HomeCulimaynta Caammadu Waa Gumaynta Garashada – W/Q: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxamed (Beder).

Culimaynta Caammadu Waa Gumaynta Garashada – W/Q: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxamed (Beder).

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

jjjHaddaad maqli jirtay odhaah caan baxday oo ahayd “Duul culimo qastay” maanta waxa si wayn u beddeshay “Duul caamo qastay”.

Hore iyo haddeer ba soomaalidu dadka diinta aqoonta fiican u leh ee wax laga waydiiyo arrimaha Islaamka waxa ay u taqaannay una taqaannaa culimo.

Halka cidda aan aqoonta diintu u bilownaynna ay u yaqaannaan caammo.

Waa eray bixin tolmoon oo toosan haddii xuduuddeeda laysla aqoonsan karo.

Qof kasta oo aan diinta aqoon u llahayni marka miqyaaskaas lagu milaadiyo waa caammo aan diinta waxba laga waydiin karin, inuu ka hadlaana ay ka dhigan tahay qof garashadiisa gummaynaya maadaama oo uu ka hadlayo wax aan garashadiisa iyo aqoontiisa ahayn.

Xataa hadduu aqoon kale si qoto dheer u yaqaanno, shahaadooyin sare ku haysto, ha ahaatee aanu diinta aqoon ku filan u lahayn waa shakhsi ku isman caammonimo marka baabka diinta la taagan yahay.

Odhaahda duul culimo qastay, waxa ay ahayd tiraab ka soo yeedhay shakhsi caammo ah, oo fahmi kari waayey masalooyin ka sarreeyey garashadiisa, ka dibna ku wareeray, isla markaasna sameeyey fal uu garashadiisa caammonimo keenay, jeerkii la warsaday waxa sidan ku kelifayna ku jawaabay “waxaannu nahay duul culimo qastay”

Maanta caammo badan ayaa qalinka qaadatay, waa qalinlay takhasusaad kale bartay, ha ahaatee masalooyinka diineed ee ay ka hadlayaan marka loo eego heerka aqooneed ee dhab ahaan ay leeyihiin waa mid aanay ku kasban karin summadda culimanimo oo keligood si cilmi iyo garasho ku dhisan u dhiraandhirin kara arrimahaas.

Xaalladdaas ay qalinlaydu booskii culimada is joojisay, iyagoo dhab ahaan marka halbeegga aynu kor ku soo xusnay lagu halbeegiyo caammo ku isman, waxa ay keentay qas iyo faham gunnimo ah oo ku baahaya bulshada dhexdeeda, kaasoo dabarka ka jaraya qof kastaa inuu wax uu doono sheego fatwoodo, sida uu doono u qoro, isla jeerkaasna khalkhal iyo wareer dhinaca fahamka diineed iyo caqiidada ah ku dhex abuuro bulshada.

Waa ilbaxnimo iyo xilkasnimo dheeraad ah inay bulshadu garato kala xadeynta aqoonta, taasoo macnaheedu yahay in la tixgeliyo takhasusaadka kala duwan, cid walbana waxa ay aqoonta u leedahay lagu ixtiraamo lagana qaato, isla jeerkaasna waxa ay indhaha ka ridayaan laga qabto oo lagula xisaabtamo.

 

Dr. Cabdiqani Xuseen Muxamed (Beder).

Tubtatoosan02@gmail.com.

https://www.facebook.com/abdulqanibedercenter

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories