jiray, oo ay  kamid ahaayeen

Badhasaabkii Gobolka Nugaal AHN Axmed Maxamed Isaaq (Karakuus), Maayarkii Garoowe Cali Xaashi Baraale, Taliyihii Qaybta Booliska AHN Maxamed Cige, Taliyihii Nssta AHN Yuusuf Saleebaan, Taliyihii Guutada 28aad AHN Xasan Yoonis Habane, waxa kale oo kamid ahaa Jaamac Cali Xasan (Gaashaan-cade), oo aan   filayo inuu yahay masuulka keliya ee ka nool dhamaanba madaxdii Heer Gobol iyo degmo.

Sawiradaas waxaa kale oo ku dhamaa  Hobolada Waaberi  oo Ud-bahoodii iyo dhigahoodiiba u dhan yihiin, gaar ahaan intii waday Riwaayadaasi XORRIYO. Oo tiradoodu marka laysku wada daro  ilaa ragga   muusika tumaya, dhowr iyo labaatan qof ka koobnayd, balse maanta ay ka Nool yihiin Saalax Qaasin, Seynab Cige iyo Qamar C/laahi Harawo.

Waxaa kale oo xusid mudan in Sawiradaasi lagu kala saaray dhowr qof oo ku murmay AHN Maxamuud C/laahi  (Singub) oo ahaa Abwaanka Riwaayada,  dad badanina  u haysteen iyagoo Naanaystiisa tixraacaya inuu  Sankiisu Madow yahay. Waayahaasna waxaa isimkiisu caan ku ahaa (Sangub) Hase ahaatee murankaas waxaa soo afjaray Sawirada laga qaaday.

Markaan dib ugu laabto Waayahii faneed ee AHN Cumar Xasan Rooraaye,  wuxuu  kasoo bilaabmayay horaantii Sanadihii Lixdamaadkii.

Waayahaasna Fanaanku wuxuu ku cada  Macalin si dhab ah uga turjuma dareenka Shacabka, marka laga yimaado culumada diintana waxay ahaayeen cida 2aad ee waanadooda iyo wargelintooda     umadu yar iyo weyn dhegeysato .

Geediga dheer ee Fanka AHN Cumar-Rooraaye iyo ragii ay isku waqtiga ahaayeen wuxuu kasoo bilowday,  heerka uu  taagnaa  wacyigii  siyaasadeed ee sanadihii Lixdanaadkii sida uu ahaa, iyo aragtida ay kala qabeen shacabka iyo Xubnihii siyaasiyiinta ahaa, waxaana tusaale cad inooga filan Riwaayad waayahaasi la soo bandhigay oo uu aktarka koowaad ka  ahaa heesaha ku jirayna ay ka mid ahaayeen.

W/Q: Cali-Mahad Yuusuf

La Soco Qaybta 2aad…….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories