HomeCulimada Somaliland oo Si Caam ah Khudbadihii Jimcaha ugaga Hadlay Sida looga...

Culimada Somaliland oo Si Caam ah Khudbadihii Jimcaha ugaga Hadlay Sida looga Feejignaan Karo Halista Caabuqa CoronaVirus

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Ka dib markii ay Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland isla eegeen halista Cudurka CoronaVirus oo loo bixiyey Covid-19, kaas oo dunida si xawli ah ugu faafaya iyo wacyigelinta Bulsho ee loo baahan yahay in la sameeyo, ayuu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed Culimada dalka u soo jeediyey inay Bulshada ka wacyigeliyaan khatarta cudurkaas, maaddaama oo uu yahay mid Allah ka cabsi uun lagaga badbaadi karo.

blankSidaa daraaddeed, Culimada oo Ajiibtay, fulisayna Farriinta Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ayaa inta badan Masaajiddada magaalooyinka Somaliland Khudbaddii Jimcaha ee maanta waxay ku soo qaateen, isla markaana ku qaadaa dhigeen Corona Virus.

Magaalada Hargeysa Culimada Khudbadihii Jimcaha kaga hadlay Xanuunkaas, waxa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo Khaddiib ka ah Masjidka Rusheeye iyo Sidoo kale Sheekh Maxamed Aadan oo Khadiib ka ah Masjidka Cali Mataan, waxaanay sheegeen inuu cudurkani u muuqdo cadho Illaahay iyo wax ay keeneen fasahaadka dunida ka jira, mar haddii awood-sheegashadii dowladda Shiinaha iyo dhibta ay ku haysay Muslimiinta ay aad u badnayd, iyaga laftooduna ay garawsadeen in culayskii ay Muslimiinta dalkooda saareen Allaah ugaga aar-gudayo cudurkan aan xuduudka lahayn.

Sidoo kale, Masjid Jaamaca Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayuu Khudbad uu ka jeediyey Sheekh Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Maxamuud kaga hadlay xanuunkaas, waxaanu u mahad-celiyey Wasiirka iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland baraarujinta ay Culimada ku baraarujiyeen inay bulshada ka wacyigeliyaan cudurkaas.

Masjidka Al-huda oo ka mid ah Masaajiddada ugu waaweyn magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa Khudbadda Jimcaha ka jeediyey Sheekh Cabdiweli Maxamed Cali, waxaanu yidhi, waxaanu soo jeediyey in loo baahan yahay inay dowladdu doorkeeda qaadato oo ka hor-tag badan iyo xaddidaad dhaqdhaqaaqa dibedda ah la sameeyo.

Sheekh Cilmi Sheekh Ismaaciil Sheekh Axmed, ayaa isna Khudbadda Jimcaha oo uu ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada Boorama, ayaa sheegay in wax kasta oo xaaraan ah laga dheeraado, maaddaama oo waxyaabaha Allaah cunistooda xaaraantimeeyey ay aad u cunaan Dadka Shiinuhu.

Masaajiddada Ceerigaabo, Berbera iyo magaalooyinka kale ee dalka, ayey Culimadu kaga hadleen Khudbadihii ay ka jeediyeen Cudurka Karonafayraska, waxaanay u Duceeyeen guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Dadka reer Somaliland oo ay u soo jeediyeen inay Allaah ka-cabsiga, cibaadada eebbe xoojiyaan oo ay Alla-bariga badiyaan, Nadaafadda iyo Dhaqanka wanaagsan ee Islaamkana ku dedaalaan.

Caabuqa Karona-fayr oo bilo ka hor ka bilaabmay dalka Shiinaha, una gudbay dhawr iyo soddon dal oo kale, ayey Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO sheegtay in dad ka badan 2,800 oo ruux ugu dhinteen Dunida, kuwaas oo kun iyo dheeraad Shiinaha ugu dhinteen cudurkaas, halka ku dhawaad 78,800 oo Qof oo kalena ay u jiifaan xanuunkaas,oo astaamihiisa ay ka mid yihiin neef-qabatoow, duuf, xumad iyo is-beddel jidhka ah.

WHO warbixin ay Jimcaha maanta soo saartay ayey sidoo kale ku sheegtay in laga cabsi qabo inuu dunida oo dhan saameeyo, marka loo eego xawaaraha uu ku socdo, iyadoo maanta oo qudha ay kordheen 5 dal oo isla jimcaha shaaciyey inuu gaadhay cudurkaasi, isagoo si xooggan u sameeyey isu socodka dalalka dunida iyo sidoo kale dhaqaalaha oo hoos u dhac badani ku yimi.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warbixin lagu soo koobay Weedhihii ay culimadu kaga hadleen arrintan

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories