HomeCulimada Somaliland qaarkood oo khudbaddii Maanta kaga hadlay Dilkii foosha xukumaa ee...

Culimada Somaliland qaarkood oo khudbaddii Maanta kaga hadlay Dilkii foosha xukumaa ee dhawaan ka dhacay Seemaal

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost)- Culimaa-udiinka Somaliland ee ku nool Caasimada dalka ee  Hargaysa Iyo Magaalooyinka kale ee Wadanka ayaa maanta si adag u canbaareeyay dilkii waxashnimada ahaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal ee ay ku naf waayeen Sadex nin oo laba ka mid ahi is dhaleen  .

Inta badan khudbadihii Salaadda Jimce ee magaalooyinka dalka qaarkood ayaa lagu soo qaatay falkii axmaqnimada lahaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal .

Khadiibka Masjid Jaamaca weyn ee Magaalada Hargaysa Sh. Ismaaciil Xasan Faarax ayaa khudbadii salaada jimce waxa uu si qoto dheer uga hadlay in diinteena suuban ee Islaamku ay tahay mid nabadgalyo , isla markaana xoojinaysa sida uu sheegay  is dhex galka bulshada iyo kuwada noolaanshaha xayn daabka amniga .

Sh. Ismaaciil Xasan Faarax waxa uu cadeeyay inay xaaraan tahay inaad sabab la’aan ku disho naf bani aadam ah, isagoo ku sifeeyay -falkii ka dhacay deegaankaas fidno la rabay in lagu soo dhex tuuro shacbiga isla markaana  ka hor imanaya maslaxada iyo wada dhalashada ummada Somaliland .

Sidoo kale Sh.C.raxmaan Yuusuf Jaamac ayaa isaguna ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku wada nool Gobolada Gebilay iyo Awdal inay ka taxadiraan wax kasta oo sii murgin kara dhibta taagan ,oo saamayn weyn ku leh mujtamaca, waxaanu xusay inaan qofka xun loo nisbayn bulshada inteeda kale , Waxaa kale oo sheikh C.raxmaan Yuusuf ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay sida ugu deg dega badan u soo qab qabtaan dhagar qabayaashii falkaas naxariis darada ah gaystay.

Dr Siciid Maxamed Cabdule oo ah gudoomiyaha Jaamacada Sutek oo ka mid ahaa aqoonyahankii ka hadlay Masjiid Jaamaca Weyn ee Magaalada Hargaysa ayaa tacsi u diray qoysaskii ay dadkoodu ku dhinteen Mashaqadaas tiiraanyada badnayd waxa uu si gaar ah gudoomiyuhu uga dalbaday beesha lagu tuhunsan yahay inay falkan gaysteen sidii ay iskaashi buuxa ugala yeelan lahaayeen dawlada in gacanta lagu soo dhigo dhagar qabayaashaas.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah masaajiddada magaalada Borama ayaa khudbadii Jimcaha ee maanta lagaga hadlay dilka qofka muslimka ah iyo dhibta u leeyahay iyada oo culiimada masaajiddada qaarkood dadweynaha ugu baaqeen inay xukuumadda ka sugaan natiijada hawl-galkeeda isla markaana aanay tallaabo qaadin.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories