HomeCumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku geeriyooday + Taariikh-nololeedkii Marxuumka

Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku geeriyooday + Taariikh-nololeedkii Marxuumka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee, waxa cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa maanta ku geeriyooday Siyaasi Cumar Carte Qaalib oo ka mid ahaa siyaasiyi magac iyo Saamayn ku dhex leh Bulshada Soomaalida iyo Caalamkaba.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad xannuun u jiifay cusbitaal Hargeysa ku yaalla, isagoo da’diisu tahay 90-jir.

Madaxda Soomaalida oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cumar Carte Qaalib.

Taariikh nololeedkii Marxuumka.

Marxuum Cumar Carte qaalib oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu magaca dheeraa ee soo maray Soomaalida.

Saameynta uu siyaasadda ku lahaa waxay kasoo billaabatay xilligii uu gumeystaha heystay Somaliland, wuxuuna kaalmo muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii jiray ilaa burburkii Soomaaliya kaddib.

Cumar wuxuu sanadkii 1930-kii ku dhashay magaalada Hargeysa. Waxbarashadiisa aasaasiga ah wuxuu ku qaatay isla haegeysa, markii uu waxbarashadiisa sare kusoo qaatay waddanka UK kaddibna wuxuu muddo dheer macallin ka ahaa dugsiyada dalkiisa hooyo.

blankMarkii ay Somaliland xorriyadda ka qaadaneysay gumeystayaasha wuxuu ku jiray siyaasiyiintii ugu firfircoonaa waddanka.

Dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayuu sanadkii 1969-kii ka noqday wasiirkii Arrimaha Dibadda.

Bishii January ee 1991-kiina isla Siyaad Barre ayaa u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Xilkaas ayaa mar kale loo cusbooneysiiyay markii la aasaasay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed, isagoo Ra’iisul Wasaare ahaa ilaa sanadkii 1993-kii.

 

blank
Cumar Carte Qaalib xilligii uu ahaa Safiirka Ethiopia

Cumar Carte waxa uu muddo dheer ahaa Safiirkii Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Danjire Cabdullaahi Axmed Adan Congo, oo qunsulka Itoobiya ahaa markii uu safiirka ahaa Cumar Carte, ayaa BBC-da u sheegay in marxuumka uu shaqooyin badan usoo qabtay qaranka Soomaaliya.

“Cumar wuxuu ahaa nin ku dhaggan waddaniyaddiisa iyo muslimnimadiisa labadaba, wuxuuna ahaa ninka qudha ee laga yaabo qaddiyadda Soomaaliyeed u diyaar ah isagoo laga yaabo in lagu toogto, oo aan ka baqanin,” ayuu yidhi Danjire Cabdullaahi Congo.

Sidoo kale, wuxuu sharraxayaa sida uu u wajahay boqrkii Itoobiya, xilligii uu safiirka ahaa.

“Waa kii aan la shaqeynayay ee aan qunsulka ugu ahaa Itoobiya, wuxuu Cumar u babac dhigay dowladda Itoobiya isagoo kaligii ah. Waa ninka qudha ee diiday inuu u sujuudo Xeyla Salaase. Marka uu Danjire walba qaabilayo waa inuu saddex jeer u sujuudaa oo markaasna uu dib u noqdo, laakiin isagu wuxuu yidhi, ‘taasi ma dhaceyso, anigu Alle waxaan ahayn u sujuudi maayo’, sidaasoo kale ayuu qaddiyadda Soomaalidana ugu adkaa.”

Sida uu Cabdullaahi Congo sheegay, Cumar Carte Qaalib wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa gobolka markii uu Waqooyiga Soomaaliya heystay gumeystihii Ingiriiska.

blank
Raysalwaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte

“Markii Waddanka la isku daray wuxuu noqday safiirka Addis Ababa, muddo dheer ayuu ahaa safiirka, kaddibna wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ka noqday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, xilkaasna muddo dheer ayuu hayay. Markii dambe ee ay Soomaalida kala daadatayna waa kii ka dhoofay waddanka.”

Hase yeeshee inta uusan dibadda aadin ka hor waxa uu xil siyaasadeed uga tartamay dhinaca Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, sida uu sheegayo Cabdullaahi Congo.

“Burburkii kaddib inta uusan waddanka ka dhoofin wuxuu isu sharraxay madaxweynenimada Somaliland, laakiin waxaa ka helay ina Cigaal, intaas kaddibna wuxuu iska tagay Sacuudiga.”

Sida uu danjira BBC-da u sheegay, waxyaabihii ugu waaweynaa ee lagu xasuusan jiray Cumar Carte Qaalib waxaa ka mid ah inuu aftahan ahaa, dalalka Carabtuna ay si weyn u qaddarin jireen.

Wuxuu door muhiim ah ka qaatay dadaalkii ay Soomaaliya ugu biirtay Ururka Jaamacadda Carabta.

Magaalada Hargeysa ayaa Khamiista lagu aasi doonaa Cumar Carte, sida uu sheegay  afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories